Warqad furan oo ku socota Madaxweyne Siilaanyo (W.Q. Maxamed J. Xaashi)

Mudane Madaxweyne adigoo ku mahadsan horumarka la taaban karo ee ka socdaย  guud ahaan dalka oo runtii ah wax lagu faano balse madaxweyne waxaan ku xusuusinayaaย  in horumarkaaย  hoostiisa uu ka socdo dulmi iyo tacadi lagu hayo dad maato ah una baahan hiilka ummadda.

Waxaan halkan kuugu soo gudbinaynaa ย fariin qeylo-dhaan ah kuna saabsan dulmi iyo tacadiย  aad u fool xun oo ka taagan meel laba boqol oo talaabo u jirta qasriga madaxtooyadaย  ย aad ku jirto.

Arrinkaas oo u dhexeeya laba mujaahid oo dalkan u soo wada halgamayย  balse ย midkood ย ku doodayo in uu abaal badan kugu leeyahay ย waana dhinaca Odey Maxโ€™uud Dhooldahable si uu dulmigiisa ugu helo taageero . Dhinaca kalena waa Inanka Dukaanka Dhidar oo muddo badan si sharci daro ah ugu xidhan Odey Maxโ€™uud Dhooladahable (Agoonta Ilma Muj. Dhidar).

Arrinkan oo saxaafaddu in badan ka hadashay dulmiga lagu hayo agoonta Ilma Muj. Dhidar. Haddaba Md. Madaxweyne, arrinka meesha yaala waa laba meheradood oo iska soo horjeeda balse mulkiilaha Dhooldahable ku andacoonayaan in albaabada loo laabo gebi ahaanba meherada Ilma Muj. Dhidarย  oo ay u arkaan in ay qaadatay macmiil ay ahayd in ay waxย  kaย  iibiyaan Ilma Dhooldahable.

Mud. Madaxweyne, intaas waxaa dheer in waliba mulkiilaha Dhooladahable sheeganayaan in adiga oo madaxweynaha ah aad siisayย  dhulkan la isku haysto.ย  Waana wax aad xaq u leedahay in aad cid dhul siin karto. Hase yeeshee halkan agoontu degen tahay uma dhowa dhulka aad bixisay oo waaba jidka laamiga ah ee Sheekh Biliso dhinaciisaa waqooyi meel fagaare ah.

Md. Madaxweyne, waxaa muddo sideed bilood ah dulmi iyo kibir ku xidhan inankii ugu weynaaย  agooonta Ilma Muj. Dhidar oo markii maxkamaduhu sii daayeen ee ay arkeen dulmiga lagu hayoย  ay bilaysku ku andacoodeen in inankani u xidhan yahay Wasiir Samsam oo amarkeedu ka waynaaday sii-dayntii bilayska iyo sii dayntii maxkamadaha. ย Iyadoo wasiiradduna ku andacootay mar ay meesha la isku haysto soo booqatay in ay Wasiir u tahay qoyska reer Dhooldahable oo kaliya, iyagu ย ay yihiin reer Gebilay taas oo ummaddii meesha joogtay af-kala-qaad iyo wax aan loo joogin oo aan la filayn ku noqotay.

Madaxweyne, iyadoo la kulankaaga albaabka Madaxtooyada laga horjoogsaday odayadii dhinaca Ilma Muj. Dhidar halka albaabadaadaย  hadh iyo habeen loo furay odayada dhinaca Ilma Dhooldahable taas oo keenaysa in dhinac qudha warkooguย  ku soo gaadho waana mid baal marsan in goโ€™aan qaadasho hab cadaalad ku dhisan la helo.

Guntii iyo gebagebadii, Md. Madaxweyne waxaanu ergo islaam, mid Somaliland, iyo mid aadanimo intaba kaaga nahey in aaney maashu dilaacin ee aad si degdeg ah u soo farogaliso kana gaadho goโ€™aan xal u ah dhinac walba, dhinac nabadgelyo iyo in la baajiyo mashaqo ka imaan karta dulmiga raagey oo ciil iyo cadho weyn ku ah agoonta Ilma Muj. Dhidar (Balaayo madax la qabto yey leedahey balse mijo la qabto malaha).

Md. Madaxweyne, waxaan kaga baxayaa waxaa laga dhursugayaa goโ€™aan kaaga degdegga ah oo xal waara u noqda dulmiga huursan oo eexda qaawan habeen iyo maalin ay wadaan mukhalisiin.

Allaa mahad leh,

 

Maxamed J. Xaashi

abjad88@hotmail.com

Maqaallada aragtida ah ee ku soo baxa Bandhige fikradaha ay xambaarsan yihiin waxay gaar u yihiin qoraaga. ย