Soomaalilaantu maanta ma qurxoona, cadduurna dhawdhawdu uma dhacsana! (WQ: Dr. Abdulqani Bedder)

Soomaalilaantu maanta ma qurxoona, cadduurna dhawdhawdu uma dhacsana !

Daruuriyaadka nolosha ee nooluhu aanu ka maarmi karin waxa ka mid ah nabadgelyada oo la maqaam ah cuntada, cabbidda iyo dawada.

Amnigu waa nicmo weyn oo Alle bixiyo, ku mahadnaq iyo ilaashina u baahan, cid kasta oo amni darro sabab u noqonaysana in dhinac laga wada noqdo oo halkeeda lagu joojiyo ayaa muhiim ah.

Maanta waxa Soomaalilaan ka socdaa ma qurxoona, dadkuse dareenkaas ma wada qabo, haa ma wada qabaan oo qaar dhegweyn ah oo qabta uun ku warhela iyo kuwo is diidsiinaya waayaha muuqda ayaa jira, inta se soo jeeddaa halistaas muuqata way dareemayaan.

Fitnada lama sahashado oo dabka wax gubaa dhinbiil duushay oo dareen la’aan caws qabsatay ayuu ka bilaabmaa.

Muddo badan ayay cabasho soo noqnoqonaysay, garawshiiyo iyo wax ka qabasho ku filan oo ay ku joogsatana ma helin, maanta waxa muuqata in tabashooyinkii afka ahaa gacan lagu raadinayo, oo weliba ay sii xoogaysanayso doonista gacan ka hadalku.

Dhinac keliya oo eedda aan u gaar yeelayaa ma jiro, xallinta dhibta iyo daweynta cabashadase cid baa loo tuhmayaa.

Waxa aan leeyahay inta aanay gaadhin “Adduun I khatal” ama “Maalintaan tabarta lahaana talo ma haynin maanta oo aan talo hayana tabar ma lihi”, talada ha loo dhug lahaado, oo caduur dhawdhawdu ha u dhacdo.

Bulshadanna Alle amniga iyo wanaagga dhexdooda ah ha u xoojiyo, caddaalad iyo caafimaadqabna ha ugu deeqo, tabashooyinkoodana taladii ay ku xallin lahaayeen ha waafajiyo.

• Dhab u hadalka waxa iigu wacan dhiiladaa timiye

• Dheg u yeelo waayaha jiriyo dhagarta kuu qoolan

2018