Talladii Cali binu Abii Daalib (rc) Q.2aad (WQ: Cabdiraxmaan Cismaan)

Ogsoonow in ay soo dhawaatay ka tegitaankii dunida sidaa darteed ayaan doonayaa inaan idin siiyo tallo idiin diyaarisa maskaxiyan in aydun waajahdaan dunidan.

Waxaan yaqiinsanahay in ay wiilashaydu ay xaq u leeyihiin in ay ka faaโ€™idaystaan waayo-aragnimadayda iyo aqoontayda, meertadii noloshayda, dhammaan xaqiiqooyinka iyo runta nolosha ee ifka iyo aakhiro – oo aan ka mid ahay kuwa ugu aqoonsan.

Taas baa igu dhalisay inaan kuu dhaafo waanadan, oo ah nasteex dhab ah oo aan doonayo inaan dunida kuu tuso siday tahay, aad xaqiiqada u aragto sidaan u taabtay, aad talaabada fiican qaado xilliga ku haboon, waana sababta aan dardaarankan kuugu qorayo.

Ka dhex heli maysid dhaxalkan aan kuu qorayo run iyo xaqiiqo mooyee.

Wiilkayga aan ku dhaatow! Waxaad qayb ka tahay jidhkayga iyo ruuxdayda, markasta oo aan ku jaleeco waxaan dareemayaa in aan naftayda daawanayo. Hadday dhib kugu dhacdo waa dhibtayda, dhimashadaadu waa dhimashadayda, arrimahaaguna waa arrimahayga.

Gunto erayadayda oo ku faro-adayg, waxaa dhacda inaanan waqti dheer kula sii joogin laakiin talladaydu waa wehel kula jiri doonta intaad dunidan joogto.

Talladayda koowaad, wiilkaygiiyow, waa in aad Alle ka cabsato. Noqo mid addeeca, xuskiisu mar walba maskaxdaada ha ka qoyanaado. Ku dheganow si adagna u ilaasho manhajka Islaamka ee Rabbi kugu xidhaya. Miyuu jiraa xadhig ka adag, ka sugan kana waaritaan badan kan?

Aqbal tallada wanaagsan oo ku noolee maskaxdaada…

La soco: qayb danbe oo ka xiiso macaan, sirtana noloshana ku bari doonta, jaamacadna aanad ka heli karin, qof kalena aanad ka dhaxli karin, adigana ay kugu dheeraanayso inaad soo tijaabisaa ama aad nolosha ka dhaxashaa.