Somaliland siday ku saxmi kartaa? ( WQ: Ahmed Nur Guruje)

Markaad si ka xeel-dheer sida dadka badankoodu wax u arkaan amaba u hilaadin karaan aad wax u eegto amaba aad u aragto si ka shishaysa sidda indhow aragu wax u arko , waxaad arkaysaa duruufaha kala duwan ee kusoo wajahan , ku hareeraysan ee gees walba kaga gadaaman Somaliland.

Sidaa markay tahay , aniga aragtidaydu waxay ku kooban tahay in Somaliland ku saxmi karto hal wado , wadadaas oo ah.

Bilaabista isu diyaarinta bilow cusub 

Bilaabis ay Somaaliland bilowdo in ay isu diyaariso bilow cusub iyo bog cusub oo taariikheed , kaasoo leh qorshihiisa iyo ku tala galkiisa.

Bilowgaas si loo bilaabana , waxaan soo jeedin lahaa in Madaxwaynuhu qaato go’aan adag oo siyaasadeed kaasoo ah in uu ku talaabsado in uu ka badheedho sixitaanka Aragtiyeed , siyaasadeed , sharciyadeed iyo maamul  ,intii somaliland jirtay wixii ka qaldamay oo dhan.

Isagoo bar bilowgaa ka duulanayana , waxaan kula talin lahaa in uu sameeyo gole la tashi oo balaadhan , kaasoo ka kooban boqol qof oo isugu jira , khuboro ku xeel-dheer culuunta kala duwan ee dawladeed ,sidda Siyaasada , Shuruucda , dhaqaalaha , maamulka iyo maaraynta , shareecada iyo axkaamta , Amniga  taariikhda.

Golahaasi muddo 6 bilooda marka ay kusoo diyaariyaan tala bixinta ay hayaan , waa in Madaxwaynuhu ku dhaqaaqaa fulinta talo bixintaas.

Meelaha aan farta ku fiiqayana waxaa ka mida .

– Samaynta ruux aragtiyeed , taariikheed iyo walaalnimo dadku wada leeyahay oo casri ah .

– Dib u qaabaynta hanaanka dawladnimo iyo dib eegista distoorka .

– samaynta bartilmaameed qaran oo la hiigsado .

– Dejinta siyaasada arrimaha dabada iyo difaaca wadanka .

 

Intaa ka dib , waxaan ku talin lahaa in la qaado afti dadwayne oo laggu ansixinayo wax ka badalka iyo kaabista distoorka.

Aftida ka dib , iyado ay diyaarsan yihiin xeerarkii , haayadihii , asluubtii iyo aragtiidii umadeed , ayaan odhan lahaa hala sameeyo gelista doorashooyin ay ka qayb galaan axsaab siyaasadeed , oo leh barnaamijyo siyaasadeed oo qaan gaadha dariiqii ay ku gaadhi lahaayeen heerkaasna loosii scar tiray.

Guusha ugu wayn ee Madaxwaynuhu gaadhi karaana waa in uu xilka ku wareejiyo Madaxwayn lasoo doortay oo kusoo baxay waayo ka wanaagsan waayihii aynu soo maray.