Talladii Cali binu Abii Daalib (rc) Q.1aad (WQ: Cabdiraxmaan Cismaan)

Markii uu ka soo noqday dagaalkii Siffin, ayaa Cali (rc) uu talladan siiyay mid ka mid ah wiilashiisa. Taariikhyahada qaar ayaa ku sheega Xasan (rc) halka qaar kalena ku sheegaan Maxamed Xanafiyah (rc).

Waxay koobsanaysaa dhinac kasta oo nololeed oo qofka ka dhigi karta mid guulaystay, mid geesi ah, mid naxariis badan, mid deeqsi ah, mid dhowrsoon oo wanaagsan.

Wuxuu ku bilaabayaa,

โ€œWaanadani waxay kaaga timid aabo yaqiinsan akhlaaqda wanaagsan, kaas oo noloshu gaboojisay, kaas oo samir kusoo xambaaray caqabadihii iyo culaysyadii uu la kulmay, kaas oo neceb raacida hawadda kana ilaaliyay naftiisa, kan oo dunida dhawaan ka tegi doona,

ayaa waanadan iyo waxsheegan u dhaafaya wiilkiisa oo yar, oo leh oo han uu ku hoggaamiyo dunida isagoo raba inuu ka tago raad fiican, doonistan oo ay adag tahay in la gaadho, wiil, wadku sugayo oo mari doona jidka ay mareen kuwii ka horeeyay ee geeridu asiibtay,

oo la deris ah xanuun, oo ay ku xeeran yihiin mushkilad iyo masiibo, oo waajihi doona cadaadiska iyo cabudhinta Keli-talisyada, oo had iyo jeer la diriri doona mararka qaar na u dulqaadan doona munaafiqnimada, khiyaanada, dhagarta, laba wajiileynta iyo shirqoolka.

Wiil noloshiisu ku soo dhammaan doonto dhimasho, oo xambaari doona dhibaatooyinka, dhaxli doonana mid geeriyooday oo aakhiro u guuray isagoo isna noloshiisu ku idlaan doonto shahiid isagoo la jihaadaya cadowgiisa.

La soco Q2….