Faa’iidooyinka Caafimaad ee Geedka Dacarta (WQ: Cabdiraxmaan Barre)

Geedka dacartu waa geed abaareed yar oo leh caleemo hilibeed qodxan yaryar leh oo loo yaqaan baaldacar.

Dacartu waxay ku jirtaa dhirta ugu muhiimsan ee laga sameeyo daawooyinka iyo waxyaabaha la isku qurxiyo.

Anoo soo koobaya haddaan u gudbo faa’iidooyinkiisa caafimaad waxa ka mid ah:-

➤ Calool-istaagga waa u dawo, oo caloosha waa ay socodsiisaa, sidoo kalena shubanka waa ay jiijisaa. Haddii afka lagu dhibciyo dheecaankeeda huruud xigeenka ah ee aadka u qadhaadh, waxay keeni kartaa calool majiir xanuun badan, iyo labbalabbo, xaamiladana waaba ka mamnuuc, waxay xanuun iyo casiraad ku keeni kartaa ilmagaleenka, ka bacdina ilmuhu inuu soo dhaco ayay sababi kartaa.

➤ Dacartu waxay hoos u dhigtaa heerka sonkorta ee dhiigga, daraasad hordhac ah ayaa sheegaysa in dacartu ay dejiso macaanka khaasatan nooca 2aad. Balse waxaa muhiim ah in aan lagu degdegin, waayo wax la tijaabiyay ma aha, qofka dawo ahaan dheecaanka dacarta u isticmaalana, dhibka ay ku keeni karto Allaa og, haddiise laga maarmi waayo waa in uu dhakhtar la socdo xaaladda caafimaad ee qofka macaanka qaba ee dacarta isticmaalaya.

➤ Suuska iyo xanuunnada cirridka ku dhaca dawo ayay u tahay dacartu, daraasado ayaana sheegaya in jelka dacartu ay joojiso shaqada noocyo badan oo bakteeriyada suuska iyo cirrid xanuunka sababta ah, balse baadhitaan iyo xaqiijin dheeraada bay u baahantay.

➤ Gubashooyinka khafiifka ah iyo xanuunnada maqaarkaba dawo ayay ka tahay dacartu, oo jelka dacarta oo ah layiig cad, ayaa lagu dhammooqaa qaddar cayiman kolba halka maqaarka uu kaga yaallo nabarku, si dhakhso leh ayayna markiiba u dawaysaa Ilaahay idankiisa. Balse nabarrada waawayn ama qotada dheer leh ma habboona in loo isticmaalo, waayo waxay keeni karaysaa xasaasiyad, hadday qofka kolkaa marsanaya xaaladdiisu kasii xumaatana waxaa wanaagsan inuu markiiba joojiyo, si degdeg ahna dhakhtarka ula xidhiidho.

➤ Duuduubka jidhka iyo jactadka haragga ku yimaadda ee da’du keento waa u dawo dacartu, oo daraasado hordhac ah ayaa sheegaya in jelka dacarta oo lagu duugo jidhka ay ka ilaalin karto in uu duuduubmo, balse waxaan laga maarmayn baadhitaan qoto dheer.

✹✹✹ Waa ka mamnuuc in ay dacarta isticmaalaan dadka ka cabanaya xanuunnadan soo socda:-

Wadne xanuunka, xanuunnada mindhicirka, babaasiirta, kalyo xanuunka, macaanka. Haddii laga maarmi waayana waa in dhakhtar uu goob joog u ahaadaa.

Sidoo kale waxa ay mamnuuc ka tahay isticmaalka dacartu hooyooyinka xaamilada ah, ama ummusha ah ee ilmo naaska nuujinaya, waayo ilmaha ayay ka dili kartaa.

✦✦ Geedka dacaru waa geed aad u faa’iido badan caafimaad ahaan, xanuunno badan ayayna daawo soo jireen ah ka tahay, waxaa se la rabaa in isticmaalkeeda aan lagu fogaan laguna degdegin, qaddarka aad ka isticmaalaysana waa inuu noqdo mid dhakhtar uu kugu la taliyay, kolka aad isticmaalaysidna waxaa wanaagsan inuu dhakhtar kaa war hayo, haddii xaaladdaadu kasii darto, si laguu la tacaalo.

Anigu dhakhtar ma ihi, balse waxaan idin la wadaagay faa’iidooyinka caafimaad ee geedka dacarta. Mahadsani

W/ Q : Cabdiraxmaan Barre .