Sookoobidda buugga “Show Your Work” (WQ: Cabdirisaaq Sandheere)

Sookoobidda buugga “ Show Your Work Shaqadaada Muuji”

Hordhac

Buuggan la yidhaa “ Show Your Work ~ Shaqadaada Muuji” Cinwaanhoosadna uu uga dhigay “ 10 Hab oo aad hal’abuurnimadaada ku baahin karto, kuna daahfuri karto.” Waxa qoray Austin Kleon, oo dhashay  1983. Da’ ahaan wuu yaryahay oo waa 37 sano jir. Waa qoraa ka mid ah qoraayada buugtoodu ugu iibisga badantahay Wargeyska New York Time. Buuggan iyo laba kale oo la kala yidhaa ‘Steal Like an Artist’ iyo ‘Newspaper Blackout’ ayuu qoray. Saddexduba buuga loogu iibsiga badanyahay ayay ku jiraan. Qoys aqoonyahanno ah ayuu ka soo jeedaa. Aabbihii Bare Jaamacadeed ayuu ahaa, Hooyadiina lataliye iyo Maammule Dugsi ayay ahayd.

Waa qoraa, iyo abwaan.  Gabayo ayuu tiriyaa. Wuxuunna qoraa sheekooyinka kaladuwan. Barnaamijyo kaladuwan ayuu ka qaybgalaa,qaarna sii daayaa. Barnaamijyada uu ka hadlo waxa ka mid ah Barnaamijka TEDx.

Si guud buuggan waxa uu ugaga warramayaa xirfadda shaqada qofku sidii uu ku muujin lahaa, ee uu mid macno leh uga dhigi lahaa. Buugga 10 sifo kaliya ayuu ku taxayaa. Kuwaanna faahfaahin ayuu ka sii bixinayaa. Bes.

Nuxurka Buugga

Markii uu qoraagu buuggiisii hore ee Steal Like an Artist’ uu qoray ayaa waxaa lagu badiyay wayddiin ah “ Sideed shaqadaada ku muujin kartaa?”Sidee..? Sidee…? Wayddiimaha ‘ Sidee sidee..” ayaa ku batay. Markaa ayuu bilaabay inuu ka jawaabo. Buugganna ka qoro.

Qodobbada ayaynu tixi.

1- Jeclow waxa aad qabanaysid: ‘ Uma baahnid inaad nqotid Cabqari’ ayuu qoraagu leeyahay. Waxa aad doonaysid waa inaad jeclaataa ayuu qoraagu leeyahay.

2- Ka feker habka, se haka fekerin uun kaliya maxsuulka: Maaha in qofku sheyga uu qabanayo natiijadiisa uun uu ka fekero, se waa inuu habka uu marayo iyo sida ay yihiin ka fekeraa. Tusaale ahaan, haddii aad farshaniiste tahay oo aad sawir aslaysid, waxa aad u baahantahay waxyaabo badan si aad sawirkaa u asashid. Marka hore waa inaad Qalimaan, Kalarro, iyo waxyaabo badan heshid. Markaad intaa heshid ayaad sawir qurxoon samayn kartaa. Markaa ka feker habka aad u maraysid samaynta sheygan, oo kaliya niyada ha ku hayn sawirkaa qurxoon ee aad samayn doonto.

3- Waxyar ooo ka mid ah maalinkasta baahi: Wax ka mid ah baahi oo dadka kula wadaag sida blog, Twitter ama meel kalaba.

4- Sheekooyin dadka uga sheekee.

5- Dad iyaguna wax aad wadaagtaan la wadaag: Waa dadka aad isku hal’abuurka tihiin.

6- Dadka bar waxa aad baranaysid: Marka aad adigu ku caanamaashid waxa aad baratay waa inaad dadka kale sii bartaa. Waayo, qofka dadka wax sii bara aqoontiisu way sii kobocdaa oo way u barakawdaa.

7- Dadaal oo wixii ku soo baxa qaado: Sida ugu fiican adigu wax u qabo, una rajee. Se mararka qaar waxaa dhici karta in wax xun, arrin aan fiicnayn ama wax aanad jeclaysan kuu baxo.

8- Marka aad hawl dhammayso, mid kale bilow oo ‘ Maxaa ku xiga iswayddii?”: Marka aad shaqo idlayso midkale bilow.

9- Haddii ku fashilanto marlabaad bilow.

10- Naftaada iibi

 

Si guud marka shaqada laga yimaaddo, qoraagu waxa aad mooddaa inu xooggasaarayo shaqoyinkan casriga ah ee inta badan la xidhiidha aaladaha casriga ah sida Yuutuubarka, Sawirqaadista, Xayaysiiska IWM. Kuwaanna inta badan waxa saamayn wayn ku leh Internetka. Bal aynnu soo koobno kuwaa qofku sidii uu ku horumarin lahaa:

1- Inuu Hal’abuur cusub la yimaad oo waxa jiray ku soo daro.

2- Inuu baahiyo oo dadka la wadaago.

3- Inuu barto.

4- Inuu ka sheekeeyo/ qiso.

5- Inuu runta ka sheego/runta sheego.

6- Inuu lacag ku socodsiiyo

 

Gebagebo

Buuggu wuu koobnaa. Dhawr dhinac ayaynnu ka eegnay. Intaas ayuu si guud uga warramayaa.

 

Muuqaal ahaan halkan ka daawo: https://youtu.be/NJJb6YqkXDk

 

Qofkii heli karaa ha akhriyo.

 

W/Q: Cabdirasaaq Sandheere

Febraayo 13, 2020.