Madaxweyne Ku Xigeenka jsl Oo Maanfa Daah Furay Shirka Horumarinta Tijnoolojiyada

Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Maanfa Daah Furay Shirka Horumarinta Tijnoolojiyada.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta daahfuray Shirka heer qaran ee Cilmiga Tignoolojiyada oo ka furmay Magaalada Hargeysa islamarkaana socon doona laba maalmood oo lagu lafa guri doono horumarka dhanka IT-ga ee Somaliland.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tijnoolojiyada ayaa waxaa goob joog ka ahaa guud ahaanba Shirkada waa weyn ee Isgaadhsiinta waddanka iyo shirkada ka shaqeeya arrimaha Tignoolojiyada , muddadaa uu socdo shirkaasi waxaa laysku waydaarsan doonaa arragtiyaha iyo aqoonta kala duwan ee IT-ga iyadoo la filaayo inuu kasoo baxo War-murtiyeed.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ka hadlay furitaanka shirkaasi ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolijiyada hanaanka wanaagsan ee ay usoo abaabushay shirkaasi, sidoo kalena waxa uu ku amaanay Shirkadaha isgaadhsiinta doorka muuqda ay ku leeyihiin horumarinta Tignoolojiyada Waddanka.

Madaxweyne ku xigeenku ayaa sidoo kale sheegay in loo baahnaa shirkan si loogu eego halka ay marayso Tignoolojiyada waddanku iyo halka aynu higsanayno, waxaana uu shirkadaha iyo Wasaaradda u rajayey in wakhtiga uu socdo shirkaasi uu kasoo bixi doonaan qodobo muhiima oo guul u ah Qaranka.

Dhanka kale Madaxweye ku xigeenku waxa uu xadhiga ka jaray Carwo loogu talo galay Tignoolojiyada iyo horumarinta IT-ga oo ay shirkadaha kala duwan ee Waddanku kusoo bandhigayeen adeegyadooda kala duwan ee ay bulshada u qabtaan, waxaana uu Madaxweyne ku xigeenka socod kusoo maray dhammaanba goobaha ay shirkadaasi kuoo bandhigayeen adeegyadooda kala duwan.Image may contain: 7 people, people smiling, people standingImage may contain: 1 personImage may contain: 1 personImage may contain: 5 people, crowdImage may contain: 7 people, people standing, suit and indoorImage may contain: one or more people, crowd and indoorImage may contain: 10 people, people standing and suitImage may contain: 7 people, people standing and suitImage may contain: 9 peopleImage may contain: 3 people, people sittingImage may contain: 4 peopleImage may contain: 8 people, suitImage may contain: 4 people, people smiling, people standing and suitImage may contain: 8 people, suit and indoor