Xaaladda Itoobiya (WQ: Cabdirisaaq Boodhle)

Haddii aynu abla ablayn ku samayno dagaalka waqooyiga itoobiya ka socda iyo waxa uu salka ku hayo waxa muhiim ah marka hore in aynu dib u celino cajalada taariikhda si aynu u fahano waaqica dhabta ah ee meesha ka jira.
3 February 1977kii waxa xukunka itoobiya la wareegay mingistu hayle maryam isaga oo inqilaabay boqorkii ka horeeyay ee halyle silaase markii ay taariikhdu maraysay 1988kii waxa dalka itoobiya ka dhacay abaaro iyo gaajo is huwan taas oo sababtay in 8milyan oo itoobiyaan ah ay cunno yari iyo gaajo soo food saarto, arrintan oo wadada u xaadhay in ay dilaacaan mucaarad hubaysan oo dawlada ka soo horjeeda sanadii 1988kii, waxa ay jabhadahani shirk u qabsadeen meel ka mid ah wadanka suudaan, iyaga oo heeshiis ku galay in ay ridaan xukunkii dergiga ee uu hogaaminayay mingistu hayle maryam,waxaa madax iyo hogaaminta jabhadaha loo doortay jabhada tigreega sababta oo ah tababar fiican oo ay qabeen iyo hubkooda oo wanaagsanaa.
Isbahaysigii jabhaduhu waxa uu dagaal la galay dawladii mingiste , dagaalkaasi oo qaatay 3sanno markii ay soo dhawaatay dhicitaankii dawladii mingiste 1990kii waxa London lagu qabtay shir ay hoggaaminayeen maraykanka iyo ingiriisku oo la iskugu yeedhay dhamaan madaxdii jabhadaha hubaysan oo dhan, si ay hal calan ugu midoobaan, tigreeguna hoggaan uu sii ahaado.
Bilo yar ka dib waxa ay isbahaysigii jabhaduhu qabsadeen xukunkii, waxaana raysal wasaare loo doortay Tamirat Linh 28 may 1991kii waxaana uu ahaa qowmiyada tigreega, waxa badelay male zanaawi 1995kii.
Waxa uu xilka hayay male zanaawi ilaa intii uu ka dhimanayay sannadii 2012kii, taas oo tigreega ka dhigaysa in dalka ku maamulayeen gacan bir ah muddo 20 sanno ka badan ,dhimashadii male zanaawi dabedeed waxa xilka madaxtinimo la wareegay hayle maryam disaliin oo ka soo jeeda shucuubta galbeedka itoobiya.
Markii uu xilka la wareegay hayle maryam disaaliin waxa bilaabmay mudahaardyo ay hormood ka ahaayeen oromadu oo ay ku dalbanayeen in xukunka si caddaalad ah loo qaybsado , waxa mudaharaadadii dabka ku sii shiday markii dhul beereed ay oramadu lahaayeen lagu wareejiyay maalgashadayaal ajaanib ah .
Waxa iyagu hurinayay mudahaaradada oo qayb ka ahaa reer galbeedka oo iyagu aad uga soo horjeeday maalgashi balaadhan oo shiinuhu ku sameeyay itoobiya, waana halka ay TPLF iyo reer galbeedku isku seegeen.
Sannadii 2014 markii uu raysal wasaaraha shiinuhu soo booqday itoobiya waxa ay wasiiradii iyo ganacsatadii la socotayba qalinka ku duugeen heshiisyo maalgashi oo ilaa lix iyo toban ahaa kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen dhismaha wadooyinka, warshadaha,iyo kor u qaadida kaabayaasha dhaqaale.
Isla sannadaasi waxa ay maraysay tirada shirkadaha shiinaha ahi 500 oo shirkadood oo ay hormood u ahayd shirkada huwai, waxa lagu qiyaasay maalgashiga ay sameeyeen marka la isku geeyo 1.5 bilyan dolar, arrintani waxa ay ku tusinaysaa sida uu u qoto dheeraa xidhiidhka shiinaha iyo kooxda xukunka haysay ee TPLF,maraykan se arrinkani ma farxad galin waxa uu arkay in itoobiya oo ah wadanka ugu saamaynta badan geeska lagala wareegay taasi oo dhalisay uu dabada ka gujiyo Qoomiyada tirade badan ee bilaa tayada ah, isaga oo foodsaar uga dhigay in ay codsadaan in talada dalka laga qayb galiyo oo waliba boosas muhiim ah loo magacaabo waxa bilaabmay mudaharaadadii ay hormoodka ka hayd kooxda dhaliyada ah ee qeero , mudaharaadadii markii ay xoogaysteen ee ay amxaaradiina ku soo biirtay wax iscasilay raysal wasaarihii dalka hayle maryam disaliin, si raysal wasaare cusub loo doorto waxa la amray kooxihii xukunka u xusul duubnaa oo oramadu ugu fadalo cadayd in ay musharax soo doortaan musharax u tartama xilka raysal wasaaranimo, jabhada xoraynta oromada ayaa musharaxii hore la iskugu raacay ee “lama magasa” oo ahaa madaxwayniha oromada ku badashay Generaal hore oo sirdoonka ka tirsanaa waa Abby ahmed madaxwayha hadda talada haya, waxa iyaguna tageeray arrinkan oo soo dhaweeyay amxaaarada sidaasi ayaana cod aqlabiyad ah loogu ansixiyay in uu noqdo raysawasaaraha cusub ee itoobiya.
Markii uu kursiga u sareeya dalka ku fadhiistay abby waxa uu iska dhigay nin wax hagaajinaya oo qabaw , waxa uu soo daayay siyaasiyiin hore oo xabsiga lagu ilaaway,
Saxaafadii cabudhsanaydna inyar ayuu ka neefiyay, waxa uu sheegay in ay ka go’antahy in uu musuqmaasuqa la dagaalamo,sannadii 2018na waxa uu ugu magac daray sannadii dib u heshiisiinta.
Waxyaabaha uu qabtay waxa ka mid ah dib u heshiisiintii soomaalida iyo oromada 8dii April2018 oo isku haystay xadka labada gobol muda dheerna khilaafkoodu soo jiitamayay.
6may 2018 waxa uu baarlamaanku u codeeyay in xaaladii degdega ahayd wadan laga qaado.
7jun 2018 waxa uu badalay janankii ciidanka u sareeyay iyo taliyihii sirdoonka waana isbadalkii u horeeyay ee lagu sameeyay labadan jago muddo laga joogo 17sanno taasi oo ay tigreegu u arkeen beegsi la beegsanayo.
22jun waxa ay jabhadihii hubaysnaa ee xaruntoodu ahayd ereteriya bayaamiyeen in ay xabad joojin sameeyeen.
Arrinta mucjisada ah ee indhaha caalamka soo jiidatay waxa ay ahayd in uu la heshiiyay cadawgiisii ugu darnaa waa dalka ay jaarka yihiin ee ereteiya, heshiiskan waxa gardaadinayay imaaraadka carabta oo qorshe fog ka lahaa heshiiska , qorshahaasi oo ah in uu dakada cosob ee ereteriya u leexiyo ganacsiga itoobiya maadaama ay jabuuti isku dhaceen , waxa uu jabuuti uga dhigayay aargudasho siyaasadeed.
Isku soo wada duub oo abby wanaagyadii uu sameeyay iyo siyaasadiisii is maldhakhinta ahayd waxa laf dhuun gashay ku noqday tigreega jiif iyo joogba way u diideen , dhawr jeer waxa ay isku dayeen in ay khaarajiyaan hasayeeshee uma ay suurto galin.
Markii uu soo shaacbaxay xanuunkan dunida saameeyay ee karoonuhu waxa uu abby dib u dhigay doorashadii dalku galilahaa xanuunka daraadii, arrintaa waxa ku gacan saydhay tigreega oo doorasho aan dawlada dhexe la ogayn iska bilaabay , halkaa kuma ay joogine waxa ay qabsadeen ciidankii waqooyiga oo badhna laayeen badna firxad ku baxsaday halkaasna waxa ay kula wareegeen hubkii casriga ahaa ee ciidankaasi haystay, arrintani waxa ay ka cadhaysiisay abby axmed waxa uu bayaamiyay 4November dagaal uu ku qaadi doono gobolka tigreega daggaalkan waxa aad ugu faraxsanaa axmaarada xagjirka ah maxaa yeelay tigreegu waa awooda kali ah ee ay is ceshenayeen,sida oo kale magaalooyin xuduuda ku yaala ee Raya iyo wolkeyt ayaa ay labada qoomiyadood isku haysteen in muddo ahba sidaa aawadeed amxaarada guul ayay u tahay haddii TPLF laga guulaysto waana sida ay u eegtahay, magaalooyinka badankoodii waa laga qabsaday maqale oo u danbaysayna xalay ayay la wareegeen milatarigu sida ay ku sheegeen bayaan ay soo saareen.
Abby ahmed marka uu TPLF ka soo faraxasho ee uu ka soo kabto khasaarihii dagaalka ka soo gaadhay waxa uu gacan bir ah ku qaban doonaa wadanka , shahaadadii nobel peace price tana meel ayuu soo dhigan doonaa maxaa yeelay itoobiya gacan ku dhiigle axmaq ah uun baa maamuli kara, bal aynu ka dhur sugno waxa uu la yimaad .
W/Q:Cabdirisaaq Boodhle