Talo ku socota Xarumaha/Dugsiyada Waxbarashada Suuqyada ka furan ee gaarka loo leeyahay! (WQ: Cabdifataax Axmed)

Maanta marka tiradda ardeyda wax baraneysa ay sii badaneyso,dhanka kalena tayada waxbarashadda jaamacaddaha somaliland aan kalsooni buuran lagu qabin,waxa meesha imaneysa in la isweydiin karro fursado kale iyo dugsiyo kale oo lagu dhex qaso,garabna u noqda waxbarashada sarre ee dalka,si markaasi looga jawaabo dalabkaasi waxa suuqyada magaallooyinka somaliland soo buux dhaafinaaya dugsiyo gaar ah oo si madax-bannaan  labada gelin iyo habeenkiiba uga dhex shaqeeya dalka.

haddii aad dooneyso in aad suuqyada wax ka dhiggato oo aad ka hesho aqoon iyo xirfad ku anfacda,waxa kuu furan boqollaal dugsi gaar ah oo si gaar ah u shaqeynaaya saacadd kasta.Baaxada koriinka dugsiyada gaarka ah ee suuqyada ka shaqeeya waa kuwo intii horre ka soo kordhaaya isla markaasina dhaqaalaha dalka iyo shaqo abuurka ka qeyb qaadanaaya.

waa saaxad cussub oo dad badan oo wax bartey ay ku tartamayaan fursadaha badan ee ku jira awgeed.iyada oo aan ognahay in ardeyda ugu badani ee wax dhigganeysaa ay ku biiraan jaamacaddaha haddana  dugsiyada gaarka suuqa uga shaqeystaa waxa ay ku guuleystaan in ay ardeyda ku soo qalqaaliyaan in ay qaataan koorasyadooda oo u baxayaa si ka tayo badan sida jaamacadda.

dugsiyada gaarka ah ee suuqu waxa ay noqdeen waxyaabaha ugu caansan ee ardeydu ay sida gaarka ah uga xushaan koorasyada ay rabaan si ay isaga dhisaan meelaha iyo qeybaha ay ku hooseeyaan.Guusha tartan ayaa loogu jiraa,waxbarasho la rumeyn karo laguna kalsoon yahay in ay bixiyaan waa jiritaankooda cimriga dheer.Marka laga tago inta kooban ee weli suuqyadeena lagu dhiggo (koorasyada baxaaya arrimaha IT-ga,caafimaadka,Maamulka iyo Ganacsiga,saxaafadda iyo luqadaha).Markasta oo dhaqaaluhu sarre u kaco dadka furaaya Dugsiyadda gaarka ah (Private Institute)ayaa badanaya,in waxbarashadda lagu xoojiyo dhaqaalaha oo dadka wax la baro si ay mustaqbalka wax ula soo baxaana waa Mid meesha ku Jirta.weli in badan oo kale oo cilmiyada ah ayaan si gaar ah loo bixin oo innaga maqan.in la furo oo suuqa lagu soo kordhiyo baahida maaddooyinka xirfad shaqo u horseedi kara da,yarta wax baraneysana waa waajib aqoonyahanka dalka saaran.

ardey badan ayaa u socda  waxbarasho caalamka la  talaabsaneysa oo dunida ku xidheysaa sidaasi awgeed waa in ay hadd iyo jeer isbeddel ku sameeyaan addeega waxbarasho ee ay bixinayaan.Fursadaha iyo tartanada Joogtada ah ee albaabada u furaaya isbedellada xoogga ah ee dhanka horre loo qaadayana waa in ay ka faa,ideystaan.Jidku weli  maaha mid qodxaha laga wada qaadey,horumarka dhanka helida macaahid iyo dugsiyo gaar uga shaqeeya suuqa waxa ay inooga baahan tahay dedaal,u istaag furitaankooda,nasiibkuna wuxuu la jiraa geesiyaasha aasasayaasha ah ee raba somaliland ka sarreysa dhanka waxbarashadda.Geesiyaashaasi ayaana laga sugayaa in ay daah furaan xarumaha waxbarashadda gaarka ah ee caasimada iyo dalkaba ka maqan sida ( Institute of Management,Institute of General patent attorny trainings,Career Colleges,Engineering Institutes,Institute of Technology,Aviation Institutes,Teacher Education Institutes).

Jidka dheer ay somaliland waxbarashada u soo martey dugsiyadda gaarka ee suuqyada iyo xaafadaha sida gaarka looga aasaasey  kaalin weyn ayey ka soo geysteen horumarinteeda,Baahida Jirta iyo Halka Mustaqbalka loo socdo intaba.noloshu wey is beddeleysaa,isbeddelada ku socdaana waa kuwo xawaare ku socda.siddaasi awgeed isbeddeladaasi waxa ay inooga baahan yihiin in aan ka diyaar garowno oo aan qaadano xirfadaha rasmiga ah ee lagama maarmaanka ah si aan uga faa,ideysano fursadaha dunida isku furan taasi awgeed markaa waa in xarumaha waxbarashadeenu ay la jaanqaadi karaan bulshaddana ay hagaan oo ay jiheeyaan hadba wixii cussub.

Ugu danbeyntii Talada aan u soo jeedinayaa Dugsiyada gaarka loo leeyahay ee saacadaha oo dhan ka  shaqeeya suuqyada caasimada waxa  ay tahay in ay sameystaan ururo isku xidha oo middeeya dantooda kuna bahoobaan,si yaga oo isku duuban ay uga qeyb qaadan karaan horumarka dalka iyo bulshadooda.Waa in Kulano wada tashi  ay isugu yimadaan oo ay qabsadaan,Mid kastaaba in uu laba kumbuyuter meel dhigto halkaasina ku xidhnaado maaha,sidoo kale waa in ay kor u qaadaan xirfadaha iyo adeegyada tayada leh ee ay bixinayaan iskana hubiyaan macallimiinta ay ardeyda ugu yeedhayaan xirfadooda,taasi oo sababi doonta in ay ka feejignadaan in ay suuqa horre uga baxaan amma dib u xidhmaan,hana ogaaddaan in macaahidaasi iyo dugsiyadaasi gaarka uga shaqeynaaya suuqu ay yihiin bulsho wax dhiggeysa,kana mid ah bulshaddooda,siddaasi awgeed waa in ay suurto geliyaan “”COMMUNITY EDUCATION TRUST”.Sharciga iyo Ruqsada qaadashada diiwaangelinta dugsiga iyo bixinta cashuuraadka ku waajibey ayaana ah aqoonsiga ay ardeydu ugu soo hiran doonto.”Mustaqbalka waxa aan sugi doonnaa macaahida iyo dugsiyada gaarka ah ee ka tayo badan doona jaamacaddaha isla markaasina billaabi doonna degreeyo waxbarasho sida jaamacaddaha ee la jaanqaada dunnida,waddamo badan “Institute” in aad ka soo baxdo ayaa ka qaalisan in aad jaamacadd ka soo baxdo.

Abdifataah M.Ahmed

Ceelaabe_10@hotmail.com