Taariikh Faneedka Siciid Mire Xaydar (WQ:Cumar Seerbiya)

Siciid Mire Xaydar magaalada Ceelbuur oo ka tirsan gobolka Galgaduud ayuu ku dashay bilawga sannadkii 1951 , halkaasi ayuuna ku qaatay waxbarashada asaasiga ah oo u badnayd barashada diinta islaamka oo qoyskiisana dadka deegaanku ay ku tixgelin jireen.

Siciid isaga oo 16 sano jir ah waxa haleelay jacayl baโ€™an oo ay markhaati ka noqdeen dadkii deegaanku, waxaanu jacaylkaasi saameyn ku yeeshay noloshiisii oo dhan sida inuu joojiyey waxbarashadii , isla markaana uu kaligii iska wareego.
Ilaa afar sanno markii uu la noolaa jacaylkaasi oo aanu gacantana ku haynin gabadhii uu jeclaaday , wuxuu yimi Muqdisho waxaanu sannadkii 1971 ka qaybgalay tartankii heesaha ee lagu qaban jiray Golaha Murtida iyo Madadaalada Muqdisho isaga oo ujeedkiisa koowaad yahay inuu inuu jacaylka ka ciil-baxo.

Siciid markii uu horreysay ee uu ka heeso dadweynaha hortooda aad ayaa loogu sacbiyey ka dib markii codkiisii gariirku ku badnaa uu ku qaaday hees uu isagu lahaa erayada iyo laxankaba kana waramaysa waayihiisa Jacayl taasi oo magaceedu ahaa โ€œIshaaroโ€.
Ilaa saddex mar ayaa laga codsaday inuu ku celiyo, waxaana barnaamijka habeenkaas hagayey Saxafiga Axmed Cali Askar oo xilligan ogaalkayga ku noolaa dalka Ingiriiska. Ka dibna habeen kale ayuu hadana Siciid ku soo laabtay golihii kana qaaday isla heestii.

Siciid Mire Xaydar wuu ku guuldarraysay inuu hantiyo gabadhii uu jeclaa , waxaanu ku biiray kooxdii Heegan ee booliska Soomaaliyeed , waxa lagu tilmaamaa mid ka mid ah dadkii mudada kooban ku soo caanbaxay ee fankooda la bartay ka dib markii uu qaaday labada heesood ee โ€œDhabta miyaan ku saaraaโ€ oo ay la qaaday Kinsi Xaaji Aadan Xuseen . erayadana uu lahaa Cabdi Bashiir Maxamed Indhabuur , oo ahaa abwaanka koowaad ee kooxda Heegan , laxankana isaga (Siciid) iyo Indhobuur ayaa iska kaashaday iyo heesta kale ee Warmoog oo Indhabuur alifay laxankana Siciid iyo Abwaanku ay wada guuleen .

Sidoo kale isla xilligaasi wuxuu qaaday heesta Qiiro oo ahayd Waddani bulshada uga digaysa qabyaaladda inay ku dhaqmaan , waxaana laga joojiyey heestaasi Idaacaddaha Raadyaw Hargeysa iyo Muqdisho , iyada oo loo fahmay inay inay lid ku tahay dowladda Kacaanka ee talinaysay .

Heesta Qiiro waxa erayada iyo laxankaba allifay Salaad Diirshe oo ahaa hal-abuure sidoo kalena heesaa ah kana tirsanaa kooxda Heegan , waana abwaankii sameeyey heestii saamaynta badan yeelatay ee โ€œ Ceeshaantii Mas iyo Goodโ€ ee dagaalkii Xabashida iyo Soomaalida 1977 ka hadlaysay.

Siciid Mire sidoo kale wuxuu qaadi jiray Qasiidooyin dhawr ah oo ay kala laheeyeen Cabdi Bashiir iyo Abwaan Sugaal Cabdille Cumar sida Qasiidada โ€œ Subxaana Yaa Qafaaruโ€.
Siciid ka dib markii ay kooxdii Heegan ka soo laabatay Deegaanka Dhagaxbuur oo la geeyey intuu dagaalku socday , lana yimi Xamar ayuu kooxda ka tagay sanandkii 1978, sidoo kalena wuxuu guud ahaan ka tagay fanka inkasta oo uu u olalayn jiray in fanka loo adeegsado waddaniyada iyo dal jacaylka .

Intii kooxda Heegan ay ku sugnayd deegaanka Dhagaxbuur ee dagaalkuna socday waxaan la hilmaami Karin in laga dilay kooxda asaasihii u horreeyey ee Heegan Maxamuud Axmed Cali โ€œDabagooye โ€œ kaasi uu dilay nin xabashi ahaa balse af Soomaaliga yaqaanay oo maalin dhan ku dhexjiray kooxda ilaa uu habeenkeedii uu dilay Abwaan Dabagooye .
Siciid intii ay socdeen dagaaladii sokeeye wuxuu ku noolaa Muqdisho , waxaanu u badnaa tafsiiridda Quraanka oo uu yaraantiisii bartay sidoo kalena xifdiyey . Muddo uu xanuusanayey ka dib wuxuu geeriyooday bishii Julaay 2010 iyada oo markaasi la qorshaynayey in dibadda loogu qaado caafimadin.
Alle ha Janneeyo Siciid Mire Xaydar