Afxumadii Aadan Galaydh! (WQ: Jaamac Shube)

Wax yar akhir qoraalkan.

Aadan Galaydh, inta taarikhda la og yahay waxa uu ka mid ahaa raggii ugu kibirka badnaa ee Soomaali ka dhasha , ilaa uu eeday kibirkiisi iyo santaagiisi.

Wuxu ahaa nin tanaasulka iyo wanaag ka talintu agtiisa ka tahay wax aad u liita. Wuxu ahaa nin aan jixin jixa aqoon oo laba daran haddii la kala doorran siiyo ta xun qaata .

Haddaba ninka sidaa uu abuurna ayaa inan uu dhalay oo Cumar la odhan jiray , oo ceel xoolo ka waraabinaya sac ka jebiyey Qabaaalkii uu xoolaha ku waraabinayey. Kolkii uu ninkii saca lahaa u sheegay in saciisu dalooliyey qabaalkan waxa meeshii ka dhacday is af dhaaf dhex maray Cumar iyo ninkii saca lahaa. Dagaal af ka hadala ka dib, Cumar Aadan Galaydh intu waran haabtay ayuu hanaqa ku jiray ninkii lahaa saca jebiyey qabaalkii uu xoolaha ku waraabinayey. Ninkii saca lahaana dhulkaba ulamuu dhicine bartii bay kaga aguugtey!

Markii u dilkaasi dhacayna labadii jufo ee kala dilay iyo ka wax dilay ka dhasheen ayaa sidii caadadu ahayd ka heshiiyey wixii dhacay. Waxana lagu ballamay in mag la kala qaato sidaana dhiigga uu qabaalka jabay sababayna lagu soo afmeero.

Marka inankiisa Cumar ninka dilaayo iyo markan la heshiinayo toonna Aadan Galaydh muu joogin meesha. Sidaa darteed kolkii uu yimi ayay ergadii waanwaanta magta waday oo awalba sugaysay u sheegeen wixii dhacay iyo waxa meel yaalla. Waxayna u sheegeen in magtii ay soo ururiyeen oo hal keliyi dhiman tahay , taana ka Aadan ahaan la doonayo in uu buuxiyo si loo gudo dhiigga islaameed ee inankiisu soo hooyey.

Aadan Galaydh oo sida aynu kor ku soo xusnay ahaa nin tanaasulka iyo waanwaantu agtiisa cay ka tahay ayaa aad ugu qoslay warkii ergada tolkiisi wadey . Wuxu Aadan Galaydh eragdii ugu af celiyey ” wiilkaygu hadduu wiil dilo miyaanu nin ahayn? Hashan aad i leedihiin keenase yaa ka leefaya sumayda ku taalla ” Waxa kaloo la sheega in uu yidhi ” Hal Aadan Galaydh lee yahay xero kale ka soo ololi maysee war kale keena ”

Markuu hadalkaa yidhi dadkii aad bay u wada nexeen oo xataa inankiisi magta loo haystay ayaa naxay oo ku yidhi ” aabbe hasha innaga dhiib oo saddex arrimoodba midkood inooga dhiib. Waa mide ninka anaa dilay oo in aan dilay ma dafirsani. Waa ta labaade waxa innagu soo hagaagay waa hal keliya oo waad haysaa. Waata saddexaade waa dhiig sokeeye oo dhiig sokeeyena lama haysto ”

Markuu wiilkii Cumar ahaa intaa yidhi ayuu aabbihii Aadan si cadhole u soo jalleecay oo ku yidhi ” aamus alla ku dooriye ifka laguguma gumaysane ma uurkii hooyadaa baa lagugu gumaystay, maanan anigu ku dhalin maxaad la baqaysaa? ”

Markii uu Aadan Galaydh ku tiraabay hadallada quudhsiga iyo santaagu muushka ka yahay sidoo kalena uu diiday in uu bixiyo hashii kaga soo hagaagtay magta inankiisa wax dilay, ayay guddidii waanwaanta wadey intay candhuuf dib u liqeen guriigii Aadan Galaydh iskaga huleelen . Waxana halkaas gebi ahaanba ku burtay waanwaantii lagu doonayey in aanu dhicin dagaal lagu hoobto oo reeraha ka dhex hillaaca .

Maanlintaa wixii ka dambyeyna labadii reer ee aanada kala qabay waxay noqdeen eegtiyo haad aan is bixin oo dhufaysyada isugu jira .

Haddaba waxa dhacday maalin maalmaha ka mida Cumar Aadan Galaydh oo ahaa ninkii dilay ninka maqan ee magtiisana aan la bixin ayaa qoladii uu ninka ka dilay meel geri go’an ah ka heleen, ka dibna intay ku soo kediyeen ayay warmaha ku boobeen oo halkii dhegta dhiiga ugu dareen . Isagoo aan weli naf bixin oo ay naftu ku wareegayso koobtii lagu dilayna rafanaya, ayaa waxa kor yimi niman ay ilmadeer ahaayeen oo meesha marayey. Markii ay isagoo hadal ku yar yahay warsadeen cidda dishay ayuu u sheegay in nimankii uu godobta ka hayey ee magtana loo diiday ay dileen. Wuxuna nimankii soo faray dardaaran nuxurkiisu ahaa ” Abbahay waxad ku tidhaahdaan hashii aad diiday wiil ha kuu noqoto!”

Aadan Galaydh markii loo sheegay in wiilkisi Cumar ahaa la dilay, wuxu cadhooday in si aanu weligii u cadhoon . Wuxuna wacad ku maray in uu dhiigga inankiisa uu ciyoon dhiig

raacin doono . Wuxuna jeeni qaartay waran iyo gaashaan iyo wixii uu heli kariyey ee hub ahaaba. Wuxu gaaf wareegoba wuxu Aadan maalintii dambe la kulmay afar nin oo walaalo ah oo lafta uu inankiisu ku maqnaa . Wuxuna markiiba degta ka soo rogtey warankii uu maalmahanba afaysanayey ee cid u ku tumaatiyo uu la raadinayey. Markuu nimankii kula soo haliiyey ee uu ku baaciyeyna dad meesha joogay ayaa ku abhiyey in aanu ragga wada layne bal mid uun uga tago reerka. Wuxuna Aadan ka tegay nin Boos illaawe la odhan jiray oo isagana aanu ka tageene il uu ka cawrnaa has darteedna isagoo cawarnaanta ku quudhsanaya u uga tegay . Bartiibuna Aadan Galaydh saddexdii kale ee ninkan ishala la socday dhegta dhiigga ugu daray.

Ninkii Boos illaawe walaalihii Aadan Galaydh hortiisa ku dilay isla markaana u isaga quudhsi aawadii uga tegay, waxa galay ficilkii iyo taladii uu kaga aargoosan lahaa ninka walaalihii hortiisa ku bireeryey. Taa darteedna wuxu Boos ilaawe doontay fardo , hub iyo weliba rag la gala dirir aad u weyn oo Aadan Galaydh iyo reerkiisa ka dhana . Waxana muddo ka dib Boos illaawe iyo tolkii soo qaadeen duullaan ay ugu aargudayaan saddexdoodi nin ee uu Aadan Galaydh xasuuqay. Waxana layskaga hor yimi dagaal aad u qadhaadha oo billaahu dhiig tufay. Iyaba waa cilmiyada Ilaahaye kolkii dagaalkii bilaabmee warmaha laysula tegay, waxa isku beegmay Boos illaawihii walaalihii la dilay iyo Aadan Galaydh kii dilay. Waxana markiiba Boos uu dhegta dhiigga u daray Aadan Galaydh kii quudhsaday ee walaalihiina hortiisa ku ku gawracay .

Aadan oo halkan galgalanayaa oo gadhka ciiddaayaa loo diray ayaa waxa arkay qaar tolkii ka mida oo iyaguna dagaalka ku jiray . Nin weyni waakii dardaaran laga reebe waxay ku yidhaahdeen “Aadan maxaa talo ah ”

Aadan isagoo sidii wanweyn oo mindi la mariyey lugaha dhulka ku xoqaya ayuu yidhi odhaahdii caanka noqotay ee ahayd ” adduun I khatal! Shalay oon taag hayeyna talo maan hayn. Maantoo aan talo hayno tamar ma hayo ”

Wax yar ka dibna Aadan Galaydh tii naf ahayd ee awalba ku wareegaysay baa ka haaday. Wuxuna sidaa kaga mid noqday taaggii maalintaa dagaalka ay afxumadiisu sababta u ahayd ku naf waayey ee lika loo walwaalay!

Sheekada kibirka iyo afxumada ee uu Aadan Galaydh eeday waxay waagii dambe noqotay mid lagu tusaale qaato oo hadba qofka beladu sidato lagu waaniyo .

Isaamciil Mire oo nin Carabdheere la odhan jiray ka yaabay kibirkiisi ayaa isagoo tii Aadan xasuusinayaa ku lahaa :

Kalaanku lahaa Ina Galaydh kohay gadaalkiiye

Kaarkuba ma joogeen hadduu keeno tuludiiye

Ballacad kelyaha kuma jareen kii uu quudhsadaye

Ragow kibirka waa lagu kufaaye kaa halla ogaado!

Salaan Carrabey oo isaguna tolkii ka waaninayey in aanay sidii Ina Galaydh u noqon kuwo kibir qaado quudhsi awaadii isu jaraa ayaa lahaa isagoo sheekaada soo qaadanaya ;

Dekenadii qabaalkana ninkii duriyey qoondeeye

Dabkuu Aadan shiday Ina Galaydh durugsigii eedye

Danbarkeeda dhaxal xaajaduu doortay Reer Gorode

Nin dardaarankii Cumar ogaa mudanihii daaye

Nimanyohow tolnimo waa dugsiye dunida jeedaasha

Duugeeda belo waa helaa nin u dedaala

Kolay Deeradiyo cawsha tahay doqoni waa liide

Iyaba way is doontaan markay kala diboodaane

Nimanyohow tolnimo waa dugsiye dunida jeedaasha!

Inlastoo sheekada Aadan Galaydh aanan wada qorine korka xaadiyey, haddana waa sheeko tusaale nool u ah sida kibirka iyo santaaga gadaal loo eede loogu jabo.