Somaliland: Xubno Laga Ruqseeyay shaqadoodi Kadib Markii Lagu Helay Balwadaha Qaadka iyo Sigaarka

Lix Xubnood oo Laga Ruqseeyay Ciidanka Dab-demiska Qaranka JSL Kadib Markii Lagu Helay Balwadaha Qaadka iyo Sigaarka.

Taliska Ciidanka Dab-demiska Qaranka JSL ayaa maanta ka ruqseeyay Xubinimadii & Masuuliyadii ay Ciidanka Dabdemiska u hayeen Lix Xubnood oo ka tirsan Xarunta Ciidanka Dabdemiska ee Degmada Axmed Macallin Haaruun ee Magaalada Hargeysa.

Hadaba gudida asluubta iyo anshax marinta Ciidanka dab-demiska qaranka oo u kuur galaya habsami socodka hawlaha shaqo iyo heeganka xarumaha Ciidanka Dab-demiska Qaranka hawl gal qarsoodiya oo ay ku tageen Degmada Axmed Macallin Haaruun 27-29/8/2019 ayaa waxey ku soo xaqiijiyeen xubnahan oo meelo kala duwan si dhuumasho ah jaad iyo sigaar uugu cunayey xili ay ku guda jireen shaqada habeenimo ee heeganka xaruntaasi.

Xubnahan la rusqeeyay ayaa loo cuskaday Xeer hoosaadka Ciidanka Dab-demiska Qaranka JSL Qodobkiisa 19 aad Farqadiisa 1aad, Qodobkaas oo lidi ku ah falka ay ku kaceen isla markaana odhanaya “ Lama Ogola isticmaalka Balawadaha kala duwan cunitaankooda iyo Qaadashoodaba, Xubintii lagu arko isagoo Cunaya , Cabaya , Qiijinaya ama sita waa Eri Toosa. “

Magacyada xubnaha shaqada laga ruqsadeeyey:- ]

1. Amiin Ibraahim Cabidlaahi Taliye Xigeenkii xarunta Ciidanka Dab-demiska ee xarunta Axmed M/Haaruun.

2.Cawil Xaaji Ismaaciil Muuse Xubin

3.Cabdi Jirde Jaamac – Xubin

4.Mustafe Saleebaan Jaamac – Xubin

5.Cabdiwaaxid Faysal Axmed – Xubin

6.Maxamed Maxamuud Jaaquur – Xubin

Guud ahaan Balwadaha ama Maandooriyaasha ayaan loo ogoleyn in ay isticmaalaan xubnaha Ciidanka Dab-demiska maadaama aan xubintu gudan Karin waajibaadka iyo hawlmaalmeedka shaqo.

Dhanka kale maandooriyashan ayaa halis ku ah waddankeena, taasoo sabab u noqotay in dhaqaale burbur ku yimaado Qoysas badan, iyadoo laga duulayo dhibaatada iyo waxyeelada ay leeyihiin balwadahaasi oo laga mamnuucay xubnaha ka mid noqonaya Ciidanka Dab-demiska Somaliland inaanuu lahayn dhamaan balwadahaas aynu kor ku soo xusnay, Sidaa daraadeed xubinta lagu arko aanu ka sii mid ahaan Karin Ciidanka Dabdemiska Qaranka Somaliland.

Taliska Dhexe Ee Ciidanka Dab-demiska JSL

Hargeysa/Somaliland.