Talo ku socota Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi: Ka qaybgalka Xafladaha Qalin-jebinta (WQ: Dr-Abdulqani Beder)

Talo ku socota Madaxweynaha Soomaaliland, Mudane Muuse Biix Cabdi

 

Ujeeddo: Ka qaybgalka Xafladaha Qalin-jebinta

 

Asalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuh

 

Mudane Madaxweyne, salaantaa Islaamka ee qiimaha leh ka dib, waxa aan si xushmad leh kaaga codsanayaa in aad soo jeedintan dhugato.

 

Mudane Madaxweyne waxa caado noqotay in ay Jaamacadaha iyo xarumaha kale ee waxbarasho ku tartamaan marka ay xaflado qabsanayaan marti qaadka madaxda xukuumadda, xisbiyada iyo shakhsiyaadka caanka ka ah bulshada dhexdeeda, waa caado xukuumaddaada ka horraysay oo weli socota.

 

Ujeeddada ay jaamacaduhu u casuumaan madaxda waxa weeye keliya in ay u adeegsadaan bandhiggaas suuqeyn ay ku xoojiyaan jiritaankooda, kuna kasbadaan arday cusub iyo magacba.

 

Mudane Madaxweyne Jaamacaduhu waa xarumo waxbarasho oo baahiyo kala duwan qaba, sida ardayda qalinjebinaysaaba baahiyo in la daboolo u baahan u qabaan.

 

Waxa wanaagsan imaatinka madaxda ee goobahaasi in ay noqdaan kuwo ka jawaaba baahiyaha meelahaas yaalla, ugu yaraan qaybo ka mid ah, ee aanay u noqon keliya madal farriimo bulsho laga gudbiyo oo ciddii loo qabtay iyo ciddii qabatay aanay waxba ka faa’iidin.

 

Mudane Madaxweyne tayada waxbarasho ee dalkeennu aad ayay u hoosaysaa, sababta ugu muhiimsan ee arrintaas wax looga qaban kari la’yahayna waa awooddii lagu dabiibi lahaa oo hoosaysa, jaamacaduhu ma laha kaabayaal tacliimeed oo ku filan.

Ma haystaan laabab wax lagu shaybaadho oo tiro ahaan iyo tayo ahaanba ugu filan, ma haystaan maktabado akhris oo heerkii jaamacadi u baahnayd gaadhsiisan, ma haystaan deegaanno ku habboon waxbarasho, badankoodu waxa ay ku jiraan goobo kiro ah, kuwa meelaha ay leeyihiin ama dawladdu leedahay ku shaqeeyaan kala duwan ayay qabaan.

 

Waxa ay u baahanyihiin kaabid dhaqaale oo ay ugu yaraan qayb ahaan kaga maarmaan ku tiirsanaanta ardayda, isla markaana u helaan awood ay tayada jaamacadda kor ugu qaadi karaan.

Mudane Madaxweyne farriimaha mikrifoonada goobahaas yaalla laga diro waxa ka qiimo badan in aad jaamacadaha ugu yaraan joogitaankaaga ugu yaboohdo wax maqaamkaaga u dhigma oo waxtar u ah jaamacadda aad imaatinka ku sharaftay, sida in aad u dhisto Library xambaarsan magacaaga, laab, fasallo iwm.

 

Sidaas oo kale Mudane Madaxweyne ardayda qalinjebinaysaa baahiyo ayay qabaan u baahan in la daboolo, muddo dheer ayay geeddiga waxbarashada ku jireen, mustaqbalka ugu mudan ee ay ku hammiyayaan waa in ay shaqo helaan oo wixii ay barteen midhihiisii goostaan, sidaa awgeed waxa aan Mudane Madaxweyne soo jeedinayaa in ardaydaa laga farxiyo oo ugu yaraan kuliyad kasta saddexda arday ee ugu sarreeya la shaqaalaysiiyo, ama tacliin sare laga bixiyo.

 

Waxa aan rajeynayaa in ay soo jeedintani soo dhoweyn idinka heli doonto, oo ardayda iyo jaamacaduhuba booqashadiinna ka faa’iidi doonaan wax sawir dhawr maalmood la sii wareejiyo ka weyn oo raad ka taga.

 

Mudane Madaxweyne tani ma ah taladii ugu horreysay ee aan halkan kuu soo mariyo, qoraallo badan ayaan halkan kuugu soo gudbiyey wakhtiyo kala duwan, mana garan karo in ay ku soo gaadheen iyo inkale, waxa aan hubaa oo keliya in ay shaqaalaha madaxtooyada ee kugu dhow farriimahaygu gaadheen – Idamka Alle – talo soo jeedintani ma noqon doonto tii ugu danbeysay.

 

Ujeeddadu waa in aad bulshadaada ka hesho la talinta aad xaqa u leedahay, rajaduna waa in aad aqbasho haddii ay munaasib kuugu muuqato.

 

Mar kale Asalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakatuh.

 

Sh. Dr-Abdulqani Hussein Beder