Maxkamadda Maroodijeex Oo Celisay Eeddii Abwaan Abees + Codsi Bannaanbax Nabadgelyo Oo Xadhigga Lagu Diiddan Yahay

โ€œBurintiyo xadgudubkiyo sharciga, laga dul boodaayo
Weli baadhis baa socota baa, lagu bannaystaaye
Iyadoon garsoor loo bandhigin, xeerna lagu beegin
Bilo iyo dar baa lagu hayaa, maalmo sii badaneโ€
Gabayga baaddil maan wadin-Ogos 2016

9kii Feberweri 2019ka ayay Maxkamadda Gobolka Maroodijeex ku amartay xafiiska xeer-ilaalinta inay muddo shan cisho gudahood ah ku soo gudbiyaan dacwadda Abwaan Cabdiraxmaan Abees taas oo ku ekayd ugu dambayn 14ka bisha. Waxa kale oo xeerilaalinta loo bandhigay in hayaan wax kiisku ku sii socdo ama la soo oodo oo Abwaanka lagu sii daayo dammaanad.

Waxa ay xeerilaalintu ku adkaysteen in kiiska la sii wado. Iyaga oo xeer-ilaalintu ka dayrinaya in aanay haynnin wax caddayn ama dembi looga dhigo ayay ku adkaysanayaan in dacwadda la sii wado, waxaanay ka baqayaan in lagu canaanto in abwaanku xorriyaddiisa ku helay dayac ay sameeyeen. Waxa lagu qasbayaa in ay wax malluuqaan.

Xafiiska xeer-ilaalintu waxa ay keeneen eedo aan noqon karin dacwad ciqaab ah oo lagu oogo Abwaan Cabdiraxmaan Abees. Waxa ay yidhaahdeen โ€œAnnagu wixii aannu haynno ayaanu keenaynnaa ama ka garnaqa ama sii daayaโ€. Xitaa xafiiska xeer-ilaalintu waxa ay ogyihiin in dacwadda abwaanku ay tahay mid aan lahay tiirar adag. โ€œUma baahna garyaqaanno, isaga ayaa iska difaaci karaโ€ ayaa ka mid ah weedhaha xeer-ilaalinta ee aan dhegahayga kaga maqlay.

Maxkamadda Maroodijeex waxa u cuntami weyday in ay dhegaystaan dacwad aan lahayn eed la cuskado, waxaanay xeer-ilaalinta ku celiyeen xaashidii eedda ee loo soo gudbiyay. Dhanka kale waxa ay maxkamadda gobolku ka meeraysanaysaa in ay si cad xorriyaddiisa ugu celiso abwaan Cabdiaxmaan Abees oo 34 cisho u xidhan in uu aragtidiisa cabbiray.

Maxkamadda Gobolka Maroodijeex ayaa ku doodday in eedda Abwaan Abees ay tahay kiis madani ah oo aan ciqaab noqon karinโ€ฆ Waxa la isla soo hadal qaaday in uu is-difaaco isaga oo bannaanka jooga. Laakiin xadhigga ayaa taas ka hor dhacay. Waa in la caddeeyo in lagu fashilmay kiiska Cabdiraxmaan Abees.

Marka uu arrinku halkaas marayo, waxa lagama maarmaan ah in la codsado bannaanbax salmi ah oo lagu muujiyo saluugga ummadda ee xadhigga Abwaan Cabdiraxmaan Abees. Waxaanan Wasaaradda Arrimaha Gudaha u geyn doonnaa codsi aan ku dalbanaynno bannaanbax salmi ah oo aan ku cabbirno dareenka aanu ka qabno xadhigga daba dheeraaday ee Abwaan Cabdiraxmaan Abees. Kaas oo aanu si rasmi ah u gudbin doonno maalinta Sabtida haddii Alle idmo.

Mudaharaadka salmiga ahi waxa uu ka mid yahay hababka dastuuriga ah ee loo gudbiyo tabashada qofka ama dadka. Haddii isagana la diido, ummaddu waxa ay ku khasbanaan doontaa wixii ay ka maarmi waayaan ee maaro u ah hawsha.