Tafsiir bixin la xidhiidha Cafiska Madaxwenaha (WQ: Garyaqaan Mubaarig Cabdi Ismaaciil)

Tafsiir bixin la xidhiidha Cafiska Madaxwenaha .

Waa Talaabo wanaagsan oo aan Bogaadinayo inuu Madaxweynaha JSL Cafis u Fidiyo maxaabiista ku xidhan xabsiyada Dalka Tiro dhan 574 Maxbuus ,
Sida ku Cad wareegtada Madaxweynaha wuxu awood u leeyahay inuu cafiyo xukunsanayaasha Marka laga reebo dadka u xidhan Dambiyada la xidhiidha Xuduuda ilaahay sida ,Qisaasta iyo Dadka u xidhan Dacwadaha la xidhiidha xuquuqda Madani oo macnaheegu tahay ,hanti uu qof qof kale u sheeganayo oo kaga maqan ama dembiyada ka sii dhasha sida Baabul_khiyaanada Tusaale ahaan Lab jeer iibka Dhulka .oo marka hore ah xuquuq Madani lakiin uu denbi ka dhasho marka danbe .
Waa Maxay Dembiyada Fududi .

Guud ahaan xeerka Ciqaabka Guud waxa uu dembiyada u qaybiya laba nooc oo kala ah .
1_Dembiyada uu Qaranku dhibanaha ka yahay oo ay dawladu soo oogto,sida ,Kufsiga ,Dilka ,Budhcadnimada ,Budhcad badeeda .
2_Dembiyada Fuduud kuwan waxa lagu ooga rabitaanka qofka dhibanaha ah ,sidoo kale qofka cabanaya waxa uu xaq u leeyahay inuu kaba tanaasulo dacwadiisa ,heshiis la galo qofka uu ka cabanayo ama xuquuq madani ah ku beadsho dhibka soo gaadhay
Tusaale ahaan waxa ka mid ah Dhaawacyada Fuduud.
Coldoon Maxaa lagu xukumay .

Coldoon waxa lagu eedeeyay qodobo sadex ah oo iskuugu jira dembiyo qof dhibane ka yahay ,iyo hal dembi oo la idhi qarankaa dhibane ah waxaanay maxakamadu ku xukuntay sadex sanno iyo badh .
walow aan qabo xukunkiisa ,xadhigiisa iyo dacwadiisuba inay ahayd xadhig siyaasadeed ,oo somaliland ka jira dadka dawlada maagana inta badan loo xabiso ,eedahana waa la cadayn kari waayay in la xukumana waa lagu qasbana si loogu raali geliyo cida rabtay in la xukumo.

Ugu dambeyntii Madaxweynuhu cafiska uu bixiyay si Guud buu u bixiyay cidna kumu cadayn ,se cida ay tahay inay kala saarto oo si cadaalad ah u qaybiso cafiskaasi waa xafiiska xeer ilaaliyaha Guud iyo Hogaanka xabsiyada ee ciidanka Asluubta JSL .
waxa xusid Mudan inaanu Abdilmalik Musa Coldoon xataa Racfaan u qaadan maxakamada sare isagoo hada xidhan sanad dhan ,sabab loogu diidi karo in lagu daro cafiska madaxweynahuna ma jirto hadii aanay wali jirin Aar Goosi Hoose iyo in la sii cadaadiyo, .
waxaan rajaynayaa in lagu daro liiska maxaabiista bari la soo daynayo insha allah .