Maxaabiis ku xidhnayd Guantanamo Bay ayaa waxa loo wareejiyey Imaaratka Carabta

Wasaaradda Gaashaandhiga Maraykanka ee Pentagon-ka ayaa sheegaysa in 15 qof oo lagu hayay xabsiga Guantanamo Bay ee dalka Cuba loo wareejiyay dalka Isutaga Imaaraadka Carabta.

Warbaahinta Maraykanka ayaa ku warramaysa in 12 maxbuus oo ka mid ah dadkaasi ay u dhasheen dalka Yemen sidoo kalena ay jiraan kuwo u dhashay dalka Afghanistan.

Waa tiradii ugu badneyd ee maxaabiis ah ee la wareejiyo tan iyo intii uu xilka madaxtinimada Maraykanka hayay madaxweyne Obama.

Madaxweyne Obama ayaa waxa uu balanqaaday kahor intii aanu Madaxweyne noqon in uu xidho doona jeelka Guntanmao Bay oo maxaabiis badani ku jirtay wakhtigaas, balse qaar ka mid ah laga wareejiyey.

bandhige@gmail.com