Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaruhu waxay tababar ku saabsan adeegyada la xidhiidha caafimadka dhallinyarada u fureen shaqaalaha xirfadalayaasha caafimaadka 

 

Agaasimaha Wasaarada Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Cabdilaahi Saciid “Khaawi” ayaa waxa uu tababar u furay ku saabsan adeegyada la xidhiidha caafimadka dhallinyarada u soo gabayeeyey shaqaalaha xirfadalayaasha caafimaadka ee ka hawlgala xaafadaha magaalada Hargeysa.

Tababarkan ayaa waxa uu socon doonaa muddo laba cisho ah, ayaa waxa lagu baran doonaa sidii loo xafidi lahaa xogta caafimaadka dhallinyarada, u adeegida dhallinyarada adeegyada caafimaadka, iyo sidii kor loogu qaadi lahaa in ay dhallinyaradu ku xidhnaadaan adeegyada caafimaadka.

Ugu horeyn waxa kulanka ka hadlay Dr. Axmed Cabdi Jaamaca oo ah xidhiidha Caafimaadka Gobolka Maroodi jeex. Dr. Axmed waxa uu sheegay in uu muhiim yahay tababrkan uuna ku boorinayo bahda caafimaadka in casharada ay halkaas ka bartaan ku dabaqaan hawl maalmoodkooda iyo sidoo kale siday dhallinyaradu ugu dhiiri gelin lahaayeen in ay ku xidhnaadaan goobaha caafimaadka.

Sidoo kale waxa tababarkan ka hadlay Maxamed Xasan Cabdi Agaasimaha Waaxda Dhallinyarada ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, ayaa waxa uu ka warbixiyey muhiimada uu leeyahay tababarkani. waxaanu ku dheeraaday in ay bahda caafimaadku had iyo jeer soo dhaweeyaan dhallinyarada una muujiyaana saaxiibtimo. Sidoo kalena waxa uu xusay xogta ay dhallinyaradu la wadaagto bahda caafimaadku ahaato mid sugan oo aan dhaafin adeegayaasha caafimaadka.

Ugu dambayntii waxa tababarkaas ka hadlay Agaasimaha Wasaarada Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Cabdilaahi Saciid “Khaawi”. Agaasimaha Guud waxa uu sheegay in ay dhallinyaradu dareemaan baahiyo balse ay ku adkaato in uu la xidhiidho xarumaha caafimaadka.

Sidoo kale waxa uu Agaasimuhu kula dardaarmay in ay shaqaalaha caafimaadku in ay ka faaiidsataan tababarkan wixii ay ku barteen uguna adeegaan dhallinyarada. Sidoo kale waxa uu Agaasimaha Wasaarada Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Saciid Cabdilaahi Khaawi balan qaaday in ay joogtayn doonaan tababarada noocan ah iyaga oo khaasanaya Wasaarada Horumarinta Caafimaadka.

Halkan Hoose ka daawo muuqaalkan warkan: 

bandhige@gmail.com