Talo ku Socota Macalimiinta Cusub Ee Bilaabysa Safarkooda Wax Dhigista (Macalinimo) W/Q :(Abdirahman Sameeco )

Macalinimadu waa xirfad sharaf leh, waxaa laga yaabaa inaadan hodan ku noqon Macalinimada, laakiin waxaa lagugu abaal-marin doonaa dedaalkaaga, dulqaadkaaga, xiisahaaga, xamaasaddaada, hawlkarnimadaada, edaabtaada iyo akhlaaqda kale ee wanaagsan ee aad saamayn ku yeelato ardayda aad wax barto.

Waa dhayalsi iyo fikir taban iyo odhaah niyad-jab ah oo macalinimadu shaqo fiican ma aha. Walaalahayga muslimiinta ahoow waxaad abaal marin ka heli If iyo akhiraba Kaliya noqo Macalin wanaagsan oo dadaal.

Ha ilaawin inaad is eegto oo aad ogaato hibo kale oo aad ku fiican tahay. Ka dhig qorshahaaga labaad oo ku dadaal inaad ka dhigto mid midho-dhal leh, tani waxay kaa caawin doontaa inaad ku raaxaysato xirfadaada macalinimo adigoon waxba ka tagin.

Waxa jira macalimiin leh hanti iyo ganacsiyo kale,
Ha niyad jabina, inaguna waan heli doona Isha Allah!

ila soo dhaweeya macalimiinta cusub ee ku soo biraya macalinimada.

 

 

Qore: Abdirahman Sameeco

Bandhige@gmail.com