Talladii Cali binu Abii Daalib (rc) Q.9aad (WQ: Cabdiraxmaan Cismaan)

ha u ogalaan in ay maskaxdaada sumeeyaan muhmalka iyo shakigu, hana ogolaan in malaha, jaceylka iyo nacaybku ay sadheeyaan afkaartaada. Had iyo jeer xasuusnow intaanad fikirin ama aanad xalin mushkilad in aad Alle baridid oo aad ka raadisid inuu kugu hanuuniyo ta saxda ah.

Ka ilaali aragtiyahaaga khalkhalka, hana u ogolaan in ay maskaxdaada qaataan shirkigu waayo, ta hore waxay kugu hoggaamin kartaa lumitaan halka kuwa kale kugu ridi karaan danuub iyo khaladaad. Marka kasta oo aad xalinayso mushkilad waa inaad hubisaa in aad si cad u fikirayso, in ay daacad kaa tahay iyo inaad si adag u doonayso inaad xaqa hesho. Si aad u asiibto ta mudan una qabato ta san, si degan u dhugo talladan aan kaaga tagayo.

Haddii madow kaaga jiro arrinka shaki na biyo dhigay qalbiga, markaa waxaad ku dhex amban kaymaha shakiga sida ay u dhibtooto hasha habeenada qabtaa. Tan haddaad dhex dabaalanayso waxaa kuu haboon in aad is dhiibto oo ka tanaasusho raadinta waayo, qofna dabarro ku tigtigan xaq kuma helo.

Wiilkayga qaaliga ahow! Si xeeldheer u xasuusnow ereyadayda. Rabbiga nolosha maamulaa dhimashadana isagaa maamula. Abuuruhu waa dumiyaha. Ka wax dumiyaana waa leeyahay awoodda uu dib ugu soo celin karo wax kasta oo jiray. Ka soo dira masiibooyinku sidoo kale wuu leeyahay awoodda uu kaaga badbaadin karo.

Xasuusnow in dunidana ay ku shaqayso shuruuc uu dajiyay Alle, oo ka kooban waxtar iyo waxtir ku aadan fal iyo falcelin, sabab iyo saamayn, kar iyo kabasho, raaxo iyo rafaad iyo abaalmarin iyo ciqaab, laakiin tani sawirka oo dhan kuuma muujin karto, waxa jira wax ka sareeya garashadeena, waxa jira wax aynaan fahmi karin, wax aynaan sii arki karin ama sii saadaalin karin, tusaale abaalmarinta iyo ciqaabta maalinta Qiyaame. Iyadoo duruufahaas kugu xeeran yihiin, haddii aad hal fahmi waydo, ha diidin hana beenin jiritaankeeda. Xasuuso in faham la’aantaadu ay ka timi aqoon-koobnidaada. Xasuuso markii aad dhalatay ee aad dunidan timi in markiiba ay muuqatay jaahilnimadaadu, tacliin iyo tarbiyad la’aantaadu.

La soco: qayb danbe oo ka xiiso macaan, sirtana noloshana ku bari doonta, jaamacadna aanad ka heli karin, qof kalena aanad ka dhaxli karin, adigana ay kugu dheeraanayso inaad soo tijaabisaa ama aad nolosha ka dhaxashaa.