Taariikh Nololeedkii AHN Suldaan Cismaan Suldaan Xaaji Cali Kooshin (WQ: Suxufi Axmed S. Cige)

AHN Suldaan Cismaan Suldaan Xaaji Cali Kooshin wuxuu ku dhashay magaalada berbera sanadkii 1942kii, hooyadii waa Qaali Barre Cilmi.

Sul. Cismaan wuxuu waxbarashadiisii H/Dhexe iyo Sare ba ku qaatay magaalada Qaahira ee dalka Masar. Keddib wuxuu Jaamacadda u tegay dalka Mareykanka, waxaanu dalka ku soo noqday horaantii sannadihii lixdamaadkii, waqtigaas oo uu shaqo ka helay sharikado dhinaca Shidaalka ah.

Sul. Cismaan Sul. Xaaji Cali Kooshin waxaa la caleemo saaray sannadkii 1968kii jagada Suldaanka Guud ee beelaha dega gobolka Saaxil iyo qaybo ka mid ah gobollada Togdheer iyo Maroodi-jeex ee JSL. Sul. Cismaan wuxuu xilka hayey muddo dheer oo 52 sannadood ah.

In kasta oo jagadaasi culus la saaray Sul. Cismaan hadda na wuu shaqeysanaayay oo marnaba kama tegin shaqadiisii. Sannadkii 1973kii ayaa uu Sul. Cismaan uu u haajiray dalka Imaaraadka Carabta keddib markii dowladdii Kacaanku la wareegtay dhammaan Shirkaddihii Baatroolka ee caalamiga ahaa ee uu ka shaqeynaayay, ku darsoo shaqadii Salaadiinta na ay la wareegeen wixii loogu yeedhi jiray “Kaadirka Kacaanka ee Guulwadayaashu”.

Sul. Cismaan wuxuu markiiba ka shaqo galay Sharkid dhinaca Baatroolka ah ee dalka Imaaraatka Carabta ilaa muddo danbe oo uu hawlgab ka galay shaqadii. In kasta oo uu deganaa dalka Imaaraadka haddana mar kasta wuu iman jiray dalkiisa JSL, oo wuu ka warhayay bulshada ballaadhan ee uu Suldaanka u ahaa.

Suldaan Cisman waxaa uu qayb weyn ka soo qaatay mucaawinooyin fara badnaa oo bulshada reer Somaliland ee dibedduhu soo gaadhsiinayeen bulshadooda baahida u qabtay markii dalka Somaliland dib loogu soo laabtay 1991kii. Waxaa lagu sifeeyaa Suldaan Cismaan inuu ahaa Suldaan aan ku milmin siyaasadda oo aan lagu arag fagaarayaasha goolaaftanka siyaasadeed ee qabiileysan ee badi ay ku caan yihiin madax-dhaqameedka soomaalidu.

AHN Suldaan Cismaan Suldaan Xaaji Cali Kooshin wuxuu ifka kaga tegay xaaskiisa oo ah Xaawo Ibraahim Kooshin oo u dhashay siddeed caruur(7 Hablood iyo 1 Wiil). Wiilka keli ah ee uu dhalay waa Cali Suldaan Cismaan Suldaan Xaaji Cali Kooshin, oo loo cumaamadayo xilka Suldaannimo.

AHN Suldaan Cismaan waxaa beri meydkiisi keeni doonta magaalada Hargeysa DIYAARADDA DAALLO. Gud. Gudida Qabanqaabada ee aaska Suldaanka Xil. Siciid Cilmi Rooble wuxuu sheegay “Insha Allah in beritoole lagu aasi dooni xabaalaha Baqiic ee Waqooyiga Hargeysa”

W/Q: Suxufi Axmed S. Cige