Sidee loo Dawayn karaa Xoqado xannuunka?
Infakshanka xoqadaha iyo neef-mareenka si fudud ayaa loo kala qaadi karaa, sidaa darteed ayaa ay haboontahay in qofka xannuunkani qabto uu iska dhowro in uu usii gudbiyo dadka inta fayow.
Caruurta Xoqaduhu bukaan waxa fiican in laga joojiyo dugsiga mudada ay bogsanayaan. Waxa kale oo loo baahan yahay in qoyska hal qof ka buko ay isku dayaan laga ilaaliyo in uu u gudbiyo inta kale, iyadoo la joojinayo wadaagida cuntada iyo cabitaankaba.
Cabashada ugu wayn ee Xoqaduhu waa kaar iyo xumad; taasina waa in la dejiyo iyadoo la adeegsanayo dawooyinka kaar-jebiyayaasha sida Ibuprofen iyo Pracetamol. Intaa waxa kasoo hadhay waxa fiican in la sugo oo la baxnaaniyo xannuunka, sababta oo ah ku dhawaad 85% xaaladaha xannuunkani waxay bogsadaan iyagoo aan dawooyin lasiin.
Waxa kale oo daruuri ah in qofku aanu fuuq-bixin (Dehydration), gaar ahaan hadii aanu si fiican wax u cabayn. Taasna waa in si fiican isha loogu hayo.
Suโaasha ugu muranka badan ee daawaynta xoqado-xannuunku waxa weeye Goorma ayaa qofka lasiin karaa daawooyinka Antibiotics?.
Antibiotic-gu waa dawooyin nooco badan oo lagula tacaalo xannuunada ay keenaan xannuun dhaliye yaasha Bakteeriyada. Sidaa darteed hadii la xaqiijiyo in Infakshanka xoqaduhu ka dhashay Bakteeriyo qofka waa lasiin karaa Antibiotic iyadoo la raacayo nidaamka ay u dhigeen hay’adaha caafimaadka ee caalamiga ahi.
Waxa muhiim ah in la fahmo dadka badankooda Antibiotic-gu waxba kama bedelaan mudada xannuunku haynayo, mana khafiifiyaan cabashooyinka xannuunka. Sidaa darteed ayaa hayโada dalka Ingiriiska u qaabilsan tayaynta Daryeelka caafimaadka (NICE) iyo Ururka caafimaad aduunku (WHO) labaduba waxay ku talinayaan in Antibiotic-ga loo qoro xaalado kooban ee hoos ku xusan:
โข In ay jirto calaamado muujinaya in infakshanka xoqaduhu gaadhay jidhka intiisa kale.
โข In caabuqu gaadho cadka ku hareeraysan xoqada (Peritonsillitis) ku samaysmo xoqadaha.
โข Qof la ogyahay in hore uu ugu dhacay xannuunka Rheumatic Fever ee wadnaha.
โข Qof difaaca jidhkiisu hooseeyo; sida dadka qaba xannuunada macaanka, aydhiska, ama kansarada.
โข Qof lagu arko ugu yaraan saddex ka midd ah astaamaha centor criteria ee aynu qaybtii hore ee mowduucan kaga soo hadalnay.
Haddii aanu qofku intaas aynu soo sheegnayn midkoodna ahayn waxa fiican in aanu qaadan wax Antibiotic ah, oo uu u samro inta xannuunku iskii u bogsanaayo. taasi ayaa u faa’iido badan jidhkiisa una khatar yar.
Antibiotic-ga waxa in la bilaabo ugu yaraan shan cisho kadib markii xannuunku bilaabmay, waxaana la qaadanayaa mudo u dhaxaysa Shan ilaa toban maalmood, hadba sida xannuunku yahay.
Waxa waajib ah in qofku dhamaysto xadiga Antibiotic-ga loosoo qoray xataa haduu dareemo in uu ladnaaday. Waa in aan lakala reebin dawada. Hadii ay dhacdo waxay keeni kartaa in xannuunkii oo sii bogsanaya laakiin bakteeriyadii wali joogto dawadii la joojiyo. Kadib uu dib usoo fufo isagoo markan xannuun dhaliyihii la qabsaday dawadii oo aanay sifiican u shaqayn. Kadib qofku isu bedelo xannuun side aad dawoobin oo bakteeriyada faafiya.
Nooca antibiotic-ga ugu haboon ee xannuunkan lagu daweeyo waa Penicilin. Dadka xasaasiyada ku yeesha Penicillin-ta waxa loogu bedeli karaa toban cisho oo Clarithromycin ah.
Dawo dabiiciga sida toonta, sinjibiisha, liin-dhanaanta iyo dawo-biyeedka lagu luqluqdo ayaa la aaminsan yahay in ay leeyihiin faa’iidooyin dhayme iyo kaar yarayn isugu jira. laakiin lama hayo daliil cilmiyeed lagu taageero ( No scientific evidence).
Lasoco qaybta 3aad.