BBC-Soomaali: Maxaa mudan in la baahi? (WQ: Cali Cabdi Coomay)

 

Tan iyo intii idaacadda laanta Af-soomaaliga loo soo raray Kiiniya-Nayroobi, waxa is-beddelay suxufiyiintii ka hawlgelin jiray idaacadda. Waxaana la shaqaalaysiiyey suxufiyiin ku dhashay Kiiniya oo Soomaali ah, hasayeeshee aan waxba ka aqoon afka iyo dhaqanka soo jireenka ah ee Soomaalida. Waxa sidoo kale ku yar ama aanay wax badan ka aqoon diinta Islaamka marka la eegayo waxa ay baahinayaan. In idaacadda loo raro Kiiniya waxa soo jeediyey oo kaalin weyn ku lahaa madaxii hore ee laanta Af-soomaaliga ee Maxamed Cabdilaahi oo madaxda laamaha Afrika la hadasha u ahaa la-taliye (Technical Advisor). Wuxuu ku qanciyey madaxda laamaha Afrika la hadasha inay Kiiniya uga lacag jaban tahay qalab ahaan iyo shaqaale ahaan. Waxaanu u arkayey inuu doorkan deegaankiisu xaq u leeyahay inay gacanta ku dhigaan idaacadda.

Weriyeyaashii hore ee ka hawgeli jiray idaacadu waxa ay ahaayeen qaar xul ah oo hodan ku ah afka soomaaliga iyo dhaqanka soomaalida ku dhaqan geeska afrika, suxufiyiintani intooda badani waxa ay ka iman jireen idaacadd Radhyow Hargaysa oo ka daโ€™weyn idaacadda BBC-Soomaali, markii dambe ee la furay Radhyow Muqdisho ayaa qaarkood ay iman jireen BBC-Soomaali. ย markaa idaacadda waxa loo soo xuli jiray suxufiyiin lagu xushay aqoon, codkarnimo, cod macaani iyo karti shakhsiyadeed. Suxufiyiinta aan lahayn cod toosan ama hadalka jarjara looma ogolayn in ay ka hadlaan idaacadda, waxaana la odhan jiray wuxuu leeyahay codkii Habraha. Laba qofna waa laga ilaalin jiray inuu Idaacadaha ka hadlo, qofk xabeebta leh iyo qofka hadalka jarjara ee aan xidhiidhin Karin. Labaa qof haddii ay jecel yihiin inay Suxufiyiin noqdaan waxa la odha jiray soosaare noqda balse war-tebiyeyaal ha noqonina.

Dhawaan ayaa habartii sawaaxilyada ahayd ee ay laanta Af-soomaaligu hoos iman jirtay laga hoos saaray, waxaana loo dhiibay Cabdilaahi Cabdirisaaq oo noqday madaxa laanta af-soomaaliga ee BBC-Somali. Isna wuxuu maray waddadii ay hore u haysay habartii uu xilka kala wareegay oo wuxuu illaa maanta idaacadda u qoray suxufiyiin intooda badani ka tirsan soomaalidda Kiiniya. Qaarkood markay warka ama Barnmaamijyada soo jeedinayaan waxaad moodaysaa in ay ooyayaan cod xumo awgeed. 2/2/2019 idaacaddii Duhurnnimo ayay suxufiyada la yidhaa Kowsar Maxamed Cabdilaahi tidhi โ€œ Dawladda Turkiga oo saaraan cadaadisโ€. Bal hadalkaasi dhan u qaad. Way iska sii wadatay oo xittaa raaligelin kamay bixin, manay dareemin inay khaldantay, waayo af-soomaaliga ayaanay garanayn ba. Sidoo kale waxa isla maalintaasi is-daba-marisay magaca madaxweynaha Soomaalilaan oo ay tidhiโ€ Muuse Cabdi Biixiโ€, waxa raaligelin ah kamay bixin. Malaha sida khaladka raalingelinta looga bixinaba looma tababarin.

Maadaama oo aanay suxufiyiintani waxba ka aqoon dhaqanka Soomaalida oo ay yihiin Saxawaali-la-koreen, waxa ay toos u turjumaan wax kasta oo ka baxa ama ay baahiso idaacadda BBC-da adduunka la hadasha. Waxa aynu halkan ku xusi karnaa dhawr arrimood oo ay soo geliyeen shabakadda wararka ee Internet-ka oo aan mudnayn dhaqan ahaan iyo diin ahaan in loo sheego dadyowga Af-soomaaliga ku hadla eek u dhaqan geeska afrika:

= Naag shahwad soo iibsatay oo doonaysa in lagu tallaalo

= Waxyaabahan haddii aad samaysid aanad hore u dhimanayn

= Noocyada kufsiga iyo galmada ee dalka Hindiya oo soo badanaya

= Wadaaddada ugu kufsiga badan dalka Hindiya

= Wiilal kooxo ah oo mid mid dharkau dhiganaya si ay gabadh u kufsadaan

= Muuqaal la baahiyey oo muujinaaya gabadh la kufsaday oo laga dhammaystay oo codsanaysa in la sii daayo

Dhammaan hadalladaasi iyo kuwa kale oo badan oo lagu faafiyey shabakada BBC-Somali.com/Facebook, waxa ay muujinayaan in aanay suxufiyiinta idaacaddu waxba ka qoon dhaqa Soomaalida iyo diinta Islaamka. Waxa la yidhi โ€œ Dameertu geella ha didisee qururufta ayey kaga dartayโ€, marka ay sheekooyinka sheegayaan suxufiyiintu hordhaca Barmaamijka waxa ay ku sheegayaan inay dhegaystayaash u hayaan sheeko xiiso badan. Xiisahaaba dhac. Waxa ay kala saari kari laโ€™yihiin warbixinnaha mudan in loo baahiyo Soomaalida iyo kuwa aan mudnayn dhaqan ahaan. Waxbixinaha ay baahiso idaacadda BBC-da adduunka la hadasha, laan kasta oo hoos tagtaa waxa ay ka qaadataa oo ay baahisaa wixii dhaqankeeda iyo diinteeda u wanaagsan.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, Qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan.ย ย 

calicoomay@gmail.com