Soomaaliyeynta aqoonta.

Waxa ugu wayn ee aqoontu kaga duwantahay hantida dadku kala leeyahay ayaa ah in ay tahay aqoontu hanti la wada leeyahay oo la wadaago qofba in uu ku yeeshaba,taasi oo ah waxa ay wadaagaan dhamaan uumiyaha oo dhammi.
Walaw ay sidaas tahay ayaa haddana waxa jirta in bulshooyinka qaar ay hayso abaar dhinaca aqoonta ah, taasi oo sababta in  bulshooyinka ay hasto abaarta nuucan ahi ay yihiin kuwo ka qatan amabba aanan haysanin agabkii lagaga bixi lahaa abaartaas, ama lagaga qayb-gali lahaa barwaaqada aqoonta ee isku-siidayska ah qarnigan 21 aad.
Sideen u abaaraysan nahay ?
Tani iyo markii Bani-aadamku ogaaday sida wax loo qoro waxa ay dadku bilaabeen in ay qoraan aqootnii ay lahaayen, ha noqoto falsafad, suugaan, afkaarta, iyo dhamaan aqoonta kala duwan si ay u noqoto mid la xifdiyay oo ay uga faaiidaystaan jiilasha kala duwan ee ay bulsho leedahay.
Sidaas ayaana loo soo kala dhaxlaayay ilaa iyo maanta oo aan joogno qarnigii 21 aad.
Walaw bulshadeena soomaalidu tahay dad u badan xoolo dhaqato, ama beero qodoto, isla markaana leh suugaan fac-wayn oo aad u qiimo badan, hadana waxaan ka qatanayn walina ka qatanahay barwaaqada aqoonta ee dadku waadgo.
Ka qatanaantaas oo wali ah mid aad u baahsan waxa sobobta ugu wayn ee keentay ay tahay inaga oo aanan hasan af qoran intii ka horeysay todobaatameeyadii, taas oo sobobtay in aan la wadaagi kari wayno aqoontii dadk kale, maadaama aynaan haysan af qoran oo aan ku soo min-guurino, taasna waxay keentay in aynaan wali abaartaas ka bxin ilaa iyo hadda.
Maxaan u baahanahay?
Waxaa wax wayn ah in lagu guulaystay in afkii soomaaliga la qoro, oo uu noqdo afkeenii mid dhigan, way fiicnayd in la sameeyo manhaj ku qoran Af-soomaali oo ilaa heer dugsi-sare ah, lehna erey bixin qurux badan, laakiin taasi maaha mid inagu filan si’aan u helno aqoon soomaaliyaysan oo ku dhigan afkeena.
Si’aan uga faa’iidaysano barwaaqa-sooranka aqoonta aadamaha waxaan u baahanahay in aan helno amaba aan yeelano 2 hayadood, oo ay  ku midoobaan dhamaan dadka soomaalida ahi, labadaas hayadood oo kala ah:
1: xarunta erey-bixinta
2: xarunta min-guurinta ( turjumaada )
Xarunta koowaad waxay inaga haqab tiri kartaa abaarta dhinaca erey bixinta maadaama aqoonta aadamuhu maalin walba kordhayso waxaan u baahanahay in aan la jaan qaadno, ama aan ka faa’iidaysano inaga oo badalayna erey-bixinta aqoonta mid ku qoran afkeena.
Xarunta labaad oo ah xarunta min-guurinta ama turjumaada waxaan kaga bixi karnaa abaarta inaga haysata dhinca dhiganayaasha ku qoran afk qalaad.
Taasi waxay inoo suurto galinaysaa inaan helno aqoon badan oo ku qoran afkeena isla markaana aan ka faa’iidaysan karno dhinaca walba.
Haddi aan ku guulaysano labadaas arrimood, waxay ila tahay inaan ka bixi karno abaar aqooneedka ina haysata, kana qaybgali karno barwaaqa-sooranka aqoonta ee qarniga 21 aad.
Aqoonyahan-Mukhtaar Cali Maxamad ( Gurguurte)