Taariikheey Ninba Si Kuu Tebi: SNM ma waxay ahayd urur midnnimo doon ah oo u taaggan midnnimada ummadda Soomaaliyeed? (WQ: Maxamed Aadan Tarabbi)

Horta SNM nin waliba siduu jeclaa ayuu uga sheekeeyaa. Haba ka sheekeeyaane waxaanay isla akhriyin dhacdadii markaa taagneyd iyo wixii dhacdadaasi dhashay. Tusaale ahaan rag baa Soomaalida ku leh SNM waxay ahayd urur midnnimo doon, oo u taaggan midnnimada ummadda Soomaaliyeed. Waxay daliishanayaan qodobkan oo kamida Dastuurkii SNM.
โ€œUrurka Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed wuxu aaminsan yahay in la xoreeyo Soomaaliya oo idil, lana ilaaliyo midnimadeedaโ€. Sidaas waxa dhigayey qodobkii lixaad ee dastuurkii SNM.

Waxa kale oo ay cuskadaan feker iyo aragti aan qoraal iyo cod midna lagu haynin oo Guddoomiyihii SNM Madaxweyne Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur) uu ku yidhi shakhsiyaad uu ka mid yahay MXH. Xasan Ciise Jaamac. Waxay caddeyn midnnimo u arkaan guubaabo iyo kicin uu kicinayey saraakiishii Ciidamada Soomaalida Madaxweyne Muuse Biixi oo markaas ahaa Kornayl SNM ah. Waxa kale oo ay caddeyn u soo qaataan magacii SNM oo ahaa mid si guud u anfacaya Soomaaliya.

Waxay iska indha-tireen aragtidii Kacaanku uu SNM ku eedeyn jiray oo ahayd in SNM ay tahay argagaxiso waddanka kala jaraysa. Maxamed Siyaad Barre ayaa sidaa ka aaminsanaa SNM, Cali Samatar baa ka aaminsanaa, Guulwade oo ugu danbeeyey ayaa inoo sheegay 2 bilood ka hor sidatan. Waa maxay mashruuca ku jira SNM baa midnnimada rabtay. Kaliya waa xayeysiis loo samaysanayo waxa ay iyagu rabaan.
Cabdiraxmaan Axmed Cali wixii ka horreeyey 1993kii waddanka isagaa masuul ka ahaa, madaxweyne ka ahaa, Guddoomiyaha SNM ka ahaa. Khudbaddii uu ka jeediyey Shirweynahii Aayo-katashiga Beelaha Woqooyi meelna kumuu xusin in SNM masuul ka tahay Soomaaliya. Meelna kumuu xusin inuu diiddan yahay waxa shirweynaha ka soo baxa. Balse wuxuu xusay xidhiidhka Itoobiya iyo SNM, wuxuu xusay in SNM Woqooyi sii maamuli doonto oo gaadhsiin doonto Xisbiyo iyo Dimuqraadiyad. Wuxuu xusay in SNM aanay noqon doonin sidii Saddaam Xuseen oo kale. Wuxuu xusay in shirweynaha Aayo-katashiga beelaha Woqooyi aannu ahayn shir laysku muquuninayo balse ay waajib tahay wixii ka soo baxa in la aqbalo oo lagu dhaqmo. Wuxuu sheegay waxa ka soo baxayaa inay yihiin dhaxal iyo mustaqbal wanaagsan.

Shirkii SNM qabatay ee madaxweyne loogu doortay Cabdiraxmaan Axmed Cali miyuu diidey? Miyuu ka baxay shirka? Miyuu iscasilay? Mayee aqbal buu ahaa madaxweyne ka soo baxay shirkaas buu ahaa. 1993kii wixii ka danbeeyey anigu kama hadlayo.
Shirkii SNM qabatay ee Aayo-katashiga beelaha Woqooyi maxaa ka soo baxay ma midnnimada Soomaaliya mise kala go’a Soomaaliya? Shirka se saw SNM may qabanin oo maamulkiisa gacanta ku ma haynin.

In Woqooyi gaar isu taago oo aan la raacin Koonfur
2. In lagu dhaqmo shareecada Islaamka
3. In la sugo nabadgelyada Woqooyi
4. In si dhakhso ah loo dhiso dawlad Woqooyi
5. In golayaasha ururka iyo dawladda si caddaalad ah loogu qaybiyo Beelaha Woqooyi
6. Arrinta nabadgelyada Sanaag in si gaar ah wax looga qabto, loona saaro guddi gaar ah.
Mawqifkii SNM ee shirkan ayuu dhalay, Soomaalilaan ayuu dhalay, ninkii wax kale sheegayaa waa ku isaga. Mar kale 1992kii waxa SNM goob jooge uga qaybgashay shirkii ururrada Soomaalida ee Addis Ababa. Waxa SNM ku matalayey Amb Ibraahin Maygaag Samatar oo ahaa Guddoomiyihii Golaha Dhexe ee SNM wuxuu sheegay mawqufkii SNM oo ahaa in Soomaalilaan dal ka ka gaara Soomaaliya ay tahay. Sidaas buu ku matalayey SNM, sidaas bay isku ogaayeen Guddoomiyihii SNM. Meel uu ku yidhi Cabdiraxmaan Tuur Ibraahin Maygaag ima matalo maynu arag.

Markale waxa shirweynahii 2aad ee beelaha Soomaalilaan oo SNM ku lahayd doorka ugu weyn iyo maamulkii markaa jiray ka soo baxay qodobkiisa koowaad iyo 2aad.
1. Sidii loogu goโ€™aansaday shirweynihii beelaha Soomaalilaan iyo hay’adaha
hoggaaminta SNM ay ku yeesheen Burco May 1991kii Jamhuuriyadda
Somaliland waa Dal Madaxbanaan oo leh xaqa iyo Karaamada Qarannimadiisa.
2. Dalkii hore loogu yiqiin Somaliland protectorate xoriyadiisana ka qaatay boqortooyadii Ingiriiska iyo Waqooyiga Ireland 26kii Juun 1960kii ayaa dib loogu soo celiyey
Madaxbanaannidiisa.

Maxamed Baaruud Cali oo ah mutacallin siyaasi ah isla markaana ahaa aasaasaayaahii UFO wuxuu Barnaamijka Xusuus Reeb u sheegay in markii uu xabsiga ka soo baxay intaannu tagin USA isagoo ku sugan Jabbuuti uu yimi Balligubadle. Maxamed wuxuu yidhi dareenka ugu weyn ee yaallay wuxuu ahaa in Soomaalilaan dal noqoto.
Sidaas buu ku jabay qodobkii 6aad ee SNM. Sidaas bay runtu tahay oo aan been ahayn. Sidaas buu Soomaalilaan madaxweyne ugu noqday Cabdiraxmaan Axmed Cali 1991-1993. Waxaan ku talin lahaa qoladiina midnnimada rabta marka aad ka hadlaysaan qaddiyadda Cabdiraxmaan Axmed Cali soo qaata wixii ka danbeeyey 1993kii. Arrinka magaca SNM wuxuu ahaa mid sax ah inuu sidaa ahaado sababo badan awgood.

1. Jabhad kasta oo ku dagaalanta magac qabiil iyo mid gobol wey fashilantaa inta badan.
2. SNM dani uguma jirin magac kale markaas. Waayo SNM kursi uma dagaalamaynin ee waxay ka dagaalamaysay tacaddi ku dhacay Beelaha Isaaq. Sidaa awgeed inay Soomaalidu u aragto niman xanaaqsan oo dalka kala jaraya dani uguma jirin.