Guddoomiyaha Maraykanka Ee Xisbiga Waddani Oo U Tartamaaya Xubin-ninada Golaha Wakiilada JSL ayaa Lagu Soo Dhaweeyey Hargeysa

Gudoomiyaha Xisbiga Waddani ee dal-weynaha Maraykanka Gud. Ibraahin Aadan Aw-Qoobey ayaa si baladhan loogu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Hargeysa.

Gudoomiyaha oo ay soo dhawayntiisa ka qayb-galeen masuuliyiin ka tirsan xisbigiisa iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada iyo taageerayaashiisa gaar ka ah-ba, ayaa waxa uu madashii soo dhawayntiisa ka shaaciyey in uu yahay musharax u tartamaaya Xubin-ninada Golaha Wakiilada JSL, isla markaasna uu diyaar u yahay inuu ka qayb-galo doorashada Golaha Wakiilada ee dhawaanta la filaayo inay dalka ka qabsoonto.