Ururka Somaliland Y-PEER waxay tartan aqooneed ku saabsan HIV/AIDS-ka u qabteen ardayda dhigata dugsiga Dayib Guray

 

Ururka Somaliland Y-PEER ayaa waxa uu tartan aqooneed ku saabsan HIV/AIDS-ka u qabtay ardayda dhigata dugsiga saree e Dayib Guray, tartan aqooneedkan ayaa waxa ujeedadiisu ahayd ay ardayda dhigata dugsiyada sare ka qayb galaan xuska maalinta Aids-ka adduunka oo sannad walba la xusi 1-da bisha 12-naad.

Ugu horey waxa ka hadlay ujeedada tartan aqooneedkaasi Agaasimaha ururka Somaliland Y-PEER Maxamed Mahad Dhamac kaasi oo ku dheeraaday ujeedada iy muhiimada ay leedahay xuska Maalinta Aids-ka Adduunku kaasi oo kula dardaarmay ardayda in ay fariimaha ka helaan tartanka la wadaagaan asxaabtooda, qoyskooda iyo dhallinyarada ay in badan wada joogaan ama kulmaan.

Sidoo kale xuskaasi ka hadlay Maamulaha Dugsiga Saree e Dayib Guray Guuleed Goohe, waxaanu maamuluhu ku dheeraaday muhiim uu leeyahay tartan iyo in ay arday wax ka ogaadaan xannuunka HIV/AIDS-ka.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warkan:

bandhige@gmail.com