Soo-koobid buugga Rise of The Robots (WQ: Axmed Suleymaan)

Buugan inoo muuqda magaciisa waxaa la yidhaahdaa Rise of The Robots waxaana qoray Martin Ford. buugu waxa uu ka koobanyahay 286 baal oo uu toban cutub ku soo ururiyay,waxaanu soo baxay buuggu 2015.

Buuggu waxa uu si aad ah uga sheekaynayaa sida ay teknoolajiyaddu u barabixinayso aadamihii shaqadaas gacanta ka qaban jiray gaar ahaan beerihii, waxbarashadii iyo caafimaadkii oo intaba la isticmaalo mashiino u shaqaynaya sidii dadka oo kale. Dalka Japan oo kale waxaa soo baxay qalab kala ogaanaya midhaha bislaaday ee beerta ku yaal iyo kuwa qaydhin isla mar ahaantaasna si wacan meel ugu guray midhaha bislaaday ee beerta ku yaal. Isla jeerkaasna waxa ay kordhiyeen xaddigi midho beerista. Google oo kale 2012-kii waxay soo saartay lacag dhan $14 Bilyan oo doolar iyadoo shaqaalaysiisay 38,000 ruux halka General Motor sannaddii 1979-kii ay soo saartay $11 Bilyan oo doolar iyadoo shaqaalaysiisay 840,000 ruux.  Waad aragtaa farqiga u dhexeeya shaqaalahooda oo midina inta badan uu isticmaalay Robots halka kuwa kale ay isticmaaleen guud ahaanba xooggii dadka. Tani waxay keentay in shaqaale badani is dhimaan. Masalan Facebookgu waxa uu isticmaalaa hab loo yaqaan Cyborg kaasii oo xalin kara mushkiladaha ku yimaada Facebook-ga tiro ahaana qaban kara shaqada 20,000 oo computer.

Daraasad jaamacadda Oxford ay ka fulisay waddanka Maraykanka iyadoo baadhay in ka badan todoba boqol oo nooc oo shaqo ayay ku ogaatay in 50% shaqadaas ay qaban doonaan machine automation, shaqooyinka hudheelada iyaga laftooda waxaa la sameeyay robots shaqadaas ka soo bixi kara. Midha kale ee xiisaha lehi waxay tahay habka loo yaqaa Massive Open Online Courses ayaa waxa uu dhimay tiradii faraha badnayd ee jaamacadaha is qori jiray iyagoo ka doortay in koorsooyin koob kooban ay ka qaataan. Edx ayaa la sheegay inay iska diiwaan geliyeen arday ku dhaw 160,000 iyagoo ka kala socda 190 waddan oo dunida ah. Coursera waxaa lagu aas aasay lacag dhan $22 Milyan oo doolar waxaana aas aasay laba macalin oo wax ka dhiga jaamacadda Stanford halka edXna lagu aas aasay lacag dhan $60 milyan oo doolar taasi waxay hoos u dhigtay tiradii ardayda ee jaamacadaha aadi jiray isla mar ahaantaasna waxay hoos u dhigtay dakhligii jaamacadaha ka soo geli jiray iyo fiiga laga qaado ardayda.

Xagga caafimaadku ayuu buuggu xusayaa in iyagana mashiinadaasi ay hawl ku hayaan gaar ahaan soo saarista daawooyinka iyo welibana in la helo qalab lagu isticmaalo xarumaha daawooyinka oo sidii dadka oo kale robots ay shaqadaas qabtaan. Dadkii asaasaqay ee dadku u adeegi jireen ayaa iyagana lagu bedelay in la sameeyo mashiino sida dadka ugu adeegaya oo xataa qololkooda u nadiifinaya. Watson waa application-ka ugu casrisan ee ay dhakhaatiirtu isticmaasho.

2006-dii daraasad waddanka Maraykana laga fuliyay ayaa sheegtay in dadku dhaw 1.5 Milyan ay waxyeelo ka soo gaadho medication error. Maraykanka oo keliya 6 milyan oo qof ayaa ka shaqeeya dhismaha halka hay’adda ILO ay ku qiyaastay 110 Milyan oo ruux ay ka shaqeeyaan dunida oo dhan dhismaha. Waxaa se is weydiinta ugu badan ee buugani sheegayaa tahay wax kharash ah mashiinadan kuma baxaan marka laga reebo dayactirkooda iyo laydhka ay ku shaqaynayaan oo keliya laakiin dadkii mushaharka qaadan jiray iyagu waxbay iibsan jireen sidaas daraadeed miyaanay meesha ka baxayn give and take?

WQ: Axmed Suleymaan