Talladii Cali Binu Abii daalib (Rc) Q.6aad (WQ: Cabdiraxmaan Cismaan)

waxaan doonayaa in aan si degdega uga faa’idaysto fursada aan rabo inaan kugu tacliimiyo oo aan kugu tarbiyadeeyo inta ay maskaxdaadu dihin tahay, inta aanay daalin ama duugoobin, inta aanad nolosha waajihin adigoon u diyaargaroobin, ka hor inta aanay kugu qasbin inaad taada ku meel marto adiga oo aan ka faa’idaysan weelaynta waayihii, aqoon-wadareedkii iyo waayo-aragnimadii dadkii hore.

Waanadan iyo talladan aan ku siinayaa waxay kaa badbaadin doontaa inaad ka werwerto in ay aqoontaasi ku seegto. Hadda, si dhibyar ayaad uga faa’idaysanaysaa aqoon ay rag ku hanteen dedaal badan, daryeel adag iyo samir. Ashyaa ka daboolnaa ayay daaha kaga faydeen tacab, taxliilin iyo tijaabin ayaad adigu si fudud u isticmaalaysaa haddaad garato.

Wiilkayga aan jeclaayow! Inkasta oo aanu cimrigaygu u dheerayn sida raggii hore haddana waxaan si taxadar leh u dersay noloshoodii, oo aan soo taabtay ficiladoodii, oo aan si wacan u dhugtay dhaqankoodii, oo aan baadhay alaabtoodii, aataartoodii iyo asalkoodiiba, waxaanan bartay noloshoodii aniga oo dareemay in aan la noolaa oo aan ka soo ag shaqeeyay, kolkaas baan tagtadoodii usoo raray taariikhdeenan -waxaan ogaaday wixii hor-umariyay iyo wixii halaagay.

Markaas baan kala saaray xumaantii iyo wanaagii anigoo adiga gaar kuugu soo soocay wanaagii si aad uga bogato aqoontan aan kuu soo koobay.

Talladan, waxaan xoogga saaray in aan fadhiga kuugu keeno qiimaha nolosha haboon iyo hanka sare kaagana digo halista xumaanta iyo nolosha hoose, waxaan kuu gu dedaalay in aan noloshaada ku ilaaliyo wanaaga; waana waajibka aabo kasta oo naxariis, danayn iyo jaceyl u haya ubadkiisa.

La soco: qayb danbe oo ka xiiso macaan, sirtana noloshana ku bari doonta, jaamacadna aanad ka heli karin, qof kalena aanad ka dhaxli karin, adigana ay kugu dheeraanayso inaad soo tijaabisaa ama aad nolosha ka dhaxashaa.