Taariikh kooban oo ku saabsa wasiirka cusub ee wasaaradda Duulista Farxaan Haybe (Cabdiwahaab Tooxyare)

Bismillah, waxaan Qalinka u qaatay in aan ka hadlo taariikh ama maqaal kooban oo ka waramaya Wasiirka Cusub ee Wasaarada Duulista oo Farxaan Haybe  wasaaradaas loo magacaabay in aan waxyar ka idhaahdo taariikh nololeedkiisii Waxbarasho Siyaasadeed iyo Arrimaha Bulshada uu ka qaatay.

Farxaan Aadan Haybe Cilmi wuxuu ka mid yahay Aqoonyahanada Somaliland waxaana geedi socodkiisii nololeed haday noqoto waxbarasho ilaa heer jaamacadeed uu ku bartay waddanka, waxaanu ka mid yahay dhallinyarada aaminsan waddanka, badi inta badan uu ku noolaa magaalada Hargeysa.

Dhanka waayihiisa Waxbarasho marka laga tago waxa uu kaalin mug leh ka soo qaatay dhanka u shaqaynta Bulshada isagoo aad uga dhex muuqday walina ku dhex jira ka shaqaynta danta guud iyo horumarka ummada, waxaana markii dambe uu Guddoomiye ka noqday Ha’yada GAVO, oo uu noqday Masuulka u sareeya Somaliland.

Dhanka siyaasada waxaa Farxaan Aadan Haybe markii ugu horaysay wuxuu isku soo sharaxay Musharaxa Golaha Baarlaaanka gaar ahaan Xisbigii UDUB halkaasi oo ka mid ahaa Musharaxiinta ugu cad cadaa Xisbigaa oo wakhtigaa talada dalka hayay balse may dhicin in Farxaan Aadan Haybe noqdo Xildhibaanadii ku soo baxay Golahaasi isagoo codad tiro yar oo ka hadhsanaa in uu u soo baxo golahaasi Baarlamanka aanay u suurogelin.

Dhanka siyaasada muddo ayuu Farxaan Aadan Haybe ka nastay isagoo wali ku jiray ka shaqaynta danta guud iyo arrimaha bulshada ayaa waxa Farxaan Haybe noqday la taliyaha wasiirka ee arrimaha ha’yadaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga baa, waxaana xilkaas uu hayay muddadii uu joogay Wasiirki hore Wasaarada Arimaha Guddaha Cali Maxamed Warancadde.

Muddo kadib waxaa Farxaan Aadan Haybe loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Wershadaha waxaana uu muddadii uu wasaaradaas joogay oo koobnayd wax badan ka badelay xaga maamulka iyo dhammaan horusocodka Wasaarada oo wax badan ka qabtay.

Wakhti xaadirkan ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud waxaa uu  u magacaabay Wasiirka Wasaarada Duulista iyo Hawada oo ah runtii wasaarad muhiima waxaana xilkaas uu kala wareegi doona wasiirka hadda jooga wasarada duulista Cumar Yare.

Haddaba Wasiir Farxaan Aadan Haybe oo ah nin dadaal, karti, daacadnimo iyo firfircooni ba leh ayaa muddadii koobnayd ee uu ku jiray xukuumada waxaanuu  ka mida ahaa dhalinyaro door ah oo Madaxweynuhu u magacaabay xilal kala duwan.

Ugu dambayn maxaa laga filan karaa Wasiirka cusub ee Wasaarada Duulista Farxaan Haybe,a niga fikir ahaantayda waxay ila tahay in wax weyn uu ka beddeli doono Wasaaradaasi isagoo aqoon badan u leh xaga maamulka iyo maareynta isla markaana ku soo qaatay waxbarashadiisii soona maamulay ha’yado kala duwan.