Itoobiya oo dib u dhigaysa doorashooyinka guud ee dalkaas sababo la xidhiidha coronavirus

Doorashada Itoobiya oo loo asteeyey in la qabto bisha August ee sannadkan 2020 ayaa dib loo dhigay iyada oo guddida doorashooyinka qaranku sheegay in xanuunka coronavirus-ka uu ka dhigayo wax aan suurtagal ahayn in la diyaariyo doorasho guud oo ka dhacda dalka.

Codbixinta doorashada ayaa si aad ah looga sugayey waddanka kadib dib u habeyn siyaasadeed oo labbadii sanno ee lasoo dhaafay uu ka sameeyay Raโ€™iisal wasaare Abiy Ahmed.

Dowladda iyo xisbiyada mucaaradka labaduba waxay muujiyeen inay taageersan yihiin go’aanka guddiga doorashada. Iyada oo waqtiga xukuumaddu uu ka hadhsanyahay oo kaliya dhowr bilood.

Waa doorashadii ugu wayneyd ee Afrika ah ee dib loo dhigo sababo la xidhiidha coronavirus-ka. Dhowr dal oo afrikaan ah ayaa qorshaynaya codbixinta madaxweynenimo sanadkaan 2020 oo ay ku jiraan Burundi iyo Tansaaniya.

Raโ€™iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, oo ku guuleystey abaalmarinta Nabadda ee Nobel ayaa waday dib u habeyn siyaasadeed tan iyo markii uu xilka qabtay bishii April 2018, wuxuu dhowr jeer ballan qaaday in doorashadu u dhici doonto si xor iyo xalaal ah.

Xigasho: Africa CGTN