“Wixii naga dhexayn jiray rag baa, Daahiroow dhamaye,
Dhubuq-dhubuqi waxay soo siddaa, dhabanno-haystaase,
Aabigaba dhirbaaxada naabsigu, waa mid aan dhixine,
Dhudhub oodan buu kula galaa, dheregga qaarkiiye,
Baarlamaankii dhaylaysan jiray, dheehii laga qaadye,
Sida nimankan wada dhoofayeen, dhidib ka oollaynin,
Ama rag aan u dhalan bay carriga, uga dhammaysteene,
Soomaali waxay dhaafsadeen, waan la dheygagaye”
Maansada Dhunkaal ee Timacadde, 1969kii
Dhoof-u-joogta:
Mar kasta oo aynu koox ka hadlaynno, waxaynu ka hadlaynaa inta ka hawl-gasha Xukuumadda, Xisbiyada ama Xilkdhibaannadaba: qaran iyo degaanba. Haddii aan si kale u idhaahdo waa dadka ama hawl-wadeennada xilalka qaran haya. Dadweynuhu marnaba ma soo gelayaan oo wixii ay dokumenti haystaan ayay ku safrayaan, in kasta oo xeer laga dhigi karayo in muwaaddin kastaaba ku safro ‘Pass-portka’ Jamhuuriyada Somaliland.
Dhoof-u-joogta, waxaynu uga jeednaa dadka xilalka-qaran haya ee u baahda in ay dibadda u baxaan si ay u soo gutaan hawlo-qaran oo saameeya hay’adaha ay ka socdaan ama madaxdaba ka yihiin. Mas’uuliintani, dhammaantood mar kasta oo ay u baahdaan in ay hawlo dibadeed u baxaan waxay adeegsadaan dokumenti safar oo ajnebi ah. Dhammaantood waa muwaaddiniin aan dalka dibadda uga bixin, sidaa darteed waxay ku dedaalaan in ay helaan ‘Pass-port’ ay ka samaystaan dalalka aynu jaarka nahay, kuwaas oo u badan: Soomaaliya, Jabuuti iyo Itoobiyaba.
Marna ma qorshaystaan iskumana hawlaan in ay ku safraan ‘Pass-port-ka’ Jamhuuriyadda Somaliland. Iyaga oo xilal qaran sida oo Jamhuuriyadda Somaliland wax ku ah ayay ka maagaan in ay ku safraan ‘Pass-portka’ qarankan. Haddana mar kasta oo ay dhoofayaan ama soo degayaanba waxay ka hadlaan in ay Ictiraafkii ku maqnaayeen. Iyagii ayaan qarankan Ictiraafsanayn oo magaciisa ku danaysanaya isla markaana ku odhanaya adduunyada ayaanu Ictiraaf ka raadinaynaa.
Maxay ugu safri waayeen “Pass-portka” Somaliland? Waxay ka baqanayaan in loo diido ‘Visaha’. Bal maxaa ka galay haddii loo diido illeyn waxa halkaa ku baaqanayaa waa hawl-qaran sida aynu innagu u fahmayno. Hirgelinta “Pass-portka” Jamhuuriyadda Somaliland miyaanay halgan iyo hirgelin u baahnayn? Nafta oo la huro miyaanay u baahnayn? Miyaanay ahayn xataa in lagu shahiido?
Xaqiiqada dhabta ahi waxay tahay in aanay dadkaasi dan iyo muraad qaran midna u bixin ee ay danahooda gaarka ah iyo gacan-maris u baxaan. Xukuumaddan maanta talada haysa ayaa inoogu horreysay habqan iyo is-daba-yaac caynkan oo kale ah. Dhoofkaa ku cusub…….Dhar-xidhashadaa ku cusub……Mararka qaarkoodna waxaad is-odhanaysaaba dhandhamada iyo dhuuniga ayaa ku cusub.
Haddii la sii anbo-qaadi lahaa dhiirranaantii iyo naf-hurki Edna Aadan iyo Cabdillaahhi Maxamed Ducaale maanta aqoonsi taam ah ayaynu haysan lahayn. Ma toddobada sannadood ee xukuumaddani jirtay ayaan la ina aqoonsadeen haddii ay “Pass-ports’ Somaliland ah ku safri lahaayeen. Kharashyada aan caqligaagaa gelayn ee safarrada danaysiga gaar ahaaneed inagaga baxay ayaa wax walba ka sii daran iyo gacan-mariska arxan-darrada ah ee ku dhacay dadka Qurbo-joogta ah ee masaakiinta ah.
Qaar ayaaba la sheegayay sooryooyinka loo keeno tirinayay oo dadkaa qiimeeyay ku lahaa: “Ma anigaad maanta intan ii quudheen.” Hadda waa mas’uul qaran oo habeen-dhax ku filanna la soo siiyay. Ma Badhasaabkii Afar-jeeble ee siddeetanaadkii Hargeysa xukumi jiray ee laaluushka loo keeno tirsan jiray baa!
Aynu ku xigsiinno qaybaha dibadaha ka yimid iyo saamaynta ay ku yeesheen ama ku leeyihiinba laalista ama anbinta aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland:
U-joogta:
Waa cinwaanka qormadaydan kooban, waxaanan u soo gaabsaday Xil-u-joog. Waa hormoodka inta hadimada iyo hagardaamada ku ah qarankan. Waa koox aan inta badan wax hawl ah ka qaban jirin dibadaha, ka-dibna go’aansatay in ay dalka ku soo noqdaan oo ay xilalka ugu sarreeya qabtaan. Waa Agaasime Guud, Maareeye, Xildhibaan iyo Wasiir iyo wax la mid ah. Inta badan dibadahaa ay joogeen waxba kama ay ahayn. Markaa ay isu diyaariyaan in ay xilal doontaan, ayay laba kooxood u kala baxaan. Koox dalka dibaddiisa ku sugta xilka loo dhiibayo iyo koox dalka timaadda oo hudheelladaa hogata xafiisyada dawladdana ku meeraysata. Rag ha u badnaadeen e’, dumarna waa ay leeyihiin. Xataa mararka qaarkood waxaad arkaysaa iyaga oo aan xil-xukuumadeed ama qaranba hayn oo haddana Wasaaradda Madaxtooyadu ku dartay wufuudda Madaxweynaha. Xishood waa ay kala tageen oo xirribahaas ayaa u xiiran.
Kooxda dibadda Xil-u-joogta ku noqotaa waxay miciinsataa baraha bulshada oo ay had iyo jeer ku soo qortaa ammaanta xukuumadda iyo wax-qabad aaanay dadka gudaha joogaaba arkin. Sidaas ayaa hadba waxay soo qoraan madaxda ilaa Madaxweynaha loogu geeyaa oo ay ugu war hayaan qaar ka soo horreeyay oo qaddin u ahaa. Sida la isla dhex marayay ee aan balafta ku maqlay, waxay ugu darnayd maalintii mid gobolka Alaska ee Mareykanka ku go’doomay bartiisii twitterka soo dhigay: “Xukuumadda Siilaanyo oo tog malab ah ku soo rogtay dooxa Togdheer.” La-ye Burco oo dhan ayaa dooxii soo dul-joogsatay, saa waa gawaan madhan. Muddo yar ka dib ayaa la sheegay in ninkii tigidh loo diray oo loo magacaabay Xidhiidhiyaha Qurbo-joogta Luntay oo xafiisna laga siiyay Madaxtooyada.
Xil-u-joogtaasi, marka xilka loo dhiibo ama loo magacaabo ayay noqotaa ama u-xuub-siibataa Xil-ku-joog. Cinwaanka maqaalkaygan haddaad u fiirsataan waxa ku qoran Ku-joog. Waxaan u soo gaabsaday Xil-ku-joog oo waa nimankaa qurbihii soo tufay ee halkan u yimid in ay si walba uga xoogsadaan: Xaaraan iyo Xalaalba. Beryihii hore waxaynu arki jirnay ama maqli jirnay arday cilmi-baadhis ku samaynaysa xaddiga lacageed ee Qurbaha laga soo diro. Xilliyadan danbe waxa bilaabmay arday ku qalin-jebinaysaa xaddiga lacageed ee dalka uga baxda dibadaha. Safafka xawaaladaha dalka gudihiisa waxa ku wada jira muwaaddiniintii iyo Xil-u-joogtii dalka ka xoogsatay oo lacagihii adkaa diraysa. Illeyn awal wixii la inaga dhacaa dalka dhexdiisa ayay ku lumi jireen maanta se meel baas iyo reeo muskood ayaa lala tegay.
(La soco berri, haddii Eebbe idmo)