Takoor mise Haybsooc (WQ: Cabdicasiis Ibraahin Ciise “Daacad”)

Takoor mise Haybsooc

 

Beelaha la haybsooco ma waxa lagu faquuqaa midab, lahjad, diin, dhaqan ay kaga duwan yihiin bulashada inteeda kale? Marka aynu safafka ku jirno ee adeeg fushanayno ma dhacdaa in cidda beelahaas ah laga saaro safka oo loo diido inay adeegtaan, waxbartaan, noolaadaan oo ay wax noqdaan?

 

Anigu sidaan qabo Maya. Waxa lagu haybsoocaa isirka ama abtirsiin, iyadoo loo tixraacayo ab-ka-soogaadh aan macno buuran lahayn oo bulsho dhan lagu dilay dadnimadeedii, qabkeedii iyo qiimaheedii. Waxa loo adeegsaday siyaasad fog oo aan tirmayn taxan, siina taxnaan doonta inta maanfayoow oo hoos u eega la helayo.

 

Xalka dabargoynta iyo tirtiridda fikirka noocan ah ee ku faafay bulsho jahli iyo garaadxumo la nool waxaan u arkaa waxbarashada. Oo sidee, bal eeg meerisyo ka mida heestii uu allifey Cumar Aw Caynab, codkeeda baxsanna ay ku qaaday fanaanada weyn ee Nimco Yaasiin Carraale:

 

Bulshada Somaliland-neey

Bushaaree ma ogtihiin

Waxbarashadu waa hubkii

Baahida lagu tuurayee..

 

Sida ka muuqata tuducyada meerisyadan heesta, Waxbarashadu waa hubka iyo hiilka baahida, jahliga iyo mugdiga nolosha. Waa iftiinka, ubaxa iyo udgoonka nolosha. Qof waxbartay, cidna ugama baahna aqoonsi gaar ah iyo inuu beerlaxawsi iyo afgobaadsi kaga doono cid kale gargaar. Qofka waxbartay wuxu isgaadhsiin karaa heersare, wuxu abuuran karaa hansare, wuxu heli karaa hayb aqooneed ka weyn kumanaan jeer midda gaaban ee qabiilka. Isagaa wax noqon kara, waxna cid ka dhigi kara. Wacanaa qof waxbartay.

 

Qof waxbartay waa duni, duniduna dad uma baahna ee iyadaa ay dadku u baahan yihiin. Walaalkayoow ama walaashayeey, cidna haku faquuqin abuurtiisa, habdhaqankiisa, hibadiisa ama haybadiisa. Haddaad wax ku kala duwanaataan aamin inaad ibnu’aadan tihiin oo aanay marnaba dadku sim’mayn, isku aragti iyo isfahan keliyana ka wada qaadan karayn arrin fikir u baahan.

 

Gunaanadkii, dadku waa isku dhoon e’ ha dhammaado haybsoocu.

 

Qalin – Dhuux