Soomaalidii Lagu Xidhay Guwaantannaamo iyo Hoggaamiyeyaasha Soo Maray Baakistaan (WQ: Siciid Maxamuud Gahayr)

Dad badan oo reer Baakistaan ah ayaa loo xidhay inay xidhiidh la leeyihiin ururrada Islaamiyiinta ah. Qaarkood waxa loo dhaadhiciyay Xabsigii caanka ee Guwaantannaamo, kuwo kalena waa la sii daayay.

Inta aan ka war hayo, waxa ka mid ahaa:

1.Maxamed Saleebaan: Waxa uu ahaa Maamulihii Shirkadda Dahabshiil ee Baakistaan, waxa la xidhay markii lagu eedeeyay in ay lacago ka qaateen niman ka tirsan Daalibaan, isla markaana ay taleefankiisa soo waceen rag xagjir lagu sheegay. Waxa lagu xidhay xabsigii Guwaantannaamo ee Maraykanku ku lahaa Jasiiradda Kuubba. Hayb ahaan waxa uu ka soo jeeday Isaaq/Habarjeclo/Muuse Abokor.

2.Ismaaciil Carraale: Waxa uu ahaa Guddoomiyihii kowaad ee ururka Alshabaab, isaga oo Muqdisho ka soo dhoofay ayaa lagu qabtay Jabuuti. Waxa lagu xidhay xabsigii Guwaantannaamo ee Maraykanku ku lahaa Jasiiradda Kuubba. Xilliga aan Baakistaan joogay (2007-2008) lama ogayn meel uu raq iyo ruux ku dambeeyay Ismaaciil Carraale. Hayb ahaan waxa uu ka soo jeeday Isaaq/Garaxajis/Habar Yoonis. Markii xorriyaddiisa loo celiyay wuxuu noqday Guddoomiye ku-xigeenka Jaamacadda Burco, mar dambe waxa uu madax ka noqday Jaamacadda Shifo ee Burco.

3.Ninka saddexaad waxa uu soddog u ahaa Maxamed Saleebaan, Maamulaha Dahabshiil ee Baakistaan. Isaga oo u shaqeeya ururro samafal ah ayaa gudaha la dhigay. Waxa lagu xidhay xabsigii Guwaantannaamo ee Maraykanku ku lahaa Jasiiradda Kuubba. Wuxuu ahaa hayb ahaan Isaaq/Garaxajis/Habar Yoonis

4.Cabdirashiid Caydiid: Waxa uu ahaa bare wax ka dhiga Jaamacadda Islaamka ee Islamabad. Isaga oo ka soo laabtay safar uu Muqdisho ku tegay ayaa lagu xidhay Jamhuuriyadda Jabuuti, markii uu halkaas muddo ku jiray ayaa la sii daayay. Waxa uu hayb ahaan ka soo jeeday Daarood/Ogaadeen

Waxa Bakistaan xilliyo noloshooda ka mid ah joogay dad badan oo saamayn ku yeeshay siyaasadda Soomaalida, kuwaas oo qabtay xilal kala geddisan. Waxa ugu magac-weyn Amiirkii Dhaqdhaqaaqa Halgameyaasha Alshabaab (Xarakatu Shabaab Al-mujaahidiin) oo caan ku ahaa Sheekh Mukhtaar Cabdiraxmaan Abu Subayr. Hoggaamiyahani waxa uu ku shahiiday weerar ay ku qaadeen ciidanka Maraykanku 2dii Sebtember, sannadkii 2014ka oo ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose ee Soomaaliya.

Axmed Cabdi Aw Maxamuud (Axmed Cabdi Godane) waxa uu dhaqaalaha ka bartay Jaamacaddda Islaamiga ah ee Baakistaan, taas oo uu ka diyaariyay shahaadada labaad ee Masterta. Xilliyada fasaxa, raggii ay isku fasalka ahaayeen waxa ay sheegeen in uu xilliyada fasaxa tegi jiray Afgaanistaan, halkaas oo uu ku soo qaadan jiray tababar dhinaca ciidanka ah. Waxa uu soo noqon jiray isaga oo midab ahaan is-beddelay, oo madoobaaday. Taasna waxa sabab u ahaa layliska adag ee uu maray.

Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abu Mansuur) oo noqday Afhayeenka Alshabaab ayaa ka mid ahaa ragga Baakistaan ku qaatay qayb noloshooda ka mid ah, waxaana la ii sheegay in uu soo maray Jaamacadda UET, Laahoor isaga oo firxad ah. Waxa ku daba-jiray ciidanka Baakistaan. Si qarsoodi ah ayuu u dhoofay.

Ibraahin Xaaji Meecaad (Ibraahin-Afgaani) ayaa ka mid ah dadka Baakistaan joogay. Waxa uu ka mid ahaa aasaaseyaasha Ururka Al-shabaab, waxa la dilay sannadkii 2012ka kaddib markii ay kala aragti noqdeen Hoggaamiyihii Alshabaab Axmed Cabdi-Godane.