Maalinta tobnaad ee bishan muxarram, waa maalin dhacdooyin waaweyn oo taariikheed lagu xidhiidhiyo, Imaam Axmed waxa uu ibnu Cabbaas ka weriyey inay tahay maalintii Alle-korreeye- doonta ku badbaadiyey Nebi Nuux, sidoo kale waxa saxeexaynka ku sugan inay tahay maalintuu Ilaahay badbaadiyey Nebi Muuse iyo qawmkiisii, isla markaana halaagay Fircoon iyo ciidankiisii.
Wuxuu Nebigu (N.N.K.H) inoo jideeyey inaynu maalintaas soono, waxaanu inoo yaboohay in laga helayo dhaafidda denbigii sannadkii tegay, sida uu werinayo Abii Qataada ee Imaam Muslimna ku soo saarey saxeexiisa.
Maalintan waxa iyana sooma Yuhuudda, si cibaadada loogu khilaafo waxa laynoo sunneeyey inaynu maalin kale ku darro soonka maalinta tobnaad ee Caashuuraa, maalintaas oo noqonaysa maalinta ay sagaalka tahay ama maalinta ay kow iyo tobanka tahay, waxaana ka sii fiican inuu qofku sadex maalmood soomo, maalinta 9,10 iyo 11aad sida uu Imaam Ibnal Qayyim ku tilmaamay kitaabkiisa Zaad Almacaad.
Maalmahaasi waxa ay ku beegan yihiin maalinta berito ee Axadda ah (8/09/2019) oo sagaal ah, Isniinta (09/09/2019) oo tobanka ah iyo Salaasada (10/09/2019) oo 11aad ah.
Walaal gaadhsii farriintan cid kasta oo ka faa’iidaysan karta, ogowna cidda aad soonkooda sabab u noqoto inaad ajarkooda oo kale helayso.
Allaah haynaga yeelo kuwa maalintaas sooma ee denbigooda la dhaafo. Aamiin.