Faysal Cali waraabe: nin dabaylaha siyaasadeed is raacin yaqaan (WQ: Axmed Nuur Guruje)

Dad badan oo u badan siyaasiyiinta kusoo biiray siyaasadda cahdiga facebook ma fahansana siyaaadda Odayga Faysal cali waraabe , maxaa yeelay waxba uma fiirfiirsadaan , xogo taariikheed iyo diiwaano ay dib ugu noqdaan ma hayaan.

Sirta ka dambaysa in Xisbigga Ucid ka mid noqdo sadexdii xisbi ee soo baxay 2002 iyo 2012 , ilaa waagaas uu jirayna waa falkinta siyaasigan.

waa kuma faysal ?

maalmihii loo dareerayay doorashadii deegaanka ee 2002 , Xisbiga Ucid waxaa ka baxay badiba siyaasiyiintii uu xisbigu ku taagnaa , waxaanay ku biireen Ururkii Hormood , xisbigina wuxuu isa soo taagay meel banaan.

Laba habeen gudahood ayuu faysal shookinta kala leexiyay , waxaanu qaatay siyaasad cusub oo sababtay in uu doorahadii kusoo baxo.

Mar kale , 2012 Ucid waxaa soo food saaray burbur , ka dibna si doorashadii waagaa uu xisbigu usoo baxo , Faisal wuxuu qaatay siyaasad cusub oo ay bud dhig u ahayd , heshiiskii Jamaal cali xuseen.

Hadaba iyadoo ay muuqato in khilaafkii asxaabta siyaasaddu soo dhamaaday , maalmaha soo socdaana is badalo siyaasadeed inagu soo wajahan yihiin , waxaa mar kale muuqata in Faisal u diyaar garoobay in uu waqtiga cusub la jaanqaado , sidaa darteed wuxuu sameeyey xil-ka qaadis uu ku sameeyey guud ahaan hawl-wadeenaddii xisbigiisa , si kastaba ha ahaatee , Faisal Cali waraabe , waa nin dabaylaha siyaasadeed is raacin yaqaana.