Kornayl Caarre iyo Xukuumadda SL midba erey baan leeyahay (WQ: Maxamed Haaruun Biixi)

1. Marka wax la dhiso, hadii wixii uu xumaado ama qalqalooc ka muuqdo, waxa quman in wixii qaldan uun la saxo oo aan waxa oo dhan la bburburinin. Sidaas waxa sameeya oo keliya Soomaalida, waxna kama macaashto. Sida taariikhda dhaw laga bartay, waxaaba soo baxa wixii la saluugsanaa wax ka sii liita. Dirirtii lagu qaaday xukunkii Afwayne Barre ma waxa ay kula tahay in laga macaashay oo wixiisii wax ka fiican la sameeyay? Maya weeye jawaabtu dhankayga, sidaas darted, Kornayl Caare iyo ciddii taageersan ba waxa aan leeyahay nimanyahaw caqliga ha laga shaqaysiiyo. Dagaaladii Ilaa Siyaad Barre ayaa aan qalad u arkaa anigu, hadii aan saacadda dib u celin karo, oo wax aan dhicin ka dhigi karo na, waa ka dhigi lahaa, ma se dhacayso. Taariikhda dib ma loo celin karo, wax baa se laga bartaa uun. Saluug ama tabasho siyaasi ah, xabad ma lagu xalliyo. Kaas weeye casharka aan bartay. Ma aha in aad isla dabkii, oo isla halkii uun yaala kolba ku joogsato.

Dabkii mar ku guba, Dambaska waa laga guraa.

Dib hadaad ugu joogsatona, Waa adiyo doqoniimadaa!

2. Xukuumadda maanta joogta, gaar ahaan Madaxwayne Biixi iyo Wasiir Kaahin, waxa aan leeyahay, Kornayl Care waxa uu samaynayaa wixii waagii 1991 ilaa 1993 aad samayn jirteen. Waa waagii iyada oo dagaalo xun laga soo baxay, oo dhulku wada dunsanyahay, oo wada lafo daadsanyihiin, Hadana aad xabaddii dib u qaadateen, ee bilaa micnaha u dagaalanteen. Waaba intaas uun ee wax kale ha moodina. Waliba tiinu xataa marmarsiiyo la taaban karo, oo aan ka ahayn xukun doon ma lahayn. Maanta taladii aad mudada dheer u soo dagaalamayseen waydinkaa hayee, la yimaadda faham iyo furfurnaan wixii mashaakil ah lagu xalliyo. Ha soo xidhanina aqalka. Ha la imanina dhaqankii geeljiraha ee inta uu geelu dhawyahay aan u kici jirin, ee marka uu dhamco hadba gees u ordi jiray. Ha u malaynina in is dhego marin ay wax ku xallismayaan.

Igaba dhan ee Ilaahay ha ku duwo labadaba. Nin lehoow ku doono.

2018