Taariikhda Koronafayras iyo Koofidh-19 oo kooban (WQ: Mustafa A.Nuur)

 

Inta aynnaan hoos ugu daaddegin koronafayras (coronavirus) iyo taariikhdiisa, waxaa mudan in la la fahmo waxa ay kala yihiin koronafayras iyo KOFID-19  (coronavirus iyo COVID19)

Mararka qaarkood fayrasyada iyo xanuunnada ay sababta u noqdaan waxa ay kala yeeshaan magacyo kala duwan. Tusaale ahaan, HIV waa fayraska keena xanuunka AIDS. Inta badanna dadku waxa ay yaqaannaan magaca xanuunka uu fayrasku keenay. Bixinta magacyada xanuunnada waxaa u xilsaaran WHO, magaca jeermiska ama fayraskana aqoonyahanka xanuunnada fida ku takhasusa iyo ciddii kale ee aqoonta fayrasyada ku shaqo leh ayaa u magac bixisa.

Haddaba, caabuqa maanta dunidii qaaq kaga siiyay waxa keena fayras la yidhaahdo SARS-CoV-2 (severe acute respiratory syndrome coronavirus 2 ) Sida aynu wada maqalnayna xanuunka uu sababta u yahay waxa la yidhaahdaa COVID19 (coronavirus desease 2019)

Intaa haddaynu kaga tagno magacayada xanuunka Covid19  iyo fayraska keena; waxa aad suurtogal u ah inteenna badan in korona-fayrsku uu hal mar innagu dhacay ama innagu dhici doono inta aynu nool nahay. Waa arrin xaqiiqo ah, waxa se laga yaabaa in ay qof kasta cabsi geliso, gaar ahaan dadkeenna, inta aan ku jiro ee wakhtigan uun maqashay Koronafayras ama COVID-19 (coronavirus,  SARS-CoV-2)

Koroonafayras (coronavirus ) waa magac baheed ay wadaagaan labaataneeyo fayras oo kala wada duwani. Intooda badannina waxa ay ku dhacaan xayawaanka sida fiidmaarta, digaaga, geela iyo bisadaha…

Fayrasyadan bah-wadaagta ah dabcigoodu marmar buu is beddelaa oo isaga oo hal xayawaan ku dhaca ayuu mid kale oo aan la jaad ahayn ku wareegaa oo ku dhacaa. Marka ay sidaasi dhacdana waxa ay ugu yeedhaan “fiditaanka fayraska ee is-waydaarsan”

Koroonafayraskii ugu horreeyay waxa la ogaaday 1930-nadii, waxaana laga helay digaagga!  Soddon sanno muddo lagu qiyaaso kaddib, oo noqonnaysa lixdanaadkii markii ugu horreysay waxa la ogaaday in uu jiro koroonafayras dadkana ku dhacaa.

Markii ugu horraysay koronafayraska ku dhaca bini-aadanka muuqaalkiisa waxaa heshay gabadh u dhalatay Scotlan, UK oo uu aabbaheed ahaa dirawal basle ah, iyaduna iskuulka kaga tagtay 16 jir. Markii danbe se ku takhasustay shaybaadhka.

June Almeida waxa ay noqotay gabadhii ugu horreeyay ee hesha ama aragta sida uu u eegyahay koroonafayras. Sawirkan maanta meel kasta sudhan ee warbaahinta dunidu aadka u isticmaasho ee geesaha leh ayay aragtay in uu eegyahay fayraska koroonafayras; waana la isla qaatay oo waataa illaa maanta la isticmaalayo.

Sida aynu hore u sheegnay, COVID-19 waa xanuun iyo caabuq cusub waxaana keena nooc ka mid ah koroonafayras oo ay Dr Almeida muuqaalkiisa ogaatay 1964. Dr Almeida wakhtigaa waxa ay ka shaqaynaysay cusbitaalka la yidhaahdo St Thomas Hospital oo ku yaalla London. Waa cusbitaalkii dhowaan la dhigay Raysalwasaaraha waddanka UK , Boris Johnson oo uu dhowaan ku dhacay COVID-19.

Dr Almeida waxa ay ku dhalatay 1930 waqooyiga bari ee Galagow, Scotland. Iskuulka waxa ay kaga tagtay meel hoose. Waxa ayse ku shaqaysay shaybaadka, halkaasi oo ay ku caan baxday. June Almeida waxa ay dhimatay 2007, iyada oo 77 jir ah.

Wakhtigan oo dhimashadeedii laga joogo 13 sanno waxa ay ugu danbayntii heshay aqoonsi buuxa oo ay u qalmaysay in loo garwaaqsado in ay tahay hormoodkii ogaatay sida uu u eegyahay cadawga koroonafayras. Taasina waxa ay sahashay oo ay kor u qaadday fahanka fayraskan dillaaga ah iyo sida u fidi karo, islamarkaa sida uu jidhkuna iskaga difaaci karo haddii uu awoodo.

Maanta waxaa jira toddoba nooc oo koroonafayras ah oo awood u leh in ay bini-aadanka wax yeelleeyaan. Toddobadaa afar ka mid ah waxa laga helaa meello gaar ah, waxaanay ku dhacaan uun dad gaar ah; afartaasi xanuunnada ay sababaanna aad uma darna oo halis badan dadka kuma laha. Saddexda soo hadhay ayaa aad iyo aad u khatar badan, dhibaato weynna u gaysta dadka.

Koroonafayraska waxaa laga heli karaa meel kasta oo dunida kamid ah. Hargabka ama durayga dadka ku dhaca wakhtiyada jiilaalka iyo qaboobaha  intiisa badanna, 10-15% (toban illaa 15 boqolkiiba) waxa keena koroonafayras.

Noocyada koroonafayraska aynnaan aqoon ee keena xauunnada sahlan waxa ka mid ah 229E, OC43, NL63 iyo HKU1.

Koroonafayraskii ugu horreeyay ee awood u yeesha in uu waxyeello u gaysto dadka waxa ay ku magacaabeen 229E iyo OC43. Fayraska noocaa ah ee magacyadaa leh oo ka mid ah bahda koroonafayras waxa uu keenaa durayga ama harggabka xun ee mararka qaar dadka ku noqda oof-wareenka iyo qufaca joogtada ah ee borokaatiska la yidhaahdo. Labadaasi  fayrasba waxa kale oo ay sababaan xanuunnada neefmareenka ku dhaca; waxa kale oo ay u sahlaan bakteeriyada iyo fayrasyo kaleba in ay qofka difaaciisa jilciyaan oo dhibaato u gaystaan.

Sannadkii 2004 markii ugu horreysa waddanka Hoolan waxa laga helay xanuun ka mid ah bahda koroonafayras oo ku dhacay ilme yar, waxaana loo bixiyay NL63. Xanuunkani wuu jiray boqollaal sanno oo hore, wakhtigaasaa se ugu horreaysay in ay bini-aadanku ogaadaan. Isla sannad kaddib Hong Kong waxa laga helay koroonafayras kale oo ku dhacay qof waayeel ah, qofkaasi oo u soo dhacay ama aad ugu xanuusaday oofwareen. Xanuunka odaygaa ku dhacayna markii danbena waxa loo bixiya HKU1. Maantana waxa laga helaa dhammaan daafaha dunida oo dhan.

Waxa mudan in laga taxaddiro oo la ogaado in aanay dhammaantood sahlanayn xanuunnada ay sababaan bahweynta fayraska la isku yidhaahdaa koroonafayras. Xanuunka kale ee SARS (severe acute repiratory syndrome) oo uu keeno nooca koroonafayska ka mid ah ee la yidhaahdo SARS-Cov waxa isna la ogaaday bishii Noofembar 2002.  Xanuunka SARS waxa uu in badan kala simanyahay xanuunkan hadda dunida qasay ee COVID-19: waxa uu halis geliyaa dadka waayeelka ah, waxa uu leeyahay xumad, qufac, muruqyo xanuun iyo cune xanuun. Inta badan se dhimasho ma sababo. Laga soo bilaabo sannadkii 2002 illaa bukaankii ugu danbeeyay ee la diiwaangeliyay 2014 dhimashadii uu sababay waxa ay gaadhay 774.

Tobanneeyo sanno kaddib, 2012 waxa dhacay xanuun kale oo saf-mareen ah oo xoog u fidayay, xanuunkaasi oo isna uu sababo mid ka mid ah bahda koroonafayras oo la yidhaahdo MERS-Cov. Bukaankii ugu horreeyay ee xanuunkaasi haleelana waxa laga helay waddanka Sucuudiga Carabiya. Sidoo kalena South Kuuriya ayuu aad ugu fiday 2015-kii. Haddana waxa uu dib ugu soo noqday Sucuudi Carabiya 2018. Sannad kasta waa lagu arkaa Sucuudiga Carabiya, si fiican baa se loo xakameeyaa oo aad uma fido.

Waxaa mudan in la is wayddiiyo maxay labadan xanuun ee SARS iyo MERS ee la walaalka ah COVID-19 sidiisa oo kale ugu fidi waayeen? Labadan xanuun marka ay qofka ku soo boodaan isma qariyaan, horaana laga ogaadaa qofkana waa lala tacaallaa ama markaba waa la karantinnimeeyaa.

Fayraskan SARS-Cov-2 ee keena COVID-19 waxa uu khatar ku yahay xoog buu u fidayaa, waxa lagu qiyaasaa in hal qof oo xanuunkan qabaa uu gaadhsiin karayo shan qof oo kale. Halistiisa kalena waxa ay tahay calaamadihiisa oo dhammi marka hore waa qaar sahlan oo aan aad loo dareemin, laakiin fidaya oo qofba qof sii qaadsiinayo isaga oo aan dareemayn in uu xanuun hayo iyo in kale. Labada xanuun ee kale SARS iyo MERS ayaa ka dillaasan SARS-Cov-2 oo keena COVID-19.  Waxayse ku kala duwan yihiin, Labada xanuun ee kale ee SARS iyo MERS marka u horreysaba waa la ogaanayaa, waxna waa laga qaban karaa, inta aanu fidin, xanuunkan kale ee maanta dunidii wareeriyay COVID-19 lama ogaanayo, maalmo yar gudahood waxa ciidda ka badanaya inta qof ee uu saamaynayo ama ku dhacayo sidaa si la mid ah dilka iyo dhimashada uu sababayaana way ka farobadanaysaa dhammaan xanuunnada ay keenaan bahweynta koroonafayras. Weli dunida ma soo marin xanuun uu keeno koroonafayras oo kan la mid ahi.

Qofna ma oga in uu fayraskaa sababa COVID-19  jidhkiisa ku jiro oo uu fidinayo isagana soo ridi doono iyo in kale.

FADLAN HADDII WAAYUHU KUU SAAMAXAYO GURIGAAGA JOOG, HANA FIDIN XANUUNKAN DILLAAGA AH, HADDII KALE KA FOGOW MEELAHA URURRADA AH EE LA ISKUGU YIMAADDO, SI JOOGTO AH GACMAHAAGA U MAYDH, INTA AAD BIYO IYO SAABUUN ISLA HELAYSO WEJIGAAGA HA TAABAN. HADDII AAD DAREENTO XUMAD IYO QUFAC IYO DHAMMAAN CALAAMADA AY BAHDA CAAFIMAADKU INOO SHEEGAYSO 14 DHARAAROOD DADKA KA FOGOW.

AAD HALLOO ILAALIYO DADKA WAAYEELKA AH, DADKA LEH XANUUNO KALE SIDA KANSARKA, XANUUNNADA NEEFMAREENKA, KELYAHA, BEERKA, WADNAHA IYO DHAMMAAN XANUUNNO  QOF HORE U HAYAY OO DHAN, IYAGANA HALLOOGA DIGO IN AY TAGAAN MEELAHA LA ISKUGU YIMAADDO. HANA LAGU CAAWIYO WIXII LOO AWOODAYO.

Waxa qoray: Mustafa A.Nuur

manmustafa@gmail.com