Madaxweynaha Jsl Mudane Muuse Biixi Cabdi oo shacbiga Somaliland ka tacsiyadeeyay Alle ha u naxariistee Marxuum Yuusuf Caynab Muuse oo ku geeriyooday maanta Magaalada Hargeysa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, siyaasiyiinta, madaxda dhaqanka,ย ย waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Yuusuf Caynab Muuseย oo ku geeriyootay maanta oo ay taariikhdu tahay 27/02/2019, Magaalada Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey siyaasi iyo oday ka baxay qaranka Somaliland door muhiimana ka soo qaatay nabad kuwada noolaanshaha shacbiga Somaliland wada dega iyo dib u dhiskii dalka, xilal muhiima oo heer wasiir ahna qarankan ka soo qabtay.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo Siyaasiyiinta, madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.