Laba Kabood oo Kala Kaan ah Ayaynu Xidhanahay! (WQ: Prof. Cabdi Cali Jaamac)

Wariye Moge: Garabkii aad shalay ku dhawaaqdeen, Maxaa keenay?

Isagii: waxay ujeedadu ahayd in dadkeena la dareensiiyo in nidaamka Dastuuriga ah ee aynu qaadanay iyo habka aynu u dhaqmaynaa uu kala jaad yahay; waxaynu xidhanahay laba kabood oo kala kaan ah.

Wariye Moge: maxaad ka waddaa labadaa kabood ee kala kaanka ah?

Waddamadu waa laba; qaar doorashooyinka way ku shubtaan; innaguse xaggaa waynu ka fiicannahay, oo laguma shubto; haddana waxaynu u dhaqmaynaa sida kuwa ku shubta; ma aha waddamo dimuqraadi ah, inkastoo afka ay ka sheegtaan; kuwani waxay cabdudhiyaan xorriyatal qawlka; bilaysku sharciga ma ilaaliyo ee wuxu illaaliyaa waxay madaxdu doonayso; Idaacadda iyo Tv ga qaranku kuma hawlana baahinta xaqiiqada iyo runta, ee waxay ku foogan yihiin buunbuuninta madaxda dalka iyo wax qabad aan jirin; xisbiyada gudahooda ma jirto dimuqraadiyadiyadi; dee miyaynaan xidhnayn laba kabood oo kala kaan ah;

Cabdo; Maamul wanaagga iyo Ilaalinta sharciga.