Safarka Madaxweynaha Somaliland ee Kiiniya: Kulamada uu la qaatay Madaxweyne Uhuru iyo Hoggaamiye Raila Odinga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey, oo gaadhay dalka Kenya ayaa lagu soo dhaweeyey dalkaasi, iyadoo madaxweynaha iyo weftigiisana loo gelbiyey Hotel Kempinski.

Markii uu Kiiniya ka degay, waxaย madaxweynaha iyo weftigiisa garoonka ku soo dhaweeyey wasiirka beeraha Mr. Peter Munya iyo wasiiru-dawlaha arrimaha dibeda, Mr. Ababu Namwamba iyo masuuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha dibeda dalka Kenya.

Madaxweyne Muuse iyo Hoggaamiye Odinga

Ilaa hadda intii uu joogay, waxa uu kulamo la qaatay Madaxweynaha Kiiniya Uhuru Kenyatta iyo Hoggaamiyaha Mucaaradka Raila Odinga.

Waxaana soo dhawaynta ka dib warbaahinta qaranka Somaliland la hadlay wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo safiirka Somaliland u fadhiya dalka Kenya Amb. Baashe Cawil Cumar iyagoo sharaxaad ka bixiyey soo dhawaynta madaxweynaha iyo kulamada ay yeelan doonaan maalinta berri ah madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo madaxweynaha dalka Kenya.