“Isbahaysiga Carabta iyo Israa’iil ujeedkiisu maaha Iiraan ee waa Turkiga, Carabtuna cadawgooda koowaad ee halista ku ah waqti xaadirkan waxay u arkaan Turkiga’’. Bal adba!.
Waxa odhanaya hadalkan. David Hearst.
David Hearst waa qoraaga ugu xeel dheer ee ka faalooda arimaha bariga dhexe wuxu wax ku qoraa majaldiisa Eye On Middle East.
Wuxu leeyahay centre of strategy lagu diraaseeyo arimaha bariga dhexe oo ku yaala London oo isna loo yaqaan Eye on Middle East.
Bimacna hadalkiisu waa looga qaateen, Laakiin ra’yigayga waxay ku soo aaday waqti ay ilka beeleen reer galbeedkii oo Covid 19 kii na saamayn ba’an oo dhaqaale uu ku hayo iyaguna ayna is ciirsan karin.
Dawlada Faransiiska oo arimaha Mediterranean ka iyadu ku beegnayd maanta waxa maamulka u haya Macron oo aan ahayn nin caqli badan oo was kala furdaamin kara dagaal a dib u dhigi kara, siyaasada Faransiiskuna way ku fashilantay Liibiya iyo Lubnaan.
In badan buu Faransiis isku dayay inuu xakameeyo Turkiga xidhiidhadiisa diblomaasiyadeed ee qaarada guunka ah xataa markuu is hayn waayay wuxu yidhi Faransiis Turkigu Waa Isalaam Yurubna dawlad Islaam lagama ogola.
Maanta se wuxu marayaa Turkigu inuu awood sheeganayo iskuna dhigayo In isaga loo baahan yahay waanu xaqiijinayaa maadaama uu dhag jalaq u siin waayay arintii Greece ee uu dhoolatuska ba’an ka bixiyay Turkigu, Faransiisna waji gabax badan ay ku noqatay arinta tani.
Ingiriisku maanta wuu kala yaalaa isaga waxa intaa u dheer Brexit kii oo isna hawshiisa wata arintani waxay muujinaysaa inaan la is tari karin tamar, dhaqaale iyo talo toonaoo isbahaysii maanta aanu sidii hore ahayn ee uu ku jiro NAFSII NAFSII.
Turkigu In badan buu u gacan haadiyay EU, US iyo NATO dhaga adayg badan dabadeed jawaabtii ugu daacad sanayd waxa siisay Merkel oo ku tidhi EU iyo NATO waa urur masiixiya waana sababta koowaad ee laguu diidan yahay.
Reer galbeed nabsad dagaal uma hayaan waqtigan ee Natanyahu baa orgoonaya isna rag ismay arag wali.
Jarmalka iyo Ruushku go’aanadoodu way danbeeyaan laakiin waa miisaan weyn oo was badan kala kiin doona dhinacyada ay kala raacayaan iyo hadiiba masiixayadu doorkan is raacayso.
Waxa suurta gal ah sida Israa’iil ku tahay bariga dhexe khaasatan carabtu u kala dhuuntaan xidhiidhkeeda in reer yurub na maalin dhaw Turkiga hoos hoos ugu gudaan oo habeenkii u yar dusaaan tilifoonadoodu sida hadaba carabtu u shukaamiso israa’iil.
Dhinaca kale waxa intan in leeg siyaasada juquraafiga wax weyn ka badashay heshiiskii dhawaan dhex maray Taiwan iyo Somaliland.
Somaliland na in badan bay IGAD, MIDAWGA AFRIKA IYO JAAMACADA CARABTABA fariimo badan u dirtay cidi dhag jalaq umay siin sababtu tahay mawqica istraatijyeed ee Rabbigu dhigay hadii la dhaqdhaqaajiyo waxay u arkayeen In is bedel wayni ku iman karo geeska, qaarada iyo carabtaba tusaalaha ugu fudud waa doorashooyinka ka dhaca dalka oo inta aynu soo sheegnayba shucuubtoodu u haraaadan yihiin inay maruun arkaan doorasho xalaal ah oo qof iyo cod ah, halka siyaasiyiintoodu u arkayeen falaago cusub oo akhlaaqda ka luminaysa qaarada gabi ahaanba maadaama qaaradu kusoo noolayd diktaytarnimo iyo kali talis nimo halkana xilka la isku hibeeyo, waxa arintan ku taagnaa oo aad uga shaqaynayay wadamada jaarka la ah SL oo ka xaglinayay.
Maanta se sidii oo kale ayaa dus dusku inagu badan yahay iyo tilifoonada habeenkii saacadaha danbe.
Arinta Taiwan iyo SL waxay aad uga cadhaysiisay oo ladi waayay Shiinaha oo isagu wax badan siyaasada indhaha ka rida isagoo ka dhaqaaqaya ideology ga Islaam diidka iyo Ilaah la’aanta oo ay u weheliso arigtidii shuuciga gaboobay tani waxay dhaxayl siinaysaa Shiinaha inuu talaabadu uu qaadayo ey qaabayso afkaarta uu ka suu nuugayo mabaadii’da ku xusan shuuciyada iyo mushriknimada oo ay sal u tahay in diinoo dhan lala dagaalamo yuhuudana lala heshiiyo.
Cadhada Shiinuhu waxa laga yaabaa inay madax wareer xilkas dari ah ku rido cida hada haysa talada dalka shiinaha oo uu is moodsiiyo inuu baabi’in karo labadan dawladood ee yar yar, waa marka xidhiidho siyaasadeed iyo farsamo ka sii dhashaan heshiiska kan.
Waa uun version kii labaad ee midawga soofiyeet ku burburay markii uu dagaalka lagalay afgaanistaan isna halkii uun buu mari doonaa waayo xisaabtaba uguma jirto in SL ay tahay qalcada ugu adag ee ciidan ku dagaalamo tan iyo intii taariikhdu jirtay.
Arintan maaha inaynu meel dhaw ka eegno waxay keeni kartaa dagaal aduunku ku kala qaybsamo. Labadan arimood ee SL iyo Turkiga waa labada arimood ee si toos ah u badalaya saaxada siyaasada caalamka waxa intaa soo raaca doorashada Maraykanka oo cabsi badan laga qabo natiijadeeda xaalada hada maraykan ku jiro oo aad loogu kala tagsaan yahay maamulka Donald Trump.
Khaasatan ma Shiinahaa cadawga koowaad ah mise Ruushka? .
Trump wuxu leeyahay Ruushku waa nin wanaagsane Shiinahaa cadaw ah, Liberalka iyo Dimuquraadiguna waxay leeyihiin Ruushka ayaa khatar badan oo doorashadiina ka shaqeeyay In Trump soo baxo, sidoo kale waxa dabka saaran is bedelka la filayo In Sucuudiga uu ka dhasho oo aduunka qaarna boqor Salmaan muu dhinto da hayaan qolona Ilaahoow daa ay leeyihiin maadaama aan wali la akhrin karin waliyul cahdiga da’da yar ee maakirka maskaxda iyo aqoontaba aad moodo in meel ka gaar ah boqortooyada looga daray. Waa nin wuxuu rabo yeeli kara awoodiisana yaqaan.
Ugu danbayntii kulankii labada baadari ee Catholic ga iyo Orthodox ka dhex maray 2016kii bishii Juun oo ahaa kii ugu horeeyay mudo laga joogo 10qarni ama kun sanadood Ayaa ah ka sida toos ka ah u qaabeeyay Yurubta guunka ah sanadihii ugu danbeeyay.
Arimahan isa sudhan xawligana ku socda ayaa qarnigan 21aad saamayntooda leh.