Waftiga Somaliland ee booqashada shaqo ku jooga dalka Taiwan ayaa kulan la qaatay midawga Ganacsatada Taiwan iyo Africa ee loo yaqaan TABA, isla markaana ah hay’ad ay ku midaysan yihiin Ganacsatada dalka TAIWAN.

Waftiga Somaliland ee booqashada shaqo ku jooga dalka Taiwan ayaa kulan la qaatay midawga Ganacsatada Taiwan iyo Africa ee loo yaqaan TABA, isla markaana ah hay’ad ay ku midaysan yihiin Ganacsatada dalka TAIWAN.

Hadafka TABA ayaa la xidhiidha sidii ay u dhiirigelin lahayd ganacsi iyo maal-gashi dhex mara dalalka Africa iyo Taiwan.

TABA waxa kale oo xoggaha ganacsi si khaas ah ula wadaagtaa tujaarta reer Taiwan si ay maalgelin iyo is dhexgal uga dhex dhaliyaan Taiwan iyo dalalka Afrika.

Waftiga Somaliland ee uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska ee Somaliland waxa uu la wadaagay xubnaha TABA wadaagayaasha kala duwan ee mudnaanta u leh Somaliland una baahan in maalgelin loo helo kuwaas oo ay ka mid yihiin Kalluunka, Xoolaha, Macdanta, Xabkaha iyo faleenka, Tamarta cadceeda iyo dalxiiska iwm.

Waftigu waxa kale oo uu la wadaagay TABA iyo xubnaha ganacsatada reer Taiwan horumarka baaxada leh ee laga sameeyey dekedda Berbera, Gagida diyaaradaha Berbera, iyo marrinka dhaqaalaha ee Berbera oo diyaar u ah inuu isku xidho Afrika iyo dalka Taiwan.

Hay’adda TABA ayaa dhankeeda sheegtay in shirkadihii u horeeyey oo laga leeyahay dalka Taiwan ay bilaabeen in ay maal gashadaan Somaliland, Kuwaas oo ay ka mid yihiin CPC Corporation, Central Sky International Trading Company, and Motor Cycle (Tricycle Co).