Talladii Cali binu Abii Daalib (rc) Q.5aad (WQ: Cabdiraxmaan Cismaan)

Talladii Cali binu Abii Daalib (rc)

kaasho samirka si aad ugu dhaafto culaysyada, cadaadisyada iyo caqabadaha. Samirku waa sifaha ugu sareeya ee akhlaaqda wanaagsan iyo damiirka xalan, waana dhaqanka ugu wanaagsan ee qof la yimaad. Rabbigaa tallo-saaro oo ka magangal mushkilad kasta iyo masiibo walba oo ku qabsata, waayo, arrimahaaga waxaad u dhiibatay Wakiilka ugu wanaagsan iyo Weliga ugu awoodda badan. Cid aan Alle ahayn ha ka raadsan kaalmo iyo magangelyo.

U keli yeel baryadaada, baahidaada, doonidaada iyo ducadaadaba, maxaa yeelay isaga oo keli ah ayaa ku kaaftoon siin kara, ku kafayn kara, ku kaalmayn kara, ku koraysiin kara, sidoo kale kuu diidi kara, ku dulayn kara, kaa qaadi kara nimcada uu ku siiyay, awooddu isaga ayay u sugnaatay. Weydiiso in badan barakadiisa sidoo kale in badan raadi hanuunkiisa.

Isku day inaad fahamto waanadayda, in aad si qoto dheer u weelayso; ha yaraysan hana ka jeedsan waayo, aqoonta wanaagsani waxay anfacdaa qofka dhegaysta ee ku dhaqma. Aqoonta aan qofna anfacin waa khasaare, umana qalanto in la xigto oo la xafido.

Wiilkayga aan ku dhaatow! Markaan aqoonsaday inuu gabow i asiibay oo jidhkaygii soo gurmay ayaan goostay inaan kaaga tago tallada ugu wanaagsan ee aad ku hanan karto nolol ta ugu qiimaha badan, ugu quruxda badan uguna waxtarka badan. Waxaan necbaystay in aan geeriyoodo aniga oo aan kuu sheegin waxaan rabo inaan kuu sheego inta aanay awooddayda maskaxeed u gaabsan sida jidhkaygu u gurmay.

Si aan tan kuugu soo gudbiyo inta aanay ku lurin hawadu, inta aanay shahwaatka iyo shubahaatku ku lumin ama aanu waqtigu ku dhirbaaxin ama duruuftu aanay magacaaga dhulka jiidin ama aanan hoyan aniga oo aan ku leylin maxaa yeelay maskaxda cusub waa sida carro dihin oo soo saarta wixii lagu rito.

La soco: qayb danbe oo ka xiiso macaan, sirtana noloshana ku bari doonta, jaamacadna aanad ka heli karin, qof kalena aanad ka dhaxli karin, adigana ay kugu dheeraanayso inaad soo tijaabisaa ama aad nolosha ka dhaxashaa.