Qaar ka mid ah ardaydii hore uga baxday Dugsiga hoose/dhexe ee Macallin Daa’uud ee Magaalada Hargaysa ayaa dib u bookhday dugsigii ay muddo dheer wax ka baran jireen si ay u soo arkaan dayac-tir balaadhan oo dugsigaasi lagu sameeyey, gacana uga gaystaan wixii dhiman.

Qaar ka mid ah ardaydii hore uga baxday Dugsiga hoose/dhexe ee Macallin Daa’uud ee Magaalada Hargaysa ayaa dib u bookhday dugsigii ay muddo dheer wax ka baran jireen si ay u soo arkaan dayac-tir balaadhan oo dugsigaasi lagu sameeyey, gacana uga gaystaan wixii dhiman.

Munaasibad kooban oo lagu qabtay xarunta dugsigaasi waxa kale oo ka qayb-galay Maamulka Degmadda A/dhagax, Maamulka iyo qaar ka mid ah macalimiinta dugsiga iyo marti sharaf kale.

Ugu horeyntii Cabdiraxmaan Axmed Maxamuud(Sameeco) oo ka mid ahaa ardaydii hore uga baxday dugsigaasi iyo Muna Cabdilaahi Wacays oo ka tirsan macalimiinta dugsiga Macallin Daa’uud ayaa sheegay in ujeedada kulankani daaran yahay sidii ardaydii hore uga baxday dugsiga macallin daa’uud ay indhahooda ugu arki lahaayeen isbadelka lagu sameeyey dugsiga isla-markaana doorkooda uga qaadan lahaayeen, waxa ay ugu baaqeen dhammaanba ardaydii ka baxday dugsigan meel kasta oo ay joogaan in ay kaalintooda ka qaataan horumarinta dugsiga, iyagoo mahadcelin balaadhan u jeediyey Dawladda Hoose ee caasimada Hargaysa oo dayac-tir balaadhan ku samaysay dugsigan.

Agaasimaha Wakaalladda Wararka Somaliland ee SOLNA Cabdicasiis Caydiid Yamani, Agaasime Ku-xigeenka Waaxda Miisaaniyadda iyo Dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada Somaliland Cabdalle Ciise Xasan, Dr Khadar Good Nuur, Aqoonyahan Xuseen Caare iyo Khaalid Jibriil Aadan oo ka mid ahaa ardaydii hore uga baxday dugsiga macallin daa’uud oo halkaasi iyaguna ka hadlay ayaa sheegay in ay si aad ah ugu faraxsan yihiin in ay dib ugu soo laabteen dugsigii ay waxbarashada ka bilaabeen, kaas oo taariikh weyn ku leh nolosheena, waxa ay tilmaameen in ay muhiim tahay in ardaydii ka baxday dugsigani ay gacmaha isu qabsadaan wax ka qabashada baahiyaha dugsigooda, iyagoo soo jeeiyey in la sameeyo madal kulmisa dhammaan ardaydii ka baxday dugsiga.

Guddoomiyaha Degmadda A/Dhagax Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Degmadaasi Nadra Xaaji Cali oo kulankaasi soo xidhay ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay in ay arkaan ardaydii hore uga baxday dugsiga Macallin Daa’uud oo dib ugu soo laabtay dugsigoodii ,si ay horumarintiisa qayb uga qaataan, waxa ay xuseen in dawladda hoose ee caasimada hargaysa ay shaqo weyn ka qabatay dugsigan iyo dugsiyo kale oo ku yaala caasimada hargaysa, wixii dhimana ay tahay ardaydii ka baxday dugsiyadaasi ay kaalintooda ka qaataan.