Talladii Cali binu Abii Daalib (rc) Q.11aad (WQ: Cabdiraxmaan Cismaan)

Alle cid awooddiisa, mulkigiisa iyo cizadiisa la wadaagtaa ma jirto. Waa baaqi, wuu jiray waana jiri doonaa. Wuxuu jiray kawnkan oo aan jirin laakiin maba jiro bilow jiritaankiisa. Wuu jirayaa marka wax weliba dhamaanayaan, mana jiro dhamaad jiritaankiisa. Cizadiisa iyo jiritaankiisu waa cadiim, waa Alle weyni u saaxiib ah, quwad u saaxiib ah, wax la barbardhigaa jirin kana baxsan in lagu koobo caqliga.

Ma jiro qof fahmi kara ama suurayn karaa.

Markaad aqbasho xaqiiqadan ayaad yaqiinsanaysaa amaradiisa, sida qof gartay qadarka naftiisa, awooddiisa iyo heerkiisa in aanay waxba ahayn marka la barbardhigo ta Rabbi; markaas baad doonaysaa in aad hesho barakadiisa adigoo baryo iyo addeecid ku kasbanaya, adigoo ka baqaya cadhadiisa iyo cadaabkiisa, una baahan kaalmadiisa iyo magangelyadiisa. Xasuusnow, wiilkaygiiyow, Alle kuma amrin wax adiga kuu wanaagsan oo wanaag ku gaadhsiinaya mooyee kaamana reebin wax adiga kuu xun oo xumaan kuu keenaya mooyee.

Wiilkayga qaaliga ahow, waan kuu sharaxay wax kasta oo adduunyadan ku saabsan, sida ay laaca iyo laydha u tahay, sida ay u gaaban tahay wax kasta oo ay haysaana u gabaabsiga yahay, sida dhakhsaha leh ee ay u dooriso dareenada iyo doorashada. Waanan kuu sharaxay nolosha iman doonta, raaxadeeda iyo barakadeeda aan dhamaadka lahayn; iyo deganaanshaha lagu waarayo, la jeclaysanayo laguna farxayo ee janada inoogu diyaarsan.

Tusaalayaal kugu filan waan kaa siiyay labada nololoodba, ka hor iyo ka dib ba si aad u ogaato xaqiiqada noloshaadana ugu hoggaamiso aqoontaa.

Waxa xaqiiqo ah dadka sida fiican u dersay xaaladda nolosha adduunyo, waxay noloshaadii ku idlaysteen iyagoo ogsoon in ay yihiin safar, kuwaas oo ka socdaalaya deegaan ay asiibtay abaar baโ€™an, oo baad iyo biyo ba ka dhamaadeen una guuraya dhul dihin oo naq iyo nabaad leh oo nafta iyo nooluhuba ku raaxaystaan. Si niyadsamaan ah ayay safarkaas u gelayaan, iyagoo rejaynaya barakada iyo nabada ay waajahayaan mustaqbalka dhow.

La soco: qayb danbe oo ka xiiso macaan, sirtana noloshana ku bari doonta, jaamacadna aanad ka heli karin, qof kalena aanad ka dhaxli karin, adigana ay kugu dheeraanayso inaad soo tijaabisaa ama aad nolosha ka dhaxashaa.