Afeef
Waxa aan ka afeefanayaa in qoraalkani aanuu ahayn mid baadhis dheer aan sameeyey ee waa inta aan xasuusto ee isbeddeladii waaweynaa ee kolba siyaasadda somaliland ay soo maraysay. Ma wada dhamma, oo dhacdooyin fara badan oo miisaankooda lahaa ayaanaan wada xusin. Taasina waxa ay u baahantahay wakhti in la geliyo oo gaar ahaan ardayda Jaamacadaha dhigtaa ay si cilmiyeysan u baadhaan jidka ay soo martay Somaliland. Guud ahaanna jidka ay soo martay Jamhuuriyaddii Soomaalidu in si deggen oo aan lagu badhxin xaglin iyo fikir gaar ah lagu ururiyo si loo helo taariikhsugan oo saxan. Haddii aad dareento in waxbadan aan ka tegey, waa run oo qoraalkan kooban kuma dhammaan karto.
Hordhac
Si aan sawir kooban kuu siiyo, marka hore xusuutayda ayaan dib ugu noqonayaa bishii feberwei ee sannadkii 1988kii oo aan bas ka soo raacay magaalada Muqdisho. Xaaladdii ay bulshada reer Muqdisho ku jireen waxa ay ahayd mid deggen, inkastoo la saluugsanaa maamulkii markaa jiray, haddana wax dhiillo ahi ma jirin keliya maalmahaa waxa aad loo hadal hayey siyaasiyiintii maxkamadda la saaray ee la sii daayey marka laga reebo Madaxweyne ku xigeenkii saddexaad Ismaaciil Cali Abokor iyo Cumar Carte Qaalib oo labadooda lagu xukumay dil, balse loogu bedelay xabsi aan dhammaad lahayn markii danbe. Taasi waxa ay muujinaysay cadaawad gaar ah oo labadooda looga soocay intii kale ee la xidhnayd tan iyo 1982kii. Socdaalkaa waxa aan ku imi magaalada Hargeysa oo xilligaa ku jirtay xaalad aan deggenayn, oo aanay fududayn isu socodka magaalooyinka waqooyiga, gaar ahaan magaalooyinka waaweyn oo warqad fasax la’aan aan la oggolayn in gaadiidku u kala gudbo si xor ah. Waxa ka muuqatay magaalada Hargeysa colaad ka dhexaysay xukuumad iyo dadkii ay maammulaysay.
Bishii Maarij 1988kii ayaa heshiis dhexmaray Xukuumaddii Maxamed S Barre iyo Mingistu Xayle Maaryam, oo ku heshiiyey in la joojiyo dagaalada ka socday soohdimaha oo ay ugu darnayd Jabhaddii SNM oo fadhigoodu ahaa Itoobiya. Heshiiskaasi waxa uu soo dedejiyey in Ciidankii SNM ay gudaha dalka soo galaan gaar ahaan magaalada Burco oo ay 27 Mey soo galeen iyo magaalada Hargeysa oo ay 31 Mey soo galeen. Muddo saddex sannadood ah ayaa dagaal aan kala go’ lahayni ka socday deegaanadii ay SNM tu soo gashay. Bishii Jeniweri dhammaadkeediina 1991kii dagaalkii ay USC du ka wadday gobolada dhexe ayaa ku dhowaaday Caasimaddii oo kacdoon shacbina ka bilaabmay sidaasay ku burburtay xukuumaddii labaatanka sannadood dalka ka talinaysay.
Hordhacan waxa aan ugu talo galay si guudmar ah in aan u xasuusanno, burburkii Jamhuuriyaddii Soomaalida ee soo dhisnayd tan iyo 1960kii. Siyaabo kala duwan baa loo falanqeeyaa, buburkaas waxaanse isleeyahay waxa uu ahaa burbur ay sababeen waxyaabo farabadan oo isa soo biirsaday oo aan tanaasul lahayn, ugu danbayntiina keenay burbur aan laga soo waaqsan. Waxaana u bilaabmay dadkii k noolaa Jamhuuriyaddii Dimoqraadiga Soomaaliyeed baal cusub oo taariikhdu waxbadan ka qori doonto. Soomaaliland waxa ay ka mid tahay baalkaa cusub ee u furmay soomaalida degta Geeska Afrika.
Dhismihii Jamhuuriyadda Soomaaliland ee 1991kii
Ku dhawaaqistii Somaliland lagaga dhawaaqay magaalada Burco bishii Mey 18keedii 1991kii, waxa hubaal ah in aanay Siyaasiyiintii SNM isku wada raacsanayn, Dastuurkii SNM na kumay qornayn in Jamhuuriyadda Soomaaliland lagu dhawaaqo. laakiin rabitaan bulsho oo xoogganaa ayey xejin kari waayeen, taasoo keentay in ay oggolaadaan ku dhawaaqista Jamhuuriyadda Somaliland, oo lagu saleeyey dalkii la odhan jiray Somaliland Protectorate, ka hor 26 Juun 1960kii. Sababaha keenay ku dhawaaqista iyo kala duwanaanshihii Siyaasiyiinta SNM waxa ay ka dhexmuuqatay ilaa xilliyo danbe, balse taa umaan bixin in aan wax ka idhaahdo ee ujeeddadaydu waa “Ma waxbaa ugu kordhay Somaliland ku dhawaaqistaa mise waxbaa kaga dhacay?”.
Xaaladdii bilawga Soomaaliland 1991-1993kii
Bilawgii waxa la isla gartay in guddoomiyihii SNM IHN, Cabdiraxmaan Axmed Cali iyo ku xigeenkiisii Xasan Ciise Jaamac ay noqdaan Madaxweyne iyo ku xigeenkiisii. Madaxweynihii waxa uu soo dhisay Xukuumad u badnayd beelihii taageersanaa SNM, maaddaama oo la yidhi laba sannadood xukunka ha hayaan maamulkii SNM, ka dibna ha loo gudbo doorasho. Waxaase ugu mudnayd in nabadgelyada laga shaqeeyo, oo bilawgii ka muuqatay in xukuumaddii markaa la dhisay ay xoogga saartay. Nasiib darro waxa ka horyimi qaabkii ciidanku ahaa oo u kala qaybsanaa beelo, isla markaana aan loo hayn mushahar ama dhaqaale lagu maamuli karo. Waxa kaloo markiiba bilaabantay kala qaybsanaantii xubnihii SNM oo tuhunkii kala dhexyaallay uu sii xoogaystay. Dadku siyaabo kala duwan bay u qiimeeyaan xilligaas, waxaanse anigu u arkaa inay ahayd xaalad adag oo aanay fududayn in nidaam iyo kala danbayn si fudud loo heli karayey.
Muddo sannad ah ayaa la galay jahawareer siyaasadeed iyo mid nabadgelyo la’aanba. Ka dib waxa xoogaystay odayaashii nabad doonka ahaa oo ay hoggaaminayeen Golihii Guurtidu. Golahaasi waxa uu ku guulaystay in uu awood u helo uu ku damiyo colaadihii ka dhacay Berbera, oo lagu soo afjaray magaalada Sheekh iyo Shirkii Tawfiiq ee gacmaha la isu saaray laguna dhaariyey hoggaamiyeyaashii ciidamada kala hoggaaminayey. Isla shirkaas ayey Guurtidii ka socday gobolka Awdal ay fidiyeen gogol wadahadal ballaadhan lagu galo oo beelaha Somaliland dega oo dhammi isugu yimaaddaan.
Shirkii Boorame iyo Madaxweynihii la Doortay 1993
Shirkaa Boorame waxa lagu doortay IHN, Maxamed I Cigaal oo aan isagu ka mid ahayn xubnihii SNM, dalka Imaaraadka Carabtana deggenaa, beryahaas. Bilawgii waa loo riyaaqay caleema saarkii Maxamed I Cigaal inkastoo shirkii lagu dooranayey ay ka baxeen IHN Cabdiraxmaan A Cali oo ahaa madaxweynihii markaas iyo Cumar Carte Qaalib oo ka tanaasulay diidmadii uu diiddanaa Somaliland, oo uu in muddo ah ka ahaa xukuumaddii Cali Mahdi Raysal wasaare. Biyo hoosta iska harraatiyey iyagaa is oge” labadaa oday may jeclaysan habkii ay hawsha u wadeen golihii Guurtidu. Taasina kama tegin xanaf hor leh, waxaase nasiib wanaag ahayd in IHN Cabdiraxmaan A Cali uu oggolaaday oo ku wareejiyey Madaxweynihii cusbaa oo ahaa Maxamed I Cigaal xilkii madaxweynenimo. Dadku waxa ay u harraaddanaayeen nabad inay helaan, sidaa awgeed ayey sugayeen sida uu wax u maareeyo Maxamed I Cigaal.
Dhibaatadii ugu weynayd ee Ka hortimi Maxamed I Cigaal 1994kii
Maxamed I Cigaal IHN, isagoo aan weli wax muuqda qaban, balse indhaha dadku ay eegayaan ayaa waxa ka hortimi dhaawac siyaasadeed oo aad u xoogganaa. 11 Bilood ayuu xilka hayey markii uu ku dhowaaqay Madaxweynihii hore IHN, tee Cabdiraxmaan A Cali in uu ka noqday taageeradii Somaliland kuna shaqaynayo habka Fedraalka, si gaar ahna uu la dhisayo Xukuumad IHN,Maxamed F Caydiid oo hoggaaminayey garab ka mid ah garabadii isku hayey hoggaanka Soomaaliya. Cabdiraxmaan waxa uu ku hadlay magaca guddoomiyaha SNM, taasoo ku noqotay Maxamed I Cigaal gidaar aanuu si yar ku dhaafi karin. Waxa kaloo soo muuqatay in burbur ku iman karo shacbiga reer Somaliland gaar ahaan beelihii ku midaysnaa Jabhaddii SNM. Ku dhawaaqistaa keli kuma ahayn Cabdiraxmaan ee siyaasiyiin mug leh oo caan ahaa ayaa ku weheliyey sida Ismaaciil Buubbaa, oo ka mid ahaa tiirarkii SNM.
Dhaawacaa siyaasadeed waxa uu keenay, in Siyaasiyiin badan iyo saraakiishii SNM ay isla maalmahaas ka hadlaan Khayriyadda Hargeysa. Maalintaa kama uu soo qayb gelin Maxamed I Cigaal, waxaase goobtaa ka hadlay madaxweyne ku xigeenkii oo ahaa Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, waxaa kaloo goobtaa ka hadlay Axmed Siilaanyo, IHN,Sheekh Yuusuf Sh Cali Madar, oo labadooduba soo ahaa guddoomiyeyaal SNM intii ka horreysay Cabdiraxmaan A Cali. Waxa iyaguna ka hadlay IHN, Cabdixakiin Sumuni, Suldaan Maxamed, Xaaji Cabdiwaraabe, Sh Axmed Sh. Nuux Furre, Xasan Ciise Jaamac oo ahaa madaxweyne ku xigeenkii ugu horreeyey Somaliland. Intaas iyo iyo in kaloo badan ayaa maalintaas ka hadlay, oo ahayd bishii April ee 1994kii oo intuba tilmaamay in aanuu Cabdiraxmaan xaq u lahayn inuu keligii ku hadlo magaca SNM.
Waxaase xusid mudan, maalintaa hadalkii uu jeediyey Muuse Biixi Cabdi oo ahaa wasiirkii arrimaha gudaha oo noqday eray siyaabo kala duwan loo fasirtay. Waxa uu Muuse Biixi u jawaabayey Xasan Ciise oo ku canaantay xukuumaddu in ay qaadayso “Badhbadhaadhnayeey” taasoo uu Muuse kaga jawaabay ma qaadayo badhbadhaadhnay, ee waxaan maanta qaadayaa “anigoo waxdili kara duco qaadanmaayo, debci qorigu hay faro. Maalintaasi waxay ahayd maalin werwerwayn ku abuurtay bulshaweynta reer Somaliland. Sababtoo ahayd miisaanka uu Cabdiraxmaan A Cali kulahaa siyaasadd Somaliland iyo isbeddelka ku yimi fikirkiisii siyaasadeed. Waanay muuqatay raadka uu ku yeelan karo dhaawacaa uu IHN, Cabdiraxmaan A Cali u geystay Jamhuuriyaddii saddex jirka ahayd.
Dagaaladii ka dhacay Somaliland 1993-1996kii
Arrimahaa hore ee aan guudmaray waxa ay keeneen ama sababeen dagaallo, muddo socday. Inkastoo aanay dagaaladu maalin walba socon, laakiin dad badan ayaa ku dhintay, sidii dagaalkii Berbera ayaa la isku deyey in la qaboojiyo oo guurtidu ka hawlgasho. Laakiin si yar looguma guulaysan in nabaddii la soo celiyo, waxaana sii ballaadhiyey dagaalkii markii uu tiir kale oo siyaasi caan ka ah dhulka soomaalida dhan uu isaguna ku biiray Federaalkii, waana markii uu Jaamac Maxamed Qaalib (Jaamac Yare) si cad ugu biiray hawlihii siyaasadeed ee ka socday magaalada Muqdisho. Si kastaba arrinku ha ahaadee, waxa gaadhay Somaliland dhaawac, aan isleeyahay weli xanaftiisii waxbaa ka sii nool, balse si guud loogu guulaystay in nabaddii la soo dabbaalo, oo dib kalsoonidii loo siiyo xukuumaddii Maxamed I Cigaal iyadoo loo dhanyahay.
Tallaabooyinkii uu qaaday Madaxweyne Cigaal waxa ugu mudnaa midayntii ciidamada oo ay beelihii soo wareejiyeen uuna bilaabay Suldaan Maxamed IHN, (Suldaankii Beesha Arab). Ilaa 1997kii ayey nabaddii salka dhigatay. Waxaase bilaabmay tartan siyaasadeed oo jiho kale kaga furmay Madaxweyne Cigaal, kaasoo uu hormood u ahaa Saleebaan M Aadan (Saleebaan Gaal) oo u arkay inloo baahanyahay bedelidda xukuumadda Cigaal. Muran aan kala go’ lahayn ayaa ka dhex aloosmay taageerayaashii Saleebaan oo u badnaa saraakiishii SNM iyo Cigaal. Mar waxaabay gaadhay in Saleebaan la xidho, muddo yar waase la sii daayey. Saleebaan halgankiisii siyaasadeed ee uu uu rabay in uu ku hanto hoggaanka dalka waa uu soo xoogaystay, isagoo ku rajo weynaa marka xilku ka dhammaado Cigaal in uu hoggaanka kula tartamo. Tartankaasi waxa uu ku dhammaaday in uu Cigaal aqlabiyad ku guulaystay, Maxamed Xaashi Cilmi oo tartanka ku jirayan uu helay laba cod, halka uu Saleebaan ka helay tiro doora.
Aasaaskii Urururada Siyaasadeed ee Somaliland
Magacaabistii labaad ee Cigaal 1997 waxa ballantu ahayd in loo gudbo habka axsaabta badan, tii ayuu soo diyaariyey Cigaal, inkastoo uu ka biyo-diiday Saleebaan Maxamed Adan oo guddoomiye u noqday Urur La baxay ASAD, balse aan la diiwaangelin oo sheegay in aanay sax ahayn Cigaal iyo ururkiisa UDUB in ay dhex u noqon karaan ururada loona baahanyahay in maamul dhexe la sameeyo oo ururada u dhex ah. Arrinkaasi muran xooggan ayuu dhaliyey, waxaana Saleebaan la hoggaaminayey ururkii ASAD xubno badan oo ka mid ahaa saraakiishii SNM waxaana ka mid ahaa Cabdiraxmaan AwCali Faarax oo markii hore u ahaa madaxweyne ku xigeen Cigaal. Halka Cigaal uu markan danbe u noqday madaxweyne ku xigeen Daahir Rayaale Kaahin, oo aan dad badani hore u aqoon, saaxadda siyaasadda Somalilandna ku cusbaa.
Inkastoo Maxamed I Cigaal ku guulaystay wax badan oo horumarkii dalka ahaa, laakiin waxa isa soo tarayey saluug badan oo ay kow ka ahayd in loo arkayey in aanuu xukunkaba dhiibayn oo ururkiisii UDUB uu doonayo inuu mar kale hoggaanka ku hanto. Waa hubaal haddii xilka uu qof ku raago in uu yeesho cadaw badan oo dhanka siyaasadda iyo hoggaanka ah. Kama muuqan in uu Cigaal ka tanaasulayey oo uu ogollaanayey in la sameeyo maamul dhex u ah ururada sida uu ku dheggenaa Saleebaan Gaal iyo ururkiisii ASAD. Waxaase oggolaaday oo kalsooni muujiyey dhawr urur oo uu ugu horreeyey ururkii UCID ee uu guddoomiyaha ka ahaa Faysal Cal Waraabe.
Geeridii Cigaal IHN 2002dii
Geerida Cigaal, waxa aad uga naxay dadkii magaciisa yaqaannay oo dhan. Kuma koobnayn Somaliland ee soomaali oo dhan ayaa aad uga naxday, oo tacsi meelkasta ka soo diray. Aaskiisii oo Berbera ka dhacay waxa isugu yimi dad badan. Geeridaa ka dib waxa xusid mudan in isla maalintiiba kursiga loo dhaariyey Daahir Rayaale Kaahin oo ahaa ku xigeenkii Cigaal. Arrintaasi waxa ay ahay mid soo jiidatay indhaha caalamka gaar ahaan soomaalida. Dhammaan intii siyaasadda kaga soo horjeedday Cigaal oo uu kaw ka ahaa uruyrkii ASAD ee Saleebaan M Adan, waxa ay muujiyeen tanaasul ay ku oggolaanayaan in ururkii ASAD la diiwaangeliyo tartankana uu ka qaybgalo. Halkaa waxa ku xidhmay baal siyaasadeed oo uu lafdhabar u ahaa Maxamed I Cigaal.
FG: Isbeddelada kolba dhacayey si fudud laguma maarayn marnaba, ee tanaasul iyo in waxwalba laga horreysiiyo nabadgelyada ayaa lagu gaadhay. Taasi waxa ay keentay in markastaba tallaabo hore loo qaado halkii dib loo noqon lahaa. Markastana waxa xoogaysanayey sharciga iyo kala danbaynta.
………………La soco Q-2aa
Xigasho: Buugga Dhaxalreeb Horaad Boobe Yuusuf Ducaale, Milicsiga Dagaalkii Dhexmaray SNM Iyo Siyaad Barre, Sayid-Axmed Dhegey, Cajalado Fiidyaw.
02/12/2017 sabti
Iswidhan