Barkhad Jaamac Xirsi oo ah xoghayaha Caddaaladda ee Xisbiga Waddani ayaa canbaareeyey goโaan uu dhowaan Wasiirka Caddaaladu ruqsadii qareenimo uga qaaday Guuleed Axmed Jaamac.
Barkhad oo kula hadlay saxaafadda magalaada Hargeysa wuxuu ku eedeeyey wasiirka in uu ku gefay Xeerka Qareenada, Xeer Lr. 30/2004 oo ah xeer dhaqangal ah, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:
โWasiirku wax awood ah uma laha inuu ruqsadaha ka qaado qareenada. Maaha shaqadiisa. Sharciga dalka u yaal in lagu tunto maaha. Xeerka qareenadu si cad ayuu u sheegayaa in xilkaasi yahay mid ay gaar u leedahay Gudida Ruqsad Bixinta iyo Anshax-marinta Qareenada. Qodobka 37aad ee dastuurku wuxuu sheegayaa in awoodaha qaybaha qaranku kala madax banaan yihin. Wasiirku inuu qaato awood aanu lahayn waa dastuur jebin.โ
Wuxu intaas ku daray in qodobada 13 aad iyo 14aad ee Xeerka Qareenadu uu si cad u sheegayo sababaha Guddidu uga qaadi karto ruqsad qareen kuwaasina waxay yihiin haddii uu galo qareenku dembi culus sida haddii uu laaluush siiyo garsoore ama haddii marka horeba uu khiyaamo ku helay ruqsadda, isagoo arrintaasina ka hadlaya waxa uu yidhi:
โWaxa yaab ah in Wasiirka Caddaaladu qoraalkiisa ku sheegay in Xeer-ilaaliyaha Guud ka codsaday in qareenka laga qaado ruqsadda. Xeer-ilaaliyaha Guud ma awood buu u leeyahay inuu ruqsadaha ka qaado qareenada ay dacwdaha iskaga horyimadaan? Uma laha. In Wasiirka Caddaalada loo adeegsado arimo sidan oo kale ah maaha.โ
Ugu danbaynti, Barkhad wuxuu u soo jeediyay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare in uu laalo goโaanka Wasiirka oo uu u ogolaadu qareen Guuleed Dafac in uu shaqadiisa guto, waxaanu yidhi:
โTani wado cusub ayay noqon doontaa oo dadka oo dhan saamayn doonta hadii aan laga hortegin. Xirfadlayaasha oo dhan oo ay ka mid yihiin dhakhaatiirtu ayay saamayn ku yeelanaysaa oo ay tanoo kale ku dhici kartaa.โ