Somaliland: maxaan usoo joogey? (WQ Ahmed Nour Guruje)

Somaliland intay jirtay wax badan baan usoo joogay oo aan isuu taagnaa oo aan la iiga sheekayne aan xaadir ahaa .

1- Xuskii koobaad ee 18-May la xusay oo ahaa 18-may 1992 xaadir baan ahaa , Madaxwayne C/raxmaan iyo sheekh yuusuf hadalkoodiina waan xasuustaa .

2- Maalintii ugu horaysay ee Cigaal oo laggu soo doortay Borame uu Hargaysa yimina xaadir baan ahaa , khayryada geedka ku horyaala ayaanan ka daawanayay 1993 .

3- Maalintii ugu horaysay ee ciidanka somaliland la qarameeyeyna goob joog baan u ahaa , 10 Askari ee salaanta bixiyey ee uu watay Faarax qaandhuusna waan xasuustaa 1994 .

4- Maalintii Cigaal dib loo doortay 1997 guriga shaqaalaha goob joog baan ahaa , qofkii koobaad ee hoolka kasoo baxay ee lacagta dadka u daadiyey oo ahaa Suldaan Maxamed suldaan faaraxna waan xasuustaa .

5- Aftidii distoorka oo aan dugsigga hoose dhexe ee gurya-samo ka codeeyeyna waan xasuustaa 2001 .

Intaas oo dhan ka dib maanta aniguna markii ugu horaysay waxaan u xadhka xidhanayaa in aan dhoofo , hadii alle idmana Qurbaha ayaan isaga dhoofiya sidda saaxiibo badan oo iga sii horeeyey .