Goorfeynta Buugga “Qaran Iyo Qabiil laba aan is qaban”. Q.1aad (WQ: Sacad Mohamed)

Waxa uu buuggu ka kooban yahay 185 bog, waxana daabacaaddiisa ku suntan shirkadda Ponte Invisibile.

Buuggu waxa uu ka kooban yahay goosan hordhac ah Iyo Shan qaybood oo midiba dhan iska taagayso mawduuca buuggu ku saabsan yahay.

Buuggu waxa uu ku qoran yahay far aad ku raaxaysanayso qoraal ahaan Iyo erayo isku sidkan oo quruxsan af ahaan.
Waxa se marka hore askari jiifa kugu noqonaysa khaladaad madbacadeed oo hakad ku gelinaya.
Khaladaadkaasi waa ay yaraanayaan marka aad buugga hore ugu dhaadhacdo, waxana ku jiidanaysa fikradda uu gudbinayo.
Tusaale fudud haddii aan soo qaadanno laba bog oo isku xiga ayaa midkiiba saddexdan khalad ku jiraan:
Sharciysan: sharciyeysan
Hormurka: horumarka
Farsamdu: farsamadu
khliaafadii: khliaafadii
Dugasado: dugsado
inftiinka: iftiinka.
Waxa ay intaas Iyo in ka badaniba ku jiraan kaliya bogga 49aad Iyo 50aad.

Waxa inta aad buugga dhex mushaaxayso ashqaraar kugu ridaya sida qoraagu aanu marnaba uga dhex bixin mawduuca uu u qallin qaatay Iyo sida uu aragtidiisa ugu istaajiyey gommado adag Iyo Mijo bir ah.

Haddii aynnu ku horreyno magaca uu sitto buuggu waxa uu hubaal ka dhigayaa in aan Qaran Iyo Qabiil xigto ka dhexayn oo aanay xidhe isku noqon Karin oo aanu midba ka kale qaban Karin, Sidoo kalena aanay ahayn laba la iswaafajin Karo oo la isqabad siin Karo.

Cutubka hore waxa uu qoraagu ku sheegayaa in erayga Qabiil uu inoo soo doolay xilligii uu Inna soo gaadhayna ahayd xilliyo ku siman afartamaadkii qarnigii hore (labaatanaad).
Ma jiro wax farqi ah oo u dhexeeya Qabiil Iyo qabyaalad , waana laba eray oo lakala dheegay.

Markasta oo aad reerkiinna sheegato (Qabiilkaaga) waxa si iskeed ah u samaysmaya dad aad isku reer tihiin Iyo kuwo aad abtirsiga ku kala fogaanaysaan.
Sidaas darteed waxa uu qoraagu qabaa in isxigtaysiga ku salaysan qabiilka Iyo dulmiga ka dhalanaya ee tusaalaha fiican ay inoogu tahay qaraabo kiilka Iyo in wasaarad kasta ninka haysta lagu shaanbadeeyo reerkiisa ee la yidhaahdo waa wasaaraddii reer hebel laga takhalluso, kaddibna reernimada sideedaba meel daran Iyo shaashaan laga rido.

Wax fudud maaha in qabiilka waqti hore laga guulaysto inta abtirsigu ku xidhan yahay balse qabyaaladdu kaliya niyad wanaagsan ayaa ay u baahan tahay si loo karantiimeeyo.

Waxa uu Sidoo kale qoraagu xusayaa in Beel kastaa usii qaybsanto reero, jilibbo , jibsinno, lafo Iyo ardaayo hoose, markastana hiilka Iyo is ahaanshuhu ay taagan tahay inta xigtonimadu jirto.
Waxa la arkaa in laba reer oo dirirsan ay u midoobaan una heshiiyaan reer kale oo ay iyagu iska xigaan abtirsiin ahaan.

Qoraagu waxa uu xusay in erayga reer loo isticmaali karo laga bilaabo baarka sare ee qabiilka illaa jifada hoose ( reerkaa Hawiye, reerkaa Daarood) , balse ma garan karo sababta uu qoraagu haddana usoo qaatay Daarood Iyo Hawiye si uu u caddeeyo in ay yihiin magac guud oo kuwaas hore ka duwan.

Bogga 22aad waxa uu qoraagu xusayaa in aan qofka xil hayaa si kasta oo uu u wanaagsan yahay aannu xayndaabka reernimo ka bixi Karin taas oo caddaaladda ka hor istaagaysa. Aragtidaas qoraagu waxa ay walaac ku furaysaa rejo kasta oo laga qabay in wax hagaagaan, umana arko in ay tahay mid cid kasta ku rumoobaysa balse waa sida loo badan yahay.

Waxa qoraagu ku nuuxnuuxsanayaa aragtida taallay dhulkii xoolo dhaqatada Soomaaliyeed deggenaayeen oo ahayd in aan marnaba nabad lagu ledayn.
Ninka xoolo haysta waa la weerarayey si xoolaha looga dhaco, ka barlaawaha ah guluf baa lagu bixinayey iyada oo laga cabsi qabo in uu weerar soo qaado oo xoolahaaga hunguri ka galo.

Bogga 29aad waxa uu qoraagu ku xusayaa gabyaaga Axmed Sheekh Jaamac oo gabay ku cabbiray xaaladdii cakirnayd ee reer guuraaga Soomaaliyeed, balse qoraagu marnaba ma soo qaadanayo hal bayd oo gabyaagu leeyahay, waana Isla sida uu yeelay bogga 54-aad oo uu odhanayo ” waa murtida uu u duurxulayo ee tabinayo gabaygii Saahid Qamaan ee caanka noqday”.
Gabaygaasi waa gabaygee? Qaabkee ayaa uu u dhigay? Waa suaalaha aad isweydiinayso, waxana aad filaysaa in qoraagu xuso magaca gabayga Iyo beydad ka mid ah oo arrintaas uu ka hadlay xoojinaya. Hoos ayaa aad u degaysaa mise maxaa aad dhiibatayba.

Waxba kama ay qaadateen qoraaga haddii uu kaliya gabayga ka Soo qaadan lahaa inta u adeegaysa ujeedkiisa, taas lidkeeda waxa uu gabayo dhamnaystiran kusoo qaadanayaa cutubyada danbe.

Dhanka kale dagaalku waxa uu ahaa nolosha dhabta ah ee maalinlaha ah.
Qof dhallinyar lagama filayn ficil mooyee fulaynnimo halka cidda nabad ka shaqaysaa ahayd kaliya waayeelka Iyo dadka waaweyn.
Qofka dhallinta Yari marnaba iskuma xilqaami jirin nabadda Iyo waanwaanta reer tolkiina wax aan dirir ahayn Uma dirsan jirin.

Aragtidaas qoraaga waxa xoojinaya gabayga ciddiyo-jiid ee Xasan Tarabbi isaga dhallinta ku sifaynaya geesinnimo Iyo adkaysi, odayaashana talo Iyo guddoon:

1.dhallinyaro cad duban qaadatiyo, guluf carraabaaya.

2. cuqaal talisa, boqor caadiliyo, culimo miisaan leh.
Intaas kaddib waxa uu qoraagu bayaaminayaa in marka tolnimo la joogo uu meesha ka baxayo qof iskii u taagan samo Iyo xumoba.
Qofku gefkii uu galo tolkii ayaa u qoollan illeen nin waalan tolkii ayaa u miyir qabee, haddii uu meel ka Soo dhalaalana ammaantiisa ayaa lagu wada geeraaraa , waxana uu sharaf u Soo jiiday beesha oo idil.
Qofku haddii uu dhib geysto tolkii ayaa u ah gaashaan bir ah, gar Iyo gardarrana waxa uu huwan yahay dalladda tolka , waana arrinta keentay aanada Iyo in qof Bari ah loogu aaro nin ay haybta guud Uun wadaagaan.
Taas waxa ka dhalatay caddaalad darro Iyo jawrfal cid looga dacwoodaa aanay jirin Alle mooyee.
Reeraha laga tirada badan yahay waxa ay ku qasbanaadeen in ay gaashaan buur la noqdaan reero ay awood bidayaan , halka reer kale oo Yari doonto reero kale oo yaryar iskuna noqdaan quwad aan la dhayalsan Karin.
Reerahaasi waa Isla mag baxaan, duullaanka wada qaadaan Sidoo kalena hantida laga qaado wada dhacsadaan.

Waxa uu qoraagu gaashaanka u daruuray aragtida odhanaysa qabiilku faa’ido ayaa uu leeyahay oo waa ka Somaliland ku dhisan tahay, waxana uu xusayaa in kadeedka ka taagan Somaliland uu yahay reerahaas lagu dhisay oo noqday alif kaa qalloocday albaqra ayuu ku dhibaa.
Madaxweynuhu waa reer, wasaarad kastaa wasiirka ku magacaaban ayaa ay reerkiisa ku abtirsataa, saami qaybsigu beelo ayaa uu ku dhisan yahay waana ta illaa hadda doorashadii wakiillada loo qaban la’yahay.
Doorashadii Somaliland ka qabsoontay dabayaaqadii sannadkii 2017-ka ayaa qoraaga markhaati weyn u furaysa.
Qaybtan waxa uu qoraagu ku Soo xidhayaa in aanay dood qumman ahayn in la yidhaahdo qabiilka quraanka ayaa sheegay oo lama diidi karo. Waxana uu ugu quus goynayaa in aanay qabiilka waxba isku ahayn qaranka, ta quraanku sheegayna tahay is aqoonsi uun , tahayna wax laga Soo gudbay , innagana waajib innagu tahay in aynnu ka gudubnaa.

Cutubka labaad waxa uu qoraagu ku qaadaa dhigayaa dawladnimada Iyo qabiilka.
Waxa uu si guudmar ah uga sheekaynayaa bilawgii dawladnimo Iyo waxa ay faa’ido ku fadhido.
Waxa uu iftiiminayaa in dawladdu u baahan tahay lacag ay hawlaheeda ku kala socodsiiso, halka shacabkuna baahi u qabaan cid ay lacag ku siiyaan oo hantidooda u ilaalisa.

Waxa uu xuddunta dawladnimo Iyo horumar ka dhigayaa Beerfalashada. Waana halkan barta Reerguuraaga Soomaaliyeed ku seegeen dawladnimo Iyo ismaamulba, uma aysan baahnayn maamul oo meelba kuma ay negaan jirin, Mana ay lahayn ganacsi looga ilaaliyo budhcadda.
Cidda soomaali maamul ugu dhawi waxa ay ahayd Suldaanka Iyo wixii u dhigma. Suldaankuna malahayn awood uu caddaaladda ku sugo hayeeshee, waxa uu kaliya guddoomin jiray shirka Kuna dhawaaqi jiray wixii ay xubnuhu isku waafaqaan.
Suldaanku waxa uu leeyahay sharafkiisa Iyo maamuuskiisa, waxana uu u taagnaa ilaalinta maslaxadda beesha xaq Iyo xaqdarrana tolkii ayaa uu ahaa.
Abaabulka dagaalku waa ka dhakhso badnaa askumidda nabadda, arrinkuna waxa uu ahaa khayr wax kuma yeelee, Shar u toog hay.

Waxa ay Sidoo kale ku maahmaahi jireen ” arrin nabadeed waa la rogrogaa , arrin dagaalna nin baa loo daayaa”.
Dawladda Kali ah ee uu yaqaannay qofka Soomaaliyeed waxa uu ahaa tolkii.
Iyagaa difaaci jiray, magta ka bixin jiray, ka xoolo la’na u xoolo goyn jiray.
Wadaad Iyo waranlena reerkooda ayuunbay wax la qabeen , fiqina tolkii Kama Janno Tago.

Qofka isku daya in uu tolka ka baxo, dantiisana ka dhex arki waaya suurtogal Uma noqonayn in uu ku dhiirrado ka fallaagoobidda tolka .
Waxa uu ku waayayo ayaana markasta ka badnayd danta uu leeyahay.
Inkasta oo bulshada Soomaaliyeed ahayd bulsho dhammaantood islaam ah, haddana dhaca reeraha kale waxa ay ahayd xaaraan lagu faano, dilka xaqdarrada ahina faldanbiyeed lagu geeraaro oo uunka loogu faano.

Ugu danbayn waxa uu qoraagu xusayaa in ninka markasta ku fooggan arrimaha tolka loo yaqaannay danlaawe, ma garan karo in qoraagu ka wado qofkaasi waxa uu ahaa qof dayacay qoyskiisii Iyo xoolihiisii, hayeeshee waxa aan garan karnaa in qofkaasi sharaf kulahaa tolka dhexdiisa Iyo tolalka kale ee ay ood wadaagta yihiinba.

Sacad Maxamed Aadan, Hargeysa , Somaliland.